Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee soomaaliya ka jira waa mid xal loo heli karo marka laga reebo ,Qabyaaladda Musuq-Maasuqa, Nin jecleysiga, L’a Nacamleeyayaasha iyo Diin Dugaashiga beentaa, iyo qaar kaloo la mid ah.
Inta kale waa ku roor-roor xal u heliddooda, sidaa darteed si xal loogu helo arrimaha aan kor ku xusay iyo qaar ku hoos duugan waa in dadka caqligooda la dhisaa oo la baro farqiga u dhaxeeya Dan-Guud iyo Dan-Gaar, waxa la wada leeyahay iyo waxa la kala leeyahay si loo wada ilaashado, iyo macnaha Dowladnimo
Haddii ay shacabka Soomaaliyeed Fahmaan waxa la wada leeyahay sida loo dhowro waxaa u dhowrsami doona qof walba waxa uu gaar u leeyahay.
Bilowga Dhisidda Caqliga.
Dhismaha guri aas-aaskiisa xun yahay waxaa hubaal ah, inuu sii waareyn sidaa darteed Manhajka waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha waa in lagu soo celiyo gacanta xukuumadda si loo helo waxbarasho tayo leh iyo adeeg hufan ay xukuumadda bixiso.
Xukuumaddana waa in ay Iskuulada gaarka loo leeyahay ay howl geliso , maal geliso kuna kormeerto.
kaabayaasha ilaha dhaqaalaha oo la hormariyo waxa ay si buuxdo u dabooli baahida dadweynaha, taasoo looga baaqsan karo beryo shisheeye.
Durba waxaa maankaaga ku soo dhacaya sidee ku suurageleysaa dad soo dhiig miiranayay shacabka Soomaaliyeed in ka badan 30 sanno in sahalkaas ay ku aqbalaan wada shaqeynta dowladda.
Taas culeys weyn ma laha amar dowlo ka weyn, waxaa jira tabo badan oo lagu maareyn karo hungurigooda sida in shatiga lagala laabto, inta wada shaqeynta u diyaar ah, oo la maalgeliyo weliba si muuqata , in shahaaddooyinka ay wasaaradda waxbarashada kaliya ka soo baxaan iwm.
Albaabadana ayagaa iskood u xirmaaya markii ardayda iyo waaliddiinta ogaadaan in shahaaddadooda shaqeyneynin.
Wasaaradda waxbarashada waa in ay maalgelin iyo damaanad buuxda siisaa, Iskuulada gaarka loo leeyahay si ay u buuxiyaan shuruudo loo cayimay oo ku siman tayeynta inta ay la egtahay tamarta ay geliyaan.
Iskuulada gaarka loo leeyahay midba midka uu ka tayo wanaagsan yahay waa inuu ka lacag badnaado si ay ugu tartamaan tayeynta.
Wacyigelinta oo la badiyo, dhallinyarada oo shaqo abuur loo sameeyo.
La dagaalanka Daroogada iyo xaddidka internetka oo xooga la saaro.
Tan ugu muhiimsan waa wasaaradda waxbarashada laftirkeeda in shaqaalaheedu noqdaan dad aqoon u leh la dagaalanka jahliga, waayo aqoonta waa furaha nolosha sidaa darteed jiilka soo koraayo si ay fursad u helaan waa in loo diyaariyo dhabo toosan.
Waxaa hubaal ah haddii dadka boos celiskaa ee ina adeeroowga lagu shaqaaleeyay haddii meesha laga saaro oo dad ehel u ah shaqooyinka loo dhiibo waxaa meesha ka hana qaadaya hurumar aan cidna hor istaagi karin, si taas u dhacdo waa in hoggaanka uu soo saaraa imtixaano dadka lagu shaqaaleysiiyo’
Tan ugu muhiimsan waa Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed oo la tayeeyo baahiyahooda qaaskaana la daboolo si ay nidaamka iyo kala danbeynta ugu huraan naftooda, ogi oo ogid qof baahan gob ma aha sidaa darteed qofka har iyo habeen u heelan difaaca Dalka inuu gaajooda xaq iyo xeer midna ma aha.
Ugu danbeyn qabyaaladda iyo musuqmaasuqa waa halka ay u dhimatee in wadajir maya loo dhaho.