TOOXA QAANSADA W/Q. Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)

TOOXA QAANSADA
Semenkaan isticmaalka Qaanso iyo Gamuun/Fallaar, waxa aad mooddaa in laga sii gudbayo isticmaalkooda, looga sii wada guurayo qalabyo kale oo casriya oo wax gumaado. Kuwaasu, waa kuwo hambalaawe ah oo maha ay gaaraan iyo hareeraheedaba baabah ka dhiga.
Tooxa qaansaduna, waa midka si qumman u tuura gammuunka ama fallaarta. Haddaan la tooxin qaansadu, ma qaban karto hawshii loo igmaday qabashadeeda.
Waxa aad ganayso adiga oo isticmaalayo gamuun/Fallaar iyo qaanso, waa lama huraan in qaansadu iyada oo muggeedi horeba tooxnayd la sii tooxo. Tooxiddaasu, waxa ay rabtaa in lala jimeeyo waxa la gamayo iyo rabta la rabo in la gaarsiiyo iyo weliba kolka lala helo waxa laga rabo, tusaale: Ma waxa la rabaa in la gabgabiyo oo gabgabkaas lagu qabto mise in aan nafba lala gaarin.
Qaansadu yaan la dabcin, tooxana laga badin ayay ku uruurtay talo waayeel.
Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN