Wardi Joogteyn Mudan! W/Q: Ibraahin Xuseen Daaโ€™uud โ€˜Masxafโ€™

 

Wardi Joogteyn Mudan! W/Q: Ibraahin Xuseen Daaโ€™uud โ€˜Masxafโ€™

ุงู„ุฐูƒุฑ ู„ู„ู‚ู„ุจ ู…ุซู„ ุงู„ู…ุงุก ู„ู„ุณู…ูƒุŒ ููƒูŠู ูŠูƒูˆู† ุญุงู„ ุงู„ุณู…ูƒ ุฅุฐุง ูุงุฑู‚ ุงู„ู…ุงุกุŸ” โ€” ุดูŠุฎ ุงู„ุฅุณู„ุงู… ุงุจู† ุชูŠู…ูŠุฉโ€

“Wardigu waxa uu lubbiga [qalbiga] ugu jiraa halka ay biyuhu kalluunka ugu jiraan. Sidee ayay noqonaysaa nolosha kalluunku haddii uu waayo biyaha?!” Waa midh hubanti ah in aannu kalluunku biyaha laโ€™aantood noolaanayn. Qalbiguna sidaas buu ka dhigan yahay, oo haddii uu waayo wardiga iyo xuska Alle, waa dhintaa.

โ€œTasbiixdu naftay u tahay tiixoo
Kashii tawahdaa u baahan taqwee
Tusbaxa Eebbe hayso taagtaa.โ€-Cali-Ileeye

Qofku wuxu ka kooban jidh iyo ruux isu lammaan. Jidhku cunto iyo cabitaan ayuu quutaa. Se ruuxdu waxay ku nooshahay waxa safka hore kaga jira xuska Alle[digriga/wardiga]. Qofku kolka uu hurdada ka tooso ilaa habeenkii kolka uu gogoshiisa jiifsanayo, inta ka dhaxaysa waxa ku duugan digri iyo ducooyin tiradooda la koobi Karin. Halkan waxaan ku soo koobay wardi iyo xirsi-xidh kooban oo xul ah, qofka joogteeyanna wax badan ka beddeli kara.

ู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ุงู„ู„ู‡ ูˆุญุฏู‡ ู„ุง ุดุฑูŠูƒ ู„ู‡ุŒ ู„ู‡ ุงู„ู…ู„ูƒ ูˆู„ู‡ ุงู„ุญู…ุฏุŒ ูˆู‡ูˆ ุนู„ู‰ ูƒู„ ุดูŠุก ู‚ุฏูŠุฑุŒ ุณุจุญุงู† ุงู„ู„ู‡ ูˆุงู„ุญู…ุฏ ู„ู„ู‡ุŒ ูˆู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ุงู„ู„ู‡ ูˆุงู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑ ูˆู„ุง ุญูˆู„ ูˆู„ุง ู‚ูˆุฉ ุฅู„ุง ุจุงู„ู„ู‡ ุงู„ุนู„ูŠ ุงู„ุนุธูŠู…

  1. Saxaabiga Cibaadata Bin Saabit RC, waxa uu Suubbanaha CSW, ka weriyay oo uu inna soo gaadhsiiyay fadliga ku soo arooray wardigan qofkii la yimaada ee akhriya. Waxa uu Suubbanuhu CSW, uu yidhi: โ€œQofka dikrigan akhrista kolka uu hurdada ka soo kaco, waa loo denbi-dhaafaa, haddii uu duceystana Alle waa ka aqbalaa ducadiisa, haddii uu hurdada ka kaco oo uu weyso qaato, dabeeto uu tukadanna Alle waa ka aqbalaa.โ€

ุจูุณู’ู…ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู

  1. Labada saxaabi ee kala ah: Anas Bin Maalik iyo Cali Bin Abii Daalib RC, ayaa Nebiga CSW, ka maqlay inuu yidhi: โ€œTeedka [xijaabka] u dhaxeeya indhaha jinka iyo cawrooyinka bani aadanku waa in midkiin kolka uu dharka iska bixinayo uu yidhaahdo [BISMILLAAH].

