Bilan waxa ay u aheyd maalin farxadeed waa maalinkii arooskeeda, cilaankii iyo cusburkii baa ku xardhan, waxa ay dhegta ku heysaa hoolka meherka ka dhacayo wixii ka soo yeeri doono.
Odayaashii labada reer waxa ay fadhiyaan goobta meherka ka dhici doono, ehel iyo asxaab waa la soo buux dhaafshay.
Waqtigii baa la gaaray mar qura ayaa la tabay wiilkii Bilan laab qaaday ee caawa ay aqal geli lahaayeen oo maqan.
Meel walba ayaa laga doonay dhallinyadii la socotay ayaa hal hal loo wacay qof meel ku sheegto waa la waayay waxaa lagu qasbanaaday in bilan la wargeliyo bal in ay wax ogtahay.
Qaracan iyo Naxdin baa Bilan la soo gudboonaaday waxa ay aamintay in ay wax ku dhaceen marna uu nabad qabin ma waxaa jira nin guurkiisa ay guurtida u fadhido oo war iyo wacaalkiis la weynayo, isbitaalada magaalada laamaha aminiga cid walba waa lagu wargeliyay tan ugu daran number ka telkiisa qadka waa ka maqan yahay.
Bilan waxaa u soo hoyatay maalin murugo ma taqaan wax ay sameyso reerkii uu wiilka ka dhashay ayaga waa yaaban yihiin, ninkey ku harteey howli u taal
Bilan waxa ay liqi weyday ninkii harsiga iyo Hooyga u diiday ee aan sugno inta aan Master ka ka diyaarinayo ka diiday, oo dhibicdiisa la waayay.
Bilan waxa ay isku barteen Xaange Jaamacadda ay dhigato xaafad ku dhaw Warshad ku taal oo laga soo sanceeyo birta , ila ugu danbeyn ay far iyo Faraanti isku noqdeen Reerka Bilan waa Aabbe iyo Hooyo iska ladan oo halkaa gabar ifka ka heysto doorashadeedana iyo dooqeeda ayey ku raaceen oo saa ayuu reerka uga mid ahaa Ahaa Xaange.
labadii reer odayaashooda ayaa goobtii ku haray wax talo marba dhan laga rogo waxaa lagu soo afjaray bal in waqtiga loo daayo ee wiilkiina la baadi goobo Geeri iyo Nolol.
Bilan hooy iyo harsi uma yaal dadka deegaanka iyo asxaabteeda waxa ay si aan kala joogsi laheyn isku weyddiinayaan sababta Xaange daqiiqadihii u danbeeyay uu uga baxay balankii guurka iyo maqnaanshihiisa, su’aasha sida ay Bilan u dhibsatay awgeed qofna uma furto umana xirto.
Iyadoo xaalku sidaa yahay oo Bilan ay guriga iska joogto waxaa u yimid ina abtigeed oo dibadda ka yimid uma yimid Bilan si uu boogi dhayo .
Siyaad waa Bilan ina Abtigeed waa nin ka soo qalin jabiyay Jaamacad ku taal Ottawa Canada qeybta Denbi baarista iyo daba galka ajaaniibta.
Waxa uu ka mid ahaa 100 arday oo halkaa waxbarasho loogu diray sidaa darteed markii uu afkeeda ka dhegeystay wixii dhacay iga warsug buu yiri: Anigaa war kaa keenaayo geeri iyo Nolol.
Siyaad asagoo la kaashanayo Ciidamada Amaanka qaar ka mid ah ugu horreyn waxa ay ogaadeen inuu tahriib dalka uga baxay.
Dhowr bilood ka dib waxa la ogaaday inuu South Africa ku nool yahay, haddana uu geed dheer iyo mid gaaban uu u fuulo sidii uu Yurub ku tagi lahaa, dad ay qaraabo yihiin uu la shirkoobay oo biilkiisa halkaa uga soo bixi doono.
Bilan markii loo sheegay inuu bad qabo safar u yahay yurub welibana lacag uu watay loogu shaqeeyo , Bilan helista Xaange oo danahiisa wata in ay maqasho marna waa ay ku faraxday marna waa ay ka naxday waayo waxa ay aad u daneyneysay in jaceylkeeda hano qaado, la mood now
Qonse weyday yeelkeeda waxa kale oo la siiyay telka laga heli karo taasoo u aheyd ama uga dhigneyd in ay heli doonto sababta ka danbeysa.
Waqti iskama lumin in ay durba garaacdo telkiisa, markii uu ka qabtay raali gelin buuxda ayuu ka bixiyay sababtana inuu u sheego waa diidyay oo waxa uu ku adkeystay inuu balan qaaday dooneyna inuu balantaa jabiyo.
Bilan kama yeelin in ay kaga qanacdo marba waxa ay dhinac ka soo marto waxa uu ku dhaariyay in aysan qofna la wadaagin.
Xaange Bilan inuu jecel yahay weli waa ka muuqataa waxa weyn ee ku kalifay inuu maalinkii bilan ka dhuunto saaxadda oo uu dalka iskaga baxo wax yar ma aha bilan waa ay dhowreysaa in ay maqasho hase ahaatee Xaange waa ku adag tahay inuu hadalka soo tufo, ugu danbeyn waxa uu yiri; Bilaney, marka here was in aad ogaato in San ku jeclahay marka xiga wax walba sabab ayey u dhacaan waana tan igu kaliftay in aan labo daran mid doorto , waxa aan door biday taan is lahaa labadiinaba mustaqbalka fog ayey idin anfacee.
Bilan yaab baa meel walba uga yimid…..
La soco qeybaha xiga