Suldaankii xujada badnaa

Boqorkii Xujadda badnaa”
Boqorkii xujadda ayaa wiilkiisa waxa uu ka codsaday Aabbihii inuu soo doorto gabadhii uu guursan lahaa waanna uu ka ogolaaday waxaa kaliya oo lagu xujeeyay inuu gabarta uu guursanaayo uu guriga keeno kadibna haddii ay ku baasto imtixaanka uu u dooni doono loona sameyn doono guurin aan horay caalamka uga dhicin.
Gabadhii magaalada ugu quruxda badneyd ayuu keenay asagoo waliba ku qanacsan  Aabbihiis, Odaygiina waxa uu sìi diyaarsaday meel hortiisa dhagax balaaran oo sagax ah hal qofna aysan qaadi karin,  hadana culus oo qaab loo qaado laheyn.
Waxa uu yiri Haye Aabbo balantii waan ka soo baxay gabadhaan ii doon oo dag dag iigu guuri. Boqorkii waxaa uu yiri maandhoow dhagaxaa ii soo qabo wiikkui dhagaxii ayuu la raftay wiilkii oo marba dhinac ka maray waa soo qaadi kari waayey markii uu ku daalay, ayuu gacan ka taagay. Odaygii ayaa ku yiri maandhoow mid kale keenso tan Allaha kaa kaalo.
Wiilkii oo  aad uga xun ayaa ka luuday maqaamkii odayga waxa uu keensadaymid kale sidiiyoo kale ayaa dhagaxi loo diray uma suura gallin inuu soo qaado dhagaxa uu aabihiis u keeno.
Mid sadaxaad ayuu keensaday asagoo og dhagaxii inuu sugaayo Naftana ag dhigo, siduu ku qaadi lahaa falkeed gallo, haddii uu qaadi waayana labo mid inuu sameeyo1 (-  Guur iyo warkii  inuu iska daayo. 2)- Inuu la baxdsado meeley tabar geysaba.
Salaan iyo is wareysi dheer ka dib sidii uu sugaayay Maandhoow ii soo qabo dhagaxaas, haddaan galeynaa arinkaaga, markii uu isku  dayay uu bikaabay inuu la rafto,  gabadhii ayaa aragtay dhagaxa  inuusan kaligii qaadi karin waa soo baxday dhinaca kale ayey kasoo qabatay odaygii ayey u keeneen.
Odaygii oo aad u faraxsan ayaa yiri Gacmo wadda jir ayey wax ku gooyaan igaarkeey Hadaad heshay qofkii aad nolosha waddaagi laheydeen gabadhaan ayaan kuugu duceeyay, beri waa doonistii iyo meherkii, habeen danbe waa isku duufowgii ha ku daayo wareerka.
Waa markaagii
Abkoow Abdulle Abdikariim
jallaato

SHEEKOOYIN