ุฃูŽุดู’ู‡ูŽุฏู ุฃูŽู†ู’ ู„ุงูŽ ุฅูู„ูŽู‡ูŽ ุฅูู„ุงู‘ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽุญู’ุฏูŽู‡ู ู„ุงูŽ ุดูŽุฑููŠูƒูŽ ู„ูŽู‡ู ูˆูŽุฃูŽุดู’ู‡ูŽุฏู ุฃูŽู†ู‘ูŽ ู…ูุญูŽู…ู‘ูŽุฏุงู‹ ุนูŽุจู’ุฏูู‡ู ูˆูŽุฑูŽุณููˆู„ูู‡ู

  1. Saxaabiga Cuqbatu Bin Caamir RC, waxa uu Nebiga CSW, ka maqlay isaga oo leh: โ€œQofkii la yimaada dikrigan [kolka uu weysaysto] waxa uu Alle u furaa albaabada jannada ee siddeeda ah, waxaannu ka galaa mid Alle midka uu doono [ee uu jeclaysto]โ€

ย 

ุจูุณู’ู…ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูุŒ ุชูŽูˆูŽูƒู‘ูŽู„ู’ุชู ุนูŽู„ูŽู‰ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูุŒ ูˆูŽู„ูŽุงูŽ ุญูŽูˆู’ู„ูŽ ูˆูŽู„ูŽุง ู‚ููˆู‘ูŽุฉูŽ ุฅูู„ุงู‘ูŽ ุจูุงู„ู„ู‘ูŽู‡

  1. Saxaabiga Anas Bin Maalik RC, waxa uu Nebiga CSW, ka maqlay isaga oo leh: โ€œQofkii la yimaada dikrigan kolka uu gurigiisa ka baxayo, waxa Alle ku yidhaahdaa โ€˜waa lagugu filnaaday. Waa lagu dhawray. Waa lagu hannuuniyay oo shaydaana waa lagaa fogeeyayโ€™. Dabeeto shaydaan ayaa ku odhanaya shaydaan kale, sidee baad ugu agsugnaan qof lagaaga filnaaday oo lagaa dhawray oo lagaa ilaaliyay?!โ€

ย 

ุจูุณู’ู…ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽู„ูŽุฌู’ู†ูŽุงุŒ ูˆูŽุจูุณู’ู…ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุฎูŽุฑูŽุฌู’ู†ูŽุงุŒ ูˆูŽุนูŽู„ูŽู‰ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุฑูŽุจู‘ูู†ูŽุง ุชูŽูˆูŽูƒู‘ูŽู„ู’ู†ูŽุง

  1. Saxaabiga Jaabir Bin Cabdillaahi Rc, waxaa uu Nebiga CSW, ka maqlay isaga oo ka hadlaya fadliga digrigan, Nebigu CSW, isaga oo leh: โ€œHaddii uu qof gurigiisa galayo oo uu Alle xuso kolka uu gurigiisa galayo iyo kolka uu cuntada cunisteeda billaabayo, shaydaanku waxa uu ku yidhaahdaa shayaadiintii asxaabtiisa ahayd ee dhinac taagnaa โ€˜Hoy aynnu seexano iyo cunta ba innoogama sugnaaninโ€™. Haddii uu qofku gurigiisa galo oo aanu Alle xusin, shaydaanku waxa uu asxaabtiisa kale ku yidhaahda โ€˜Hoy ayaa innooga sugnaaday ee soo galaโ€™. Haddii uu [bisinka] cunistana ka hilmaamo, waxa shaydaankii asxaabtiisa ku yidhaahda โ€˜soo dhawaada hoy aynnu seexano iyo cunto aynnu cuna ba waynnu helnay e.โ€™

ุฃูŽุนููˆุฐู ุจูุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุงู„ุนูŽุธููŠู…ูุŒ ูˆูŽุจููˆูŽุฌู’ู‡ูู‡ู ุงู„ู’ูƒูŽุฑููŠู…ูุŒ ูˆูŽุณูู„ู’ุทูŽุงู†ูู‡ู ุงู„ู’ู‚ูŽุฏููŠู…ูุŒ ู…ูู†ูŽ ุงู„ุดู‘ูŽูŠู’ุทูŽุงู†ู ุงู„ุฑู‘ูŽุฌููŠู…ู

  1. Saxaabiga Cabdillaahi Bin Camri Bin Caas RC, waxaa uu Suubbanaha CSW, ka maqlay inuu yidhi: โ€œQofku haddii uu wardigan akhriyo kolka uu masaajidka gelayo, shaydaanku wuxu yidhaahdaa โ€˜Waa la iiga ilaaliyay qofkan maalintii oo dhanโ€™.โ€

ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ู„ุงูŽ ุฅูู„ูŽู‡ูŽ ุฅูู„ุงู‘ูŽ ู‡ููˆูŽ ุงู„ู’ุญูŽูŠู‘ู ุงู„ู’ู‚ูŽูŠู‘ููˆู…ู ู„ุงูŽ ุชูŽุฃู’ุฎูุฐูู‡ู ุณูู†ูŽุฉูŒ ูˆูŽู„ุงูŽ ู†ูŽูˆู’ู…ูŒ ู„ู‘ูŽู‡ู ู…ูŽุง ูููŠ ุงู„ุณู‘ูŽู…ูŽูˆูŽุงุชู ูˆูŽู…ูŽุง ูููŠ ุงู„ุฃูŽุฑู’ุถู ู…ูŽู† ุฐูŽุง ุงู„ู‘ูŽุฐููŠ ูŠูŽุดู’ููŽุนู ุนูู†ู’ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ุฏูŽู‡ู ุฅูู„ุงู‘ูŽ ุจูุฅูุฐู’ู†ูู‡ู ูŠูŽุนู’ู„ูŽู…ู ู…ูŽุงุจูŽูŠู’ู†ูŽ ุฃูŽูŠู’ุฏููŠู‡ูู…ู’ ูˆูŽู…ูŽุง ุฎูŽู„ู’ููŽู‡ูู…ู’ ูˆูŽู„ุงูŽ ูŠูุญููŠุทููˆู†ูŽ ุจูุดูŽูŠู’ุกู ู…ู‘ูู†ู’ ุนูู„ู’ู…ูู‡ู ุฅูู„ุงู‘ูŽ ุจูู…ูŽุง ุดูŽุงุก ูˆูŽุณูุนูŽ ูƒูุฑู’ุณููŠู‘ูู‡ู ุงู„ุณู‘ูŽู…ูŽูˆูŽุงุชู ูˆูŽุงู„ุฃูŽุฑู’ุถูŽ ูˆูŽู„ุงูŽ ูŠูŽุคููˆุฏูู‡ู ุญููู’ุธูู‡ูู…ูŽุง ูˆูŽู‡ููˆูŽ ุงู„ู’ุนูŽู„ููŠู‘ู ุงู„ู’ุนูŽุธููŠู…ู

  1. Saxaabiga Sudaya Bin Cajlaan RC, waxaa uu ka weriyay Nebiga CSW, inuu yidhi: โ€œQofkii akhrista aayad kursiga, salaad kasta oo faral ah gadaasheed [dabadeed], ma jiraan wax u diidaya jannada gelisteeda geeri mooyaan e.โ€ Calashaan, haddii ay geeri u timaado teedkii u dhaxeeyay isaga iyo jannadu meesha ayuu ka baxayaa.

ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูู…ู‘ูŽ ุฃูŽู†ู’ุชูŽ ุฑูŽุจู‘ููŠ ู„ูŽุง ุฅูู„ูŽู‡ูŽ ุฅูู„ุงู‘ูŽ ุฃูŽู†ู’ุชูŽุŒ ุฎูŽู„ูŽู‚ู’ุชูŽู†ููŠ ูˆูŽุฃูŽู†ูŽุง ุนูŽุจู’ุฏููƒูŽุŒ ูˆูŽุฃูŽู†ูŽุง ุนูŽู„ูŽู‰ ุนูŽู‡ู’ุฏููƒูŽ ูˆูŽูˆูŽุนู’ุฏููƒูŽ ู…ูŽุง ุงุณู’ุชูŽุทูŽุนู’ุชูุŒ ุฃูŽุนููˆุฐู ุจููƒูŽ ู…ูู†ู’ ุดูŽุฑู‘ู ู…ูŽุง ุตูŽู†ูŽุนู’ุชูุŒ ุฃูŽุจููˆุกู ู„ูŽูƒูŽ ุจูู†ูุนู’ู…ูŽุชููƒูŽุนูŽู„ูŽูŠู‘ูŽุŒ ูˆูŽุฃูŽุจููˆุกู ุจูุฐูŽู†ู’ุจููŠ ููŽุงุบู’ููุฑู’ ู„ููŠ ููŽุฅูู†ู‘ูŽู‡ู ู„ุงูŽ ูŠูŽุบู’ููุฑู ุงู„ุฐู‘ูู†ูˆุจูŽ ุฅูู„ุงู‘ูŽ ุฃูŽู†ู’ุชูŽ

  1. Saxaabiga Shiddaad Bin Aws RC, waxa uu Suubbanaha CSW, ka maqlay isaga oo leh: โ€œQofkii akhrista wardigan isaga oo rumaysan waqtiga galabtii, dabeeto habeenkii geeriyooda jannada ayuu galayaa. Sida oo kale, qofka subaxdii akhrista ee maalintii geeriyooda jannada ayuu galayaa.โ€

ย 

ุจูุณู’ู…ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุงู„ู‘ูŽุฐููŠ ู„ุงูŽ ูŠูŽุถูุฑู‘ู ู…ูŽุนูŽ ุงุณู’ู…ูู‡ู ุดูŽูŠู’ุกูŒ ูููŠ ุงู„ู’ุฃูŽุฑู’ุถู ูˆูŽู„ุงูŽ ูููŠ ุงู„ุณู‘ู…ูŽุงุกู ูˆูŽู‡ููˆูŽ ุงู„ุณู‘ูŽู…ููŠุนู ุงู„ู’ุนูŽู„ููŠู…ู

  1. Saxaabiga Cismaan Bin Cafaan RC, waxa uu Suubbanaha CSW, ka weriyay inuu Nebigu yidhi: โ€œQofkii akhriya digrigan saddex jeer xilliga galabtii iyo aroortii ba waxba ma dhibaan.โ€ Calashaan dhibaato kasta oo jin iyo insi uga iman karta, Alle waa ka dhawraa oo waa kaga filnaadaa.

ุณูุจู’ุญูŽุงู†ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽุจูุญูŽู…ู’ุฏูู‡ู

  1. Abu Hurreyra RC, waxa uu Nebiga CSW, ka weriyay inuu yidhi: โ€œQofkii yidhaahda waqtiga galabtii iyo aroortii min boqol jeer, ma jiro qof ka fadli badan oo imanaya maalinta qiyaame ilaa qof la yimi wixii uu akhriyay oo kale ama ka badiya mooyaan e.โ€ Sida oo kale, waxa Suubbanaha CSW, laga soo weriyay inuu yidhi: โ€œQofkii yidhaahda waqtiga galabtii iyo aroortii min boqol jeer waa laga tirtiraa dunuubtiisa, dunuubtiisa badnaantiisu xunbada badda ba ha ka badnaato e, waa laga tirtiraa gefafyaalkiisa.โ€

ู„ุงูŽ ุฅูู„ูŽู‡ูŽ ุฅูู„ุงู‘ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽุญู’ุฏูŽู‡ู ู„ุงูŽ ุดูŽุฑููŠูƒูŽ ู„ูŽู‡ูุŒ ู„ูŽู‡ู ุงู„ู’ู…ูู„ู’ูƒู ูˆูŽู„ูŽู‡ู ุงู„ู’ุญูŽู…ู’ุฏูุŒ ูˆูŽู‡ููˆูŽ ุนูŽู„ูŽู‰ ูƒูู„ู‘ู ุดูŽูŠู’ุกู ู‚ูŽุฏููŠุฑูŒ

  1. Abu Hurreysa RC, waxa uu Suubbanaha CSW, ka weriyay inuu yidhi: โ€œQofkii yidhaahda waqtiga galabtii iyo aroortii ู„ุงูŽ ุฅูู„ูŽู‡ูŽ ุฅูู„ุงู‘ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽุญู’ุฏูŽู‡ู ู„ุงูŽ ุดูŽุฑููŠูƒูŽ ู„ูŽู‡ูุŒ ู„ูŽู‡ู ุงู„ู’ู…ูู„ู’ูƒู ูˆูŽู„ูŽู‡ู ุงู„ู’ุญูŽู…ู’ุฏูุŒ ูˆูŽู‡ููˆูŽ ุนูŽู„ูŽู‰ ูƒูู„ู‘ู ุดูŽูŠู’ุกู ู‚ูŽุฏููŠุฑูŒ min boqol jeer, waxa uu Nebigu CSW, sheegay shan fadli inay u sugnaadeen. Waxa loo qoraa fadliga toban addoon oo la xorreeyay, waxa loo qoraa boqol xasano [wanaag], waxa laga dhaafaa oo laga tirtiraa boqol xumaan oo uu sameeyay, maalintaas oo dhanna shaydaanka waa laga ilaaliya ilaa uu ka galabaysanayo [waa kolka uu akhriyo subaxdii. Kolka uu galabtii akhriyana waa ilaa inta waagu ka baryayo]. Ugu danbeyn waxa uu Nebigu xusay oo uu yidhi: โ€œMa jiro qof ka fadli badan oo imanaya maalinta qiyaame ilaa qof la yimi wixii uu akhriyay oo kale ama ka badiya mooyaan e.โ€ Sida oo kale, waxa uu Suubbanuhu CSW, sheegay digri Alle lagu xuso wardiga ugu fadliga badan inuu digrigani yahay.

ุณุจุญุงู† ุงู„ู„ู‡

  1. Imaamu Nisaaโ€™I waxa uu ku weriyay kitaabkiisa ุงู„ุนู…ู„ ูŠูˆู… ูˆุงู„ูŠู„ in ay Suubbanaha CSW, ka sugnaatay inuu yidhi: โ€œQofkii yidhaahda inta aanay cadceeddu soo bixin iyo inta aanay dhicin [ุณุจุญุงู† ุงู„ู„ู‡] min boqol jeer, waxay ka fadli badan tahay boqol neef oo geel ah oo uu sadaqadaystay.โ€.

ุงู„ุญู…ุฏ ุงู„ู„ู‡

  1. Sida oo kale, waxa Nebigu CSW, uu yidhi: โ€œQofkii yidhaahda inta aanay cadceeddu soo bixin iyo inta aanay dhicin [ุงู„ุญู…ุฏ ุงู„ู„ู‡] min boqol jeer, waxa ay ka fadli badan tahay boqol faras ah oo uu sadaqadaystay.โ€

ย 

ุฃู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑ

  1. Sida oo kale, waxa Nebigu CSW, uu yidhi: โ€œQofkii yidhaahda inta aanay cadceeddu soo bixin iyo inta aanay dhicin [ุฃู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑ] min boqol jeer, waxa uu ka fadli badan yahay qof xorreeyay boqol addoon.โ€

ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูู…ู‘ูŽ ุตูŽู„ู‘ู ูˆูŽุณูŽู„ู‘ูู…ู’ ุนูŽู„ูŽู‰ ู†ูŽุจูŽูŠู‘ูู†ูŽุง ู…ูุญูŽู…ู‘ูŽุฏู

  1. Nebigu CSW, waxa uu yidhi: โ€œQofka igu salliya hal mar waxa uu Alle ku salliyaa oo xusaa toban jeer.โ€ Sida oo kale, waxa saxaabiga Abu Dardaar RC, ka weriyay Suubbanaha CSW, inuu yidhi: โ€œQofka igu salliya toban jeer kolka uu waagu u beryo, kolka uu galabaystana toban jeer, qofka waxa soo gaadhaysa u shafeecistayda maalinta qiyaame.โ€

ุณูุจู’ุญูŽุงู†ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽุจูุญูŽู…ู’ุฏูู‡ูุŒ ุณูุจู’ุญุงู†ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุงู„ู’ุนูŽุธููŠู…

  1. Nebiga CSW, waxa ka sugan inuu labadan weedhood ku tilmaamay inay yihiin: โ€œLabo kelmadood oo carrabka ku fudud [calashaan kolka lagu dhawaaqayo], miisaanka maalinta qiyaamana ku culus, isla markaana xagga Allena laga jecelyahay.โ€

ุณูุจู’ุญูŽุงู†ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูุŒ ูˆูŽุงู„ู’ุญูŽู…ู’ุฏู ู„ูู„ู‘ูŽู‡ูุŒ ูˆูŽู„ุงูŽ ุฅูู„ูŽู‡ูŽ ุฅูู„ุงู‘ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูุŒ ูˆูŽุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุฃูŽูƒู’ุจูŽุฑู

  1. Nebiga CSW, waxa ka sugan oo afartan weedhood innoogu tilmaamay inay yihiin: โ€œAfarta weedhood ee Ilaahay agtiisa loogu jecelyahay.โ€

ุณูุจู’ุญูŽุงู†ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุงู„ู’ุนูŽุธููŠู…ู

  1. Nebiga CSW, waxa ka sugan inuu yidhi: โ€œQofkii akhriya digrigan waxa jannada looga beera geed timir ah.โ€

ุณุจุญุงู† ุงู„ู„ู‡ ูˆุงู„ุญู…ุฏ ู„ู„ู‡ ุŒ ูˆู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ุงู„ู„ู‡ุŒ ูˆุงู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑ ุŒ ูˆู„ุง ุญูˆู„ ูˆู„ุง ู‚ูˆุฉ ุฅู„ุง ุจุงู„ู„ู‡

  1. Afartan weedhood waxa uu Suubbanaheennii CSW, ku tilmaamay inay yihiin wanaagyada waaraya [Albaaqiyaatu saalixaat].

ุณูุจู’ุญูŽุงู†ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽุจูุญูŽู…ู’ุฏูู‡ู: ุนูŽุฏูŽุฏูŽ ุฎูŽู„ู’ู‚ูู‡ูุŒ ูˆูŽุฑูุถูŽุง ู†ูŽูู’ุณูู‡ูุŒ ูˆูŽุฒูู†ูŽุฉูŽ ุนูŽุฑู’ุดูู‡ูุŒ ูˆูŽู…ูุฏูŽุงุฏูŽ ูƒูŽู„ูู…ูŽุงุชูู‡ู

  1. Xadiiskan waxa Suubbanaha CSW, ka warisay Juweeriya RC, oo kammid ahayd xaasaskii Nebiga SCW. Goor hore oo waqtigii salaada subax ka danbeeyay ahaa ayuu Nebigu ka tegay Juweeriya RC, iyada oo wardiyeysa oo digrigii aroornimada akhriyaysa. Xilli danbe oo barqaddii ah ayuu ku soo laabtay iyada oo halkeeddii fadhida oo wardiyaysa. Nebigu CSW, suโ€™aal ayuu weyddiiyey ahayd โ€œIskama aanad beddelin miyaa xaaladdii aan kaaga sii tegay?!โ€ Juweeriya RC, waxay tidhi โ€œHaa.โ€ Kaddib, Nebigu CSW, waxa uu ku yidhi: โ€œIntii aan kaa maqnaa waxan idhi afar weedhood, midkiiba saddex jeer. Afarta weedhood haddii lala miisaami lahaa wixii aad wardi akhriyaysay saaka oo dhan waa ka cuslaan lahaayeen.โ€

ย 

ู„ุงูŽ ุญูŽูˆู’ู„ูŽ ูˆูŽู„ุงูŽ ู‚ููˆู‘ูŽุฉูŽ ุฅูู„ุงู‘ูŽ ุจูุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู

  1. Nebiga CSW, waxa ka sugan isaga oo la hadlayay saxaabiga Cabdillaahi Bin Qays RC, inuu yidhi: โ€œCabdillaahi Ina Qaysow! Ma ku tusaa kayd kammid ah kaydadka jannada?! Dabeeto Cabdillaahi Bin Qays ayaa ku yidhi โ€œHaa, Rasuulkii Ilaahayow. Kaddib ayuu Nebigu ku yidhi waxaad tidhaahdaa โ€œู„ุงูŽ ุญูŽูˆู’ู„ูŽ ูˆูŽู„ุงูŽ ู‚ููˆู‘ูŽุฉูŽ ุฅูู„ุงู‘ูŽ ุจูุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูโ€

TIXRAAC

ุงู„ุฃุฐูƒุงุฑ ู…ู† ูƒู„ุงู… ุณูŠุฏ ุงู„ุฃุจุฑุงุฑ ู…ุคู„ู: ุงู„ุฅู…ุงู… ุงู„ู†ูˆูˆูŠ-

ุดุฑุญ ุญุตู† ุงู„ู…ุณู„ู… ู…ุคู„ู: ุฌู…ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ุฏูŠ ุจู† ุนุจุฏ ุงู„ูˆู‡ู€ู€ู€ู€ุงุจ ุฃู…ุญู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ุฏ –

Qalinkii: Ibraahin-Masxaf Xuseen Daaโ€™uud

SHEEKOOYIN