1 of 1,171
Sannadguurada 11aad ee Laashin.
|
2:20 PM (18 minutes ago) |
|||
|
Xalay oo taariikhda aheyd 20/09/2025 waxaa xarunta laashin lagu qabtay xuska sanadguuradii 11 aad ee hoyga hiddaha iyo dhaqanka ee Laashin.
Laashin waxaa dhidibada loo aasay sannadku markii uu ahaa 2014 kii koowdii September.
Sida caadada ah sannad walba waxaa la qabtaa sannadguurada oo lagu soo bandhigo waxqabad sannadkeedii, sioo kale Barnaamijyo waxtar u leh Bulshada ayaa lagu soo gudbiyaa habeenkaa sannadguurada oo lagu martiqaado waxgaradka aqoonyahanada bulshada Soomaliyeed hormuudkooda.
Xalay waxaa lagu soo gudbinayey Barnaamij Afka iyo qoraalka farta Soomaaliga marxaladihii ay soo martay.
Barnaamijkaam oo looga hadlayay intiisa badan sida ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta Afka hooyo iyo qoraalkiisa in la dardargeliyo oo si is xilqaan ah qof weliba uga qayb qaato.
Waxaa habeenkii xalay ahaa ku kulmay madasha halka kulmay, Qorayaaal, Hal abuur iyo miida bulshada Soomaaliyeed iyadoo la muujiyey kaalinta weyn ay ku leeyihiin hagidda bulshadeenna.
Barnaamijka waxaa marti ku ahaa, Professor Cabdulqaadir Ruumi iyo Eng Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon oo si mug weyn u dul degay faahfaahinta iyo falanqeynta afka Soomaaliyeed iyo is berberdhiga afafyowga kale ee Africa looga hadlo.
Barnaamijka waxaa daaddihinayay Ibrahim Osman Afrah oo si xamaasad leh u qaadaa dhigayay waxaa sidoo kale goob joog ah waxgarad iyo qorayaal waaweyn oo aan halkaan ku soo koobi karin magacyadooda oo ayagana kalmadooda ka soo jeediyay.
Waxaa furay kulanka guddoomiyaha laashin Dr Hussein Wadaad waxa uuna halkaa uga mahad celiyay dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee hiil iyo Hoo la garab taagnaa 11 kii sanno ee la soo dhaafay la’aantoodna ay noo suura gasheen in aan u dhabar adeygno xilkaa weyn ee ilaalinta afka, dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.
Laashin waxa ay u taagan tahay ilaalinta , kobcinta afka hooyo ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ruux walba oo soomaali ahna waa u furan tahay inuu mareegta laashin wax ku daabacdo, ku soo gudbiyo aragtidiisa. Wixii qoraallo ama buugag ahna ay u daabacdo madbacadda Laashin. Guddoomiyuhu waxa uu si qurxoon u faahfaahiyay shuruudaha laga rabo qorka mareegta laashin wax ku qorayo ama ay buugtiisa adaabacayso.
Laashin, waa madal u furan qof walba oo si isxilqaan ah raba inuu afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed horumariyo madasha Laashin maaha meel la kala leeyahay ama xarun xeero cid gooni u leedahay ee waa xarun u dhaxaysa bulshada soomaaliyeed deegaan iyo degel walba uu joogo.
Waad mahadsan tihiin.
Abka Xaaji Qalin-Weyne