Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Faallada dhiganaha Godob iyo Galllad W/Q:Amal Aden(ina Baaloow)

Maanta waxaan mar labaad dhammeeyay dhiganaha Godob iyo Gallad ee uu qoray Dr Xuseen Wadaad. Sheeko faneedka buuggaan ku qoran waxa ay run ahaantii u egtahay dhacdo dhab ah waliba waa dhacdooyin ku soo laablaabta nolosha bulshadeena Soomaalida.

Aniga shaqsi ahaan waxa aan aaminay iney dhacdo dhab ah tahay. Inkastoon aad u jeclahay aqrinta buugta afka soomaaliga ku qoran, dhankuu doono haka yimaadee, waqooyi, Bari, koofur iyo galbeed eyna iima kala duwaneyn. haddana xaqiiqatan waxaan si baraad leh ugu raaxeystaa buugta qoran Af guriga reer koonfur, maxaa yeelay, waa mid iiga fudud af guriyada kale oo lagana dhadhansan karo, murti oraaheed iyo  maahmahyo , hidde iyo dhaqan ciyaareed ee dhankaas koonfur deegaannadeeda lagaga dhaqmo

Dhiganuhu waxa uu aad uga digayaa Cadaaladdarida dalkeenna ka jirto, dhinac kasta iyo kaa adkida badan ee aan isku maquunino ama isku gumaadno, ku tagrifalida maalka iyo shaarka dowladeed.

Buugga qeybtiisa kowaadba waxa aad ku baranesaa wanaagga samafalka oo waxa uu ku bilaawanayaa samafasho Dahabo Dheeman la yaabka buugga, Haddana sida aad bogga u rogtid waxa uu isugu rogeyaa dulmiga iyo gardaradda loo geysanayo carruurta, waxa uuna buugga ku dhammaanayaa isla sama falfkii Dahabo dheeman.

Dahabo waa qof ka mid ah jilaayasha buugga, waana qofta ugu arxan ka iyo gargaarka badan, marka adduunka iska soo cakiro ama iska soo xiro cidkasta oo daruufeysan, sida agoonta, danyarta, dulmanaha ay ku erkadaan nafna bidaan oo garabqabata.

Maanta waxaa jiro arxanka Dahabo kuwa leh, balse aan dalkeenna ku badneyn, inkastoo la yiri dadka wanaagsan lama wada helo. Inta aan ku dhex jiray aqrinta buugga Waxaan dareemayay xanuunka iyo ciilka uu leeyahay cuqubooyinka la kala galo, waliba aniga waxaaba i hortaagnaa dhacdooyin badan oo si xaqiiq ah uga dhacay deegaanadeenna iyo qaar laygaga sheekeeyay, habaarka ka dhacay maamo Salaado, ma noqon mid cidlo ku hoorey sidii roob laami helay oo aan wax geed ah ka soo bixineyn ee waxa uu u qabsaday halkii ey la rabtay.

Shakhsiyaadka dulmiga loo geysta ee aan wax kale awoodin habaar mooye, waxa aan dhihi karaa waa ruuxaha kaliya ee aqbaaladdoodu soo dagdagto.

Hubaal faalleynta iyo falanqeynta buugga Godob iyo Gallad maaha mid  hal qormo ama qormooyin lagu koobi karo, waxa se qof weliba kaga dhergi karaa dhaayihiisa markuu dheehdo ee dhugto, aqriyo isna dul taago, waa buug ka hadlaya dhacdooyin aynu maalinle u aragno, haddana aynaan ka falcelin, waxaa uu qoraagu ibba furay wax ka qorida garsoorka iyo gardarrada. qoraaga buuggan ee Dr Xuseen Wadaad oo sheeko faneedkan u dhigey si uu dhacdada u soo taagnaa, maya, aan dhaho xattaa marka aad adigu aqrisaneyso Sheeko faneedkan waxa ay kugu abuureysaa in aad dhacdada oo hadda dhacaysa taagan tahay, habdhaca iyo qaabka uu u falkiyey sheekada iyo sida uu u qaabeeyey uu u kala dhig dhigey sifeynta jilaayasha ayaa kugu abuureysa in aad la fal gasho sheekadda.

Waxba yaanan idinka daaline sheeko Godob iyo Gallad waa mid dareen walba soo jiidanaysa, aqristahana baal weliba baalka kale u dhiibayo, isaga oo u hammuun qaba, marnaba waa sheeko aadan ka daalayn aqriskeeda, haddii aad ku ceshotana aad mar walba ka helayso, dhacdo aad ilduuftay oo mar labaad ku xiisa gelisa,

In badan ayay dareenkayga ka dhex guuxaysay inaan wax ka dhaho, waxna ka qoro,  waanna buug mudan, in meelo iyo madalo badan lagu lafoguro, laguna falanqeeyo, si faca cusub ay u helaan dulucda iyo farriimaha culus ee uu xambaarsanyahay.

Waxa aan ku boorin lahaa qof walba oo jecel aqriska inuu raadsado buugga Godob iyo Gallad kuna soo biiriyo maktabadiisa, waa buug wax weyn ku soo kordhin doonaa, maankaaga, waayo aragnimadada nololeed iyo waayahaaga aqrisba

W/Q:Amal Aden(ina Baaloow)

SHEEKOOYIN