WAAN TAGEY
Qore: Cabdinaasir-Xiddig
Markaan u dalaabay
duni kale baan
Dadkaygii u xiisay
doornaa.
Macsalaamayntu waa mid inta badan murugo iyo hilow xambaarsan. Marka aad dhabarka xejinayso xigtadaada, widaayadaada iyo midda ugu daran oo ah waddankaaga. Macsalaamaynta dadkii iyo deegaankii aad aadka u jeclaydi waa xanuun, gaar ahaan marka aad ka tagayso adigoo lagugu qasbay, sida, dagaal, saboolnimo, midabtakoorid, masiibooyin dabiici ah iyo filasho xumo.
Alla xanuun badanaa marka indhahaaga oo shan ah aad ka soo cararto gurigii ama deegaankii aad ku soo kortay, jiilkii aad isla soo hanaqaadeen iyo waddooyinkii habaaska lahaa ee aad garangarta, taairka iyo kushineetada ku cayrin jirtay. Jidadkii aad markaad soo yara waynaatay baaskiilka ku kaxayn jirtay, dariiqyadii aad adiga iyo kooxdaadu weerada ku ekayn jirteen carruurtii aad dariska ahaydeen.
Bal ka waran marka aad u boholyawdo oo u xiisto dhulkii aad waxara ku raaci jirtay ee aadka u quruxda badnaa, sida hawdkii maraa-bootiye ee degmada Xeero-dhagaxley ku dhegganaa, kaymihii aadka u cagaarnaa ee Dhambayl, Xarar-gurmago’antii indhaha u roonayd, buurihii is wada eegayay ee Kalaalyo, tuulooyinkii tixnaa waddada isku xirta Gaalkacyo Hobyo ee Ceelguula, Bajeela, Garday, Guumaysle, Laaso-Cadayle, Galbarwaaqo,Wargalo, Dhagfaruurle, beerihii Jadeenfanleey, Xaaro, Labi-god-weer iyo kuwa kale.
Bal dib u eeg deegaankii Cadduun ee aadka u cawska badnaa ee uu geelu sidii ciidda u dhoobnaa, gawaankii dhir la’aanta ahaa xoolaha jaadadkooda kala duwani madaxa isku la jireen ee ay cawska hodanka ah ka cuni jireen iyo ceelkii aan qur’aanka ku dhigan jiray ee Qarsooni!
Ka sii xiisa badanse ma ku dulgeeyaa xaafadihii aan Xamar ka soo degay ee Black Sea, KPP iyo Gubta, waxay ahaayeen xaafado aan waqtiyo kala duwan ku soo qaatay, maalmo lama-illaawaan ihina igu soo mareen, kuwaasi oo xambaarsanaa raynrayn, murugo, halis iyo hanjib laga-ma-soo-kabtaan ahaa!
Waa halkii aan ku soo arkay oo aan marqaatiga uga soo noqday dagaalo qaraar, dad si bareer ah hortayda loogu toogtay, dhac, faquuq iyo awood sheegasho xarkaha goosatay! Si kale, waayadaas waxaa noolaan jiray kuwa xoogga leh, waxaana sida dhulka loogu dulsocon jiray kuwa tabarta yar, dalkayguna wuxuu ahaa mid aan waxba dhaamin kaynta ay duurjoogtu ku hardamaan.
Inkasta oo waxaas oo dhami hortayda iyo hareerahayga ka socdeen, haddana waxaan waligay ku hubaysnaa rejo aad u xooggan inkastoo aan ugu dambayntii xaqiiqsaday in rejo-ku-noolaanshahaygu gaaray heer aan la sii wadi karin, ugu dambayntiina aan ku qasbadanaaday in aan dalka ka tahriibo oo aan u bareero socdaalkii, gunnimada, gablanka iyo geerida.
Waan tagay markii aan dalkayga iyo dadkayga ka waayay waxkasta oo aan xaq ugu lahaa, sida: nabadgalyo, garsoorid, adeeg waxbarasho, caafimaad, difaac iyo qaddarin.
Waan tagay, markii dadkii aan ka dhashay si garba siman ah u joogteeyeen dagaal sokeeye iyo duullaanno naafeeyay dhammaan noolihii ku noolaa dalkaygii aan jeclaa ee dal-udug/Soomaaliya.
Halkaan ku barbaaray waa halis oo
Dadkay ku hodaan
Had iyo jeereey.
Waxaan jirmaaday markii culimadeennii dhaxlay dhaxalkii suubbane Maxamed NNKH ay ku danaysteen ammaanadii, kana dhigteen il dhaqaale iyo jaranjaro ay ku gaaraan talada dalka, kuna dulmiyeen kuwii ay ahayd in ay ku garab-istaagaan. markii Awyaashii Soomaalidu noqdeen waranleyaal ka durduurta dhiigga dadka masarta ah ee Soomaaliyeed!
Sunnadu kuwa ay ku taallo
Ayaa ugu sarara waynoo
Saboolka la ciilay booba…
Waan tagay, markii uu musuqmaasuqu noqday xirfadda ugu sarraysa ee qofku ku heli karo waxa uu doonayo, qabyaaladduna ay noqotay diinta dhabta ah ee ay bushadaydu aaminsan tahay.
Waan tagay, markii dulmiyuhu noqday mid la wayneeyo oo fadhiga looga kaco, laguna abaalmariyo darajooyin iyo xilal sare, halka dulmahu noqday mid qaayiba gaboodfal iyo ku tumasho!
Waxaan tagay markii waxkasta oo aanu lahayn, sid: sooyaal, dhaqan, af iyo ilbaxnimo ay noqdeen wax xun oo lama-qaataan ah, booskoodiina aan gashanay kuwo aan ka soo amaahannay bulshooyin kale kuwaasi oo qaarkood aanu kaga wanaagsan nahay dhinacyo badan.
Waxaan tagay markii uu midabkeenii madawga ahaa ee aadka u qurxoonaa noqday mid laga faano oo laga yaxyaxo, taasina ay keentay in dhallinteenu ku tartamaan is-caddaynta iyo adeegsiga kareemyada aadka u halista badan ee la isku caddeeyo.
“Caqligu mugdiguu
ku maaxdaayoo
Madawgay garashadu
mushaaxdaa” -Maryan Mursal Ciise Bootaan.
Waxaan tagay oo iska dhaqaaqay markii annagoo ah bulshada adduunka ugu xoolaha badan aan ku faraxsannahay in aan carruurteena ku habno caano booro ay soo malmaleen dad dhanka xoolaha sabool ka ah, kuwaas oo naga diin, dhaqan iyo ilbaxnimo duwan oo waliba laga yaabo in ay caanahaas ku soo dareen hilibka ama dheecaanka doofaarka kaasi oo ay naga reebtay diinta suubban ee Islaamka!
Waxaan huleelay, markii annagoo Eebbe Wayne nagu galladay dhulka ugu ballaaran ee wax lagu beerto iyo badda ugu dheer uguna khayraadka badan aynu doorbidnay in aan saf u galno oo gacanta u hoorsano galley dhacday oo laga soo guray bakhaarada reer Yurub, taas baddalkeedana ay Yurubiyaanku boobaan khayraadkeena kala duwan.
Waxaan hayaamay markii annagoo Soomaali ah, Afrikaan ah, reer Kuush ah fir ahaanna ku aroorna Nabi Nuux aan isku dhadhajinay oo sheeganay in aannu Carab nahay! Hadde ogoow Carabta hooyadood Haajira waxay ahayd Afrikaan madaw! Tolow sidee abti ugu abtirsan karaa wiilkii uu abtiga u ahaa ee ay walaashiis dhashay?
Ummadaha Gariiggiyo
Abka reerka Orobaad
Afkayga way yaqaaneen
Aasiyo dadkeediyo
Indiyana warkeed daa.
Waa inoo mar kale iyo marka uu wiilka reer Maygaag ahi ogaado in wiilka reer Qorrax uu yahay walaalkiis ay wadaagaan dal, dad iyo diin, si kasta oo ay isku dagaalaanna ay ahaanayaan deris iyo walaal aan is-hurayn.
Waa inoo mar kale iyo marka uu wiilka reer Warrame uu yaqiinsado in wiilka reer Warhaye uu yahay xigaal iyo xigto aan cidina uga dhawayn, ayna tahay in ay wada ilaashadaan dalka iyo duunyada uu Eebbe Wayne ku galladay, taas lidkeedana ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara in uu sii socdo dhiigga sokeeye ee boqollaalka sano qubanaya.
Mashaqadu na wada gaartay oo duulba duul maraye
Nin aan Maxamedoow muudsan dhiig, miiska laga waaye
Qof waliba markiisuu is mutuxay, madashii ceebeede…..
Waa inoo mar kale iyo maalintii uu garmadoobaha reer Jiic xaqiiqsado in dariskiisa Yamaarug uu yahay wehelkiisa iyo walaalkiisa adduunka ugu dhow, guushiisa ifka iyo tiisa aakhirana ku jirto in uu si nabad iyo oodsami leh kula noolaado, ka reer Yamaarugna uu fahmayo in is-oggolaanshaha iyo isi saamixiddu tahay faraha helista nolol milgo iyo maamuus leh.
Waa inoo mar kale iyo maaliinta ay dadkeenu wada gartaan in ay si dhab ah isku soo horfariistaan kana wada hadlaan waxa ay isku hayaan, kana heshiiyaan gafkii la isku gaystay, dulmiyuhu ka garaabo gabood-falkii uu gaysay, halka kii la dulmiyayna uu Eebbe Wayne garansiiyo in cafisku yahay aarsiga ugu wanaagsan ee la gu la kaco qof ku dulmiyay.
Waa inoo mar kale iyo amminta dadka Soomaaliyeed la xisaabtamayaa kuwii boobay hantida dadwaynaha sida xad-dhaafka ahna ugu taajiray canshuurtii iyo deeqihii ay ahayd in wax loogu qabto dadkeena aadka liicliicaya.
Waa inoo mar kale iyo ayaanta indho garsoor lagu eego ganacsatadii gu’yaasha badan dalka soo galinayay cuntada iyo daawooyinka dhacday sida aan kala sooca lahaynna ugu dhibaateeyay bulshadeena qaran li’idu ka dhigtay kuwo u baylahsan cadaw kasta oo doonaya in uu dhibaanteeyo.
Magacaygu waa Cabdinaasir Xiddig.