Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Waa SHAHIIDAY! Qore; Mufakir Warsame

qqqq

Waa SHAHIIDAY!

 

Waxay ahayd Dec 7 2006dii markii uu isoo dhacay talefon; “Warsame, walaal waxaan ahay dhaawac, oo waxa i go’an labada lugood, waxaan joogaa degmada Cadaado Axmed, Xasan iyo Yuusuf ba waa SHAHIIDAYN, ee aabbe iyo adeerro wac, kuna dheh sida ugu dhaqsiyaha badan ha la ii soo gaaro!”

Anigoo naxsan baan hooyadiis wacay oo ku iri; “Eeddo Maxamed waa dhaawac halis ah, wiilashii ay ilma adeerta ahayeenna waxay ku halaagsameen Bandiiradleey, ee adeer wac oo u sheeg, anigaana Cadaado ka doonaya ee sidaas ula socda”.

Meeshii aan ka sugayay beer wax dhalay baroortii iyo naxdin bay waxay iigu jawaabtay; “Eeddo iima aadan BISHAARAYN, wiilkayga inuu SHAHIIDO baan rabay!” oo teleefonkiina igu dhigtay.

Alla hooyoyinku naxariis daranaa markay diinta iyo siyaasadda la isaga qaso! Haddaan ewel la yaabbanayn qabiil iyo qabqablayn, hadda waxaa la higsanayaa SHAAHADO! Waxaan gudagalay qabanqaabada safarkayga Cadaado. Waxaan wacay yar aanu saaxiibbo ahayn, oo xaafadda Baraxleey ku ganacsada, asii ka soo jeeday Cadaado iyo wiil kale oo aan qaraabo ahayn isaguna ka soo jeeda Baraxleey. Waxaan u sheegay sida ay wax u jiraan. Waxaan isla garannay inaan baxno isla galabtaba, intaanse la gaarin galabnimadii ayaa haddana la i soo wacay oo la i yiri; “Warsame, ina adeerkaa samir iyo imaan Alle ha kaa siiyo, oo waa SHAHIIDAY!”

Wuu SHAHIIDAY aa! SHAHIIDAY! SHAHIIDAY aa! Balo idin shahiiday ayaan kaligeey is iri, sidii inay I maqlayaan oo kale! Islaantii eeddaday ahayd ee wiilka geeriyooday (SHAHIIDAY) hooyadii ahayd baan ku iri; “Salmaan wuu geeriyooday!” kolleey inay farxayso waan ogaaye telkii isla markiiba waa jaray.

Shalay ayaan waxaan la kulamay nin il la’, oo sidaan u wareysanayay ayuu ii sheegay inuu ku il beelay dagaalkii Xabashida iyo Maxkamadaha! Waxaan ku iri;

Xaggee lagu geeyay?” Wuxuu yiri:

“Cadaado!” Waxaan iri;

“Isbitalka lagu geeyay, ma ku jiray yar labada lugood go’een, oo la yiraahdo Salmaan” Wuxuu i yiri;

“Haa. Haa, ee maad garanaysa?” Waxaan ku iri;

“Haa wuxuu ahaa ina adeerkay aan isla soo kornay” Ninkii hal mar buu wajigiisa badalmay, oo wuxuu i gu yiri sidatan;

“Walalow kama sheekayn karo wixii maalinkaas dhacay, balse, isbitaalka waxa lana keenay 8:00am anagoo 24nin oo dhaawac ah, anigaana ugu fududaa, oo ishaas uun baa firir iga galay. Faashado ayaa nalagu duuduubay, quraac baa na loo keenay. Markay saacaddu gaartay 11:00am ayaa waxa nagu soo laabtay dhowr mujaahidiin (MUJAAHILIINTA) waxayna noo sheegeen inaan lahayn wax dhaqaatiir ah, sidaas awgeed, aynu SHAHAADO raadsano. Waxa nalagu guray hal gaari oo Cabdi Bile ah, waxa nala geeyay jiidda hore ee Bandiiradleey, waxayna na siiyeen hub aan 24saac bes ku dagaallami karno iyo xoogaa bamboyin ah iyo caagad toban qaad ah oo biyo ah, waana naga tageen. Aniga talo ayaa igu caddaatay diyaaradaha Xabashidu duqayn aan loo meel dayayn ayay wadaan! Waxaan go’aansaday inaan meesha isaga baxsado, madaama aan ordi karo. Waa sii daayay, laba saac markaan sii cararayay oo aan xagga qorax soo baxa u sii socday, ayaa waxaan arkay gaari iskaroge ah oo u socda Gaalkacyo, sidaas baan ku badbaaday!” Murugo waynaa oo raggii dhaawaca ahaa ma god inta lagu guray baa dhufays laga dhigtay?!

Imisa wiil baa sidaas ugu dhimatay iyagoo Janno raadis ah, dagaalkii Maxkamadihii diinta ka ganacasan jiray, ee hoosta ka gashanaa shaarka qabiilka?!
Imisa wiil ayaa iyaguna u dhintay iyagoo qabiil u dagaallamaya iyo hebel wax ha noqdo oo Xabashida la dhintay isku godna lagu aasay? Waaba XABASH ha lagula aaso, aad ka garabdagaallantay!

 

F.G: Anigu ma tageersanayn Dhafoor Qiiqdii Xabashida dalkan ku soo hoggaamisay, sidoo kalena, guulwade uma ahayn Maxkamadihii beelaha ee diinta ka ganacsan jiray!

 qormo

Mufakir Warsame

mufakirwarsame@hotmail.com

SHEEKOOYIN