Soo Koobidda Buugga “HILAADIN”
W.Q. Faiza Diini
Hilaadin waan ka daahay aqrintiisa, haddana waxaan ku faraxsanahay in uu noqday fure aan ku galay badweyn xikmad, hal-abuur, talo waalid, dardaaran waayeel, iyo tusaalayn waaya-arag oo idil la isugu geeyay. Wuxuu ku qoranyahay soomaali suugaanaysan oo laga dhowray eray qalaad iyo qallooc.
Buugga sida magacaba laga arki karo wuxuu u dirayaa aqristaha layli afeed oo uu isku weydiinayo macnaha loola jeedo erayga, iyo layli dhaqameed oo uu iska baarayo ama ka baarayo bulshada ku hareeraysan dhaqamada iyo dhacdooyinka uu qoraagu ka hadlayo. Qoraagu waxa uu toosh ku ifinayaa bulshada qeybeheeda kala duwan. Muuqaal dhammaystiran oo uu tusaalayaal dul dhigayo ayuuna ka bixinayaa, isagoo xil iska saaraya inuu indhaha bulshada ku jeediyo waxyaalaha ay ka maahsan yihiin ee dhaqanka bulshada qarribaya, una curinaya hab la darsay oo ay uga hortagi karaan una maarayn karaan.
Qoraagu wuxuu isku howlay uuna si cilmiyaysan u soo koobay dhammaan dhibaatooyinka dhaqan ee dhinacyada kala duwan ee bulshada, isagoo qeyb walba si aan eex ku jirin u muujinaya dhibaatada qofeed ama bulsho uu dhaqankaas ku keeni karo, waxa uuna si xikmadaysan oo aan canaan ku jirin ugu tilmaamayaa habkii ay u baddali lahaayeen si bulshadu u badbaaddo.
Hilaadin waxa uu isku keenay dhacdooyin dhacay oo taariikh ahaan looga bogan karo, kuwa hadda dhacaya oo ay tahay in dhug loo yeesho lagana dhowro in ay dhaqanka iyo bulshada dhagar u keenaan, iyo kuwa soo socdo oo laga saadalinayo hab dhaqamada qaar iyo dhacdooyinka aan dhaxal fiican keeni doonin.
Qoraagu wuxuu ku qoray buuggiisa soomaali aad u sarreeya. Qofkii aqriya waxaan is leeyahay wuxuu ka dhammaanayaa isagoo cashir afka soomaaliga ah ka kororsaday, aamini doonana in luuqadda soomaaliga ay hodan tahay, sidoo kalana wuxuu isku xilqaami doonaa bilaabidda olole afka dhowriddiisa iyo adeegsigiisa ah.
Buuggan intaan aqrinaayay waxaa isoo jiitay suugaanta iyo murtida. Waxaa jirta hal qabsiyo sida “Qoodhaa iyo xeradaa” , “Jaafaa Jiliq” oo aan hore u filanayn inaan buug ku arki doono maadaama aan magaalooyinka/reer magaalku adeegsan. Qofkii aan waayeel dhaqan yaqaan ah nasiib u yeelan buuggu wuxuu u yahay hage ka haqabtiraya wax walba oo dhaqan, talo, tusaale, iyo dardaaran waayeel oo waaya-aragnimo casri ah la socoto.
Waxaan ka helay sida buugg isagoo dhaqan iyo bulsho ka sheekaynayo haddana uu u cilmiyaysan yahay, oo dhaqankii jaahiliga uu u dafiray, sidoo kalana aqoon, ilbaxnimo, iyo hab casriga la jaanqaadayo uu ugu saleeyay talada iyo tusaalaha uu soo bandhigay.
Buugga waxaa ku jira gabayo iyo maansooyin aad u macno ballaaran, kuwaas oo uu qoraagu ku tusaalaynayo qaab suugaanaysan dardaaranka iyo talooyinka uu bulshada usoo bandhigay taaso sahlaysa in la fahmo oo si laxamaysanna loo hirgaliyo.
Waxaan kula talinayaa qof kasta inuu aqriyo buuggaan. Wuxuu hage u noqon karaa dhallinyarada soo koraysa isagoo qeyb ka noqonaayo qaabeynta qofnimadooda, dhaqankooda, una diyaarinayo maaraynta dhinacyada kala duwan ee noloshooda. Wuxuu xasuusinayaa inay isxilqaamaan, iskuna xilqaamaan danta guud iyo middooda gaarka ah. Dhowraan dhaqankooda oo qeyb ka noqdaan dhisidda iyo horumarinta deegaankooda.
Waxaan mahad celin ballaaran iyo duco u dirayaa qoraaga buugga oo maskaxdiisa iyo muruqiisa u maalay inuu dhiganahaan bulshada u soo saaro. Dhaxal qiima bandanna u reebo dalka, dadka, iyo deeganka. Dhanka kale, waxaa xusid mudan, in qoraa Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’ uu buugga Hilaadin ka dib soo saaray buugga “Dhimaal Dhaqan”, oo aan isna u hamuunqabo aqrintiisa, aanna idinla soo wadaagi doona wixii iiga baxa marka aan ka bogto.
Dhammaad.