Sagal Gaaxday
(Sheeko gaaban)
Wiilo Daahir Xasan
Saaka barqadii ayuu Jabriil wax ka soo aasay Buraale Cali oo qabay eeddadiis Maryan Xirsi, ka dib guriga eeddadii ayuu ku soo laabtay si uu ugu tacsiyeeyo. Maryan waxay ku ooyaysaa ooyin aamusan. Ilmada qalbigeeda gubaysa ayaa dhabankeeda ka da’aysa. Maryan iyo wiilkeeda yar waxaa u billowday nolol aanay saadaalin karin. Nolol aan aabbo lahayn. Nolol agoonnimo.
Maxamed wuxuu hooyadiis weydiinayaa:
“Aabbo ma soo laaban doonaa?” Waxaa uurkutaalo ku noqotay uu dareemayaa geerida aabbihii. Subaxaas cayaartii uu carruurta la ciyaari jiray wuu ka baaqday. Gidaarka ayuu la fadhiyaa, oohin marna dhug-dhug ayuu u istaagayaa albaabka gurigooda la buuxo. Maxamed, ma qiyaasi karin dharaartaan xanuunka badan ee uu waayay aabbihi Buraale. Maxamed wuxuu la gariirayaa naxtinta uu ka naxay dhimashada Aabbahii Buraale Cali uu aad jaclaa. Fiq-fiq ayuu ku hayaa, wajigiisuna waxaa ka muuqda murugo iyo tiiraanyo qotadheer. Cabsi iyo wareer ay da’diisa aanay xamili karin.
Jabriil wuxuu u dhaqaaqay si tartiib ah, isagoo madaxa ka salaaxaya buu laabta geliyay wiilka yar ee saaka dareemaya agoonnimada ee eeddaiis Maryan dhashay. Wuxuu u muujiyay kalgacal walaalnimo iyo inuu jecelyahay una garab taagan yahay. Wuxuu kafaalo qaaday korintiisa iyo wax bariddiisa. Si deggan ayuu u yiri Jabriil, isagoo hadalkiisa ku laraya cod damaanad naxariis leh:
“Waxbariddiisa, noloshiisa, iyo mustaqbalkiisaba — anigaa masuul ka noqonaya. Warkaas iyo yaboohaas, hooyo Maryan culays buu ka dajiyay Jabriil markuu dusha u ritay daryeelka iyo barbaarinta Maxamed, way u mahadcelisay Maryan wiilkay eeddada u tahay ee gacanqabashada iyo garab joogsiga uu u sameeyay.
***
Gugisii sagaalaad ayuu Maxamed Buraale dugsi gaar ah gelay. Jibriil ayaa dugsiga geeyay. Isagoo noqday wiil waxbarashadiisa ku fiican. Higsi sare iyo dadaal aan hakad lahayn ayuu waxbarashada ku billaabay. Taas Jibriil ayaa ku garabtaagnaa kuna baraarujin jiray, had iyo jeer.
“Maxamedow, meel sare ka soo muuqo”, ayuu sidii halhays subax kