Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Gabay: Lacag la’aaneey ba’! W/T: Maxamed Cilmi Dhicisow

Gabay: Lacag la’aaneey ba’!
ga
Gabaygan “Lacag la’aaney ba’!” waxaa tiriyey: Maxamed Cilmi Dhicisow. Waa mid is-turjumaya, ifinaya, qeexaya, sheegayana ujeedka iyo ula-kaca maanso ee uu huwan yahey, oo uma baahna arar iyo eray loo goglo, ee akhris wanaagsan.

Lacag la’aaney ba’ (Gabay)

La’dii gabay ka harey laamahaan, liilin jiray waaye
Afka waxayga laambiyey, ayey laba iswaydiine
Luuqdii inay iga luntaan, laba iswaydiine
Inaan lexejecloodoo luddii, erayga aan laabtay
Laxawgeed inaan dhaafaybaan, laba iswaydiine
Liishaanka inaan laabtaybaan, laba iswaydiine
Larkeedii inaan laalaybaan, laba isweydiine
Laqan waxaan ahaadoo, murtida laaxin ka ilaalsho
Amey laabtu soo loolisoo, luri ka soo laaddo
Caawana wax baa igu lalee, lacag la’aaney ba’!

Adduunyadaan ninkii lacag hayaa, lebiga fuulaayo
Adduunyadaan ninkii lacag hayaa, laalacsoomaayo
Adduunyadaan ninkii lacag hayaa, samada laalaayo
Adduuunyadaan ninkii lacag hayaa, libinta gaaraayo
Adduunyadaan ninkii lacag hayaa, keli lahaanaayo
Adduunyadaan ninkii lahayaa, laabta xoganaayo
Adduunyadaan ninkii lacag hayaa, locobka ruugaayo
Adduunyadaan ninkii lacag hayaa, Aw luggooynaayo
Adduunyadaan ninkii lacag hayaa, laabataynaayo
Adduunyadaan ninkii lacag leh uun, lagu lammaaneeyey
Adduunyadaan ninkii lacag hayaa, laba lixaad yeeshey
Adigaa lifaaqeed hayee, lacag la’aaney ba’!

Adduunyadaan ninkaan lacag lahayn, layska liidaayo
Adduunyadaan ninkaan lacag lahayn, lagu dhex loogaayo
Adduunyadaan ninkaan lacag lahayn, liitar laga siinin
Adduunyadaan ninkaan lacag lahayn, leebka lagu haayo
Adduunyadaan ninkaan lacag lahayn, laayac laga yeeley
Adduunyadaan ninkaan lacag lahayn, leelo lagu leexsho
Adduunyadaan ninkaan lacag lahayn, lagu dhex laadaayo
Adigaa lifaaqeed hayee, lacag la’aaney ba’!

Nin karmeed Libaaxoo gudboon, luqunta goyntiisa
Dabadhilif ku laystaanayoo, laanna kula sheegta
Iyo laaluush lagu kala liddiyo, laba walaalooda
Laqwi loo dulqaatiyo afxumo, laarri iyo laaxi
Lafajebis ku joog howl shaqoon, laga lug-gaaraynin
Luuqyada dhexdoodiyo xeryaha, gaajo kugu loogtey
Leggoo uubateeyiyo laabtoo, baahi lali waydo
Iyo Lawgoo fadhiistiyo lugtoo, socodka liimooto
Adigaa lifaaqeed hayee, lacag la’aaney ba’!

Adigaa rag kala layliyee, lacag la’aaney ba’
Adigaa libaasoo libdhee, lacag la’aaney ba’y ba’
Adigaa labeenoo la’dee, lacag la’aaney ba’
Adigaa laciifoo lumee, lacag la’aaney ba’
Adigaa libaaxoo lalmee, lacag la’aaney ba’
Adigaa laqdabo luudiyee, lacag la’aaney ba’
Adigaa laguu baahanyee, lacag la’aaney ba’
Adigaa lulumo midab lahee, lacag la’aaney ba’
Adaa looyar iyo leeb ahee, lacag la’aaney ba’
Asaaggey adaa ii legdaye, lacag la’aaney ba’!

W/T: Maxamed Cilmi Dhicisow
elmi_0@hotmail.com

SHEEKOOYIN