Silsiladaha nagu xiran! W/Q. Cabdikariin Cabdulle (Abka Xaaji Qalinwayne)

Maalin maalmaha ka mid ah baa nin socotaa arkay Maroodiyaal xarko yar yar ay ku xiran yihiin.
Waxa uu aad ula fajacay Xoogga maroodiga iyo xariga ku xiran ee uu ka baxsan karin.
Waxa uu is weyddiiyay sidey ku dhici kartaa?
Ninkii waa ay la noqon weyday, in ay macquul tahay hase ahaatee si uu ugu kuurgalo waxa uu warreystay Qawsaarkii xanaaneynayay waxa uu ku yiri: Sidee macquul ku tahay in aad Raxan dhan oo maroodiyaal ah xarkahaa yar yar ku xirtaan halkaasna ay ku nagaadaan ilaa aad ka furtaan , sow ma aheyn in aad silsilado waaweyn ku xirtaan si ammaankooda iyo ammaanka dadka ku xeeran loo sugo?
Ilaaliyihii baa si debecsan oo uu fahmi karo ugu sheegay waxa uu ku yiri: Markii ay yaraayeen baa halkaa lagu xiri jiray tabarta maanta ay leeyihiin ma laheyn isku day badan waa ku daaleen oo hadda maskixiyan ay u aaminsan yihiin in aysan ka baxsan karin.
Cajaa’ib ninkii yaabkii baa aad ugu sii kordhay kolkaas ayuu ogaaday hurumarka qofka inuu ku xiran yahay oo kaliya in uu jabiyo silsiladaha qalbiga uga xiran oo uu ka dhaqaqi weysan yahay.l, uuna awoodda shaqsi la soo baxo.
Nolosha ma aha mar haddii aad ku guuldareysatay in aad u fadhiisato ee waa in aad cashar ka dhigataa jabkaaga.
Lacala guur baa kaa xumaaday, taas macnaheedu ma aha in dumarka wada xun yahay ama ragga wada xun yihiin.
Waxa aad maanka ku heysaa qofkaas aad wax wada wadaagteen kaalintii uu noloshada ku lahaa baa dhammaatay waxa kuu bilaabanaya hadda iyo nolol tii hore ka macaan waa sida aad adiga ka dhigatee.
Waa maqalnaa inta badan Dumar badan oo ku celcelinaya Raggii horor bay noqdeen iyo niman leh naag la aamminaa ma harin.
Maya sidaa ma aha faraha ma sino, teeda kale adiga doorasho maba lihid xaqiiqdii ee kaliya Dooqaaga ku indho kuulo haddaad kuftana ha kici weyn ilaa ay nafta kaa baxdo rajo waa kuu danbeysaa.
Waxaa doqonimo ah in aad is dhiibto, ha is dhiibin midna ogoow adduunkaan waxa laguu keenay imtixaan.
Qofka Islaamka ah noloshiisa waaba kheyr socdo waa xadiith saxiix ah, haddaad dhibtooto Sabar haddaad nimceysato Alle uga mahad celi marna qasaaro kuuma sugnaan.
Ogoow qof kaa sarreysaa ma jirto, mar ama laba ay xaajo kaa wirqatay waa aqoon iyo waayo aragnimo kuu saa’idday yeysan ku niyad jabin, rajada waa hadba sida aad u aragto meel dhiw meel dheer meel dhexe.
Waxa aan mar kale ku leeyahay  naftaada baro oo la sheekeyso qaladkii hore kaaga dhacay sax haadaa wasalaam.
Marna ha u jilcin, in guur kaa xumaaday, ganacsi ka qasaaray, shaqo aad ka tagtay ama kaa dhammaatay, geeri naxdin leh oo qof aad jecleyd  kaa qaadday waxaas oo dhan waa taxanaha nolosha marna is huri meysaan waa tii la yiri: waxaadan hureyn habaar laguma doorsado ama waxaadan hureyn horaa loo galaa.
Ugu danbeyn nolosha yeysan geed kugu xirin  hana doqonkii cadowga qabtay oo ay ligaha ka xireen ay dhaheen fadhi halkaa oo ay ka tageen asagoo sidii u fadhiya ayaa waxa soo ag maray nin bar garanayay oo ku yiri War heedhe maxaa ku helay? Deedna waxa uu yiri Cadow baan u gacan galayoo waa la ii yaabaa maanta wa anigaa u xiran.
Intuu aad u eegay buu ku yiri: cadow uma xirnid ee dowonimadaada ayaad u xiran tahay ee xariga iska fur duf ku baxe .
Kolkaa ayuu iska furay oo cadowgii ka baxsaday.
Dhanka kale haddaan soomaali nahay nafsad ahaan baan u jabnay waxa aan kari weynay xargaha lugaha nooga xiran in aan iska furno sow doqomo ma nihin.
Haa xaqiiqdii waa sidaa waxaan nahay dad aan caqligooda isticmaalin.
Abka xaaji Qalin-Weyne

SHEEKOOYIN