Gabayga: Meeraysi
1. Maansada rag waa wada marshaa waase kala maaane
2. Ninba meeshow mudanka u arkow mowjad saartaaye
3. Midnimiyo israac iyo inaan midig walaalowno
4. Marna horumar aan tiigsannoo meel u wada duulno
5. Muddo dheer ayaa laynku waday minaad maqlaydaane
6. Culumadu wacdiga maysan dayn meershe diintiiye
7. Abwaannadu murtida way tirshaan maalin soo galaye
8. Madaxduna dhaliilu ha jirtee hadal ma daayaane
9. Dadkaygaase moog waxan ahay maar afuufkeede
10. Markaan aan ku dayo waa intow meel daweeyaaye
11. Maandhow gabayga lays kama tirshiyo meerisyada qaare
12. Maansaba micnay leedahiyo meel ujeedaahe
13. Waa macaan mar kale waa qaraar midiba waa nuuce
14. Midba meesha loo tirinayay magac wadaagaane
15. Mirif malahan taan marinayaa mayran weeyaane
16. Waa midaanan maal iyo ku rabin magacyo maamuuse
17. Dadkaygaa ismirayaan rabaa inay midoobaane
18. Tani iyo mar hore oona jirin waa ismudayeene
19. Ilaahow ka mayr sidaad abaar roobka ugu mayrto.
20. Soomaali waxa meesha dhigay waa mag bixinteede
21. Waa marada duudduubaney midigtu dhiibtaaye
22. Waa maal la bixiyoon la siin kii mudnaasha lehe
23. Waa muran qabyaaliyo wax aan maan galba ahayne
24. Waa macangagnimo oo caqligu maafish weeyaane
25. Meeshaan anaa joogi jiray maalma ka hortoode
26. Mahan waa ayaan mari jirnaye ha isku soo marina
27. Ma mudnayn in loo jaro naf aw Eebbe maanacaye
28. War miyaadnan aayadaha iyo meersan axadiista
29. Oo miyaadnan maqal inay xisaab maalin dhici doonto?
30. Qof markow walaakiisi dilay jooga meel wacana
31. Oo malab ka cabay caano iyo sumagna loo miisay
32. Ama maalyo mooraal ku helay madaxyo ow gooyay
33. Middan haatan joogniyo aakhiroo loo martiyi doono
34. Maan arag walina maanan maqal magac Ilaaheeye
35. Adinkuna ma moogidin xisaab inaad maraysaane
36. Qof kastaa mahow maray waxow maal ka soo qaatay
37. Mar la soo hordhiginaa jirtoon muran la yeelayne
38. War miyaadnan garan waxa xun iyo wixii macaan kali ah
39. War miyaad hilmaanteen adduun maalmo weeyaane?
40. Isma maqasho moog baa tihiin meesha loo kacaye
41. Maangaabyadaa nugu batiyo meelxun joogyada e
42. Mar horay adduunyadu tagtoo gaartay meel saraye
43. Meeraysi waataad waddeen taniyo meecaade
44. Waataad in badan mowjad iyo guluf maqiiqdeene
45. Waataad masaakiinti aad maal ka boobteene
46. Waataad magaydada disheen ood bir mariseene
47. Ma rabtaan inaad horumartaan dibudhac mooyaane
48. Meelaha fog ee loo tartamay maba ujeeddaane
49. Maqla gabayga waxaan ugu celcelin muujin weeyaane
50. Shucuub iyo markii laynka dhigay qoomam kala meela
51. Ma xumayn qabiilkuye dadkaa mariyay deenbaase
52. Mahaad ula kacdeen looma rabin meeriska qur’aane
53. Magli mari walaalkaa muslina meelna kuma taale
54. Murugiyo waxaad miisateen lama maleeyaane
55. Litacaarafuu baad macnaa liyaqtul mooddeene
56. Macquul maaha meeshaa dhigteen ood marsiiseene
57. Mubaax maaha waxa aad fasheen muxarram weeyaane
58. Miisaanki waxaad saarateen waxaan macaanayne
59. Mowloow na dabaqabo dadkani waa ismariyeene
60. War ka jooga muslimkoo dishaa waa mushkilo wayne
61. War ka jooga waxaad muudsateen dhaxal masaakiine
62. War ka jooga marinkaad marteen waa mid shaydaane
63. War ka jooga maha ow tagaa meel xun weeyaane
64. War ka jooga maalkiinnii baad naar macaashteene
65. War ka jooga ma adkaysa karo ruux mar gala naare
66. War ka jooga ma ogidin naftaan meesha loo jiraye
67. War ka jooga maalmaha adduun waa la marayaaye
68. War ka jooga waxaad moog tihiin maray naqaysaaye
69. War ka jooga mar uunbay tahaba mowdku dey maahe
70. Ninkii magaca kaa duugayee maalka kaa qaatay
71. Masaaraha intow kula dhacana madaxa kaa gooyay
72. Marrastiyo carruurtana dilee mariyay meeshaada
73. Maalgelin dalkaagu ku hormaro minaad ka dhowraso
74. Waa midan dhacayn dowladuu kuu masruufaaye
75. Mushaarkow ku siinaa marbow miisandoonaaye
76. Maxabbiyo jaceyl kama ahiyo sii walaal mudane
77. Maalkaan dhexyaallay arkaan meesha taannaaye
78. Mulkigeeda bow doonayaa inow mar yeeshaaye
79. Ku mintida difaaciisu waa lagama maarmaane.
80. Adduunyada raggaa maamulee madaxda sheegaaya
81. Nimankaa madaafiicda iyo miigga duulinaya
82. Mar ayaysan jirinbaa jirtoow soo mareen taase
83. Mar ayaysan maal badan lahayn maamulna aqoone
84. Mar kalana gumaystaa hayooy magansanaayeene
85. Midnimiyo waxaa horumar hela dadan ismaagayne
86. Madmadow walaalow dhexgalay guul ma gaaraane
87. Maskaxdiinna tuujiya runtaa laga macaashaaye
88. Beentana intaad maanacdaan meel isaga ooda
89. Midigta isqabsada waxaa tihiin kalama maarmaane
90. Magansiga dadkaa ugu tagteen meelahow joogo
91. Oo aad musqulaha u dhaqdaan moora xoolaada
92. Midigtana u wada taagateen sow mar kuu sooro
93. Ogaadaay mudda dhalashadaa kula mid weeyaane
94. Ogaadaay waxaa laga askumay mani sidiinnaaye
95. Ogaadaay maqaarka cad waxow Mowle ugu deeqay
96. Madowgana u diiday ma jiraan howli waa meele
97. Adinkaa muslina ee ayagu ma laha raandhiise
98. Muruqiinna aamina xaqqaa maalin soo bixine
99. Oo mahan inaadnaan hurayn galiya maankiinna
Xasan qorile: 5/ 02. 2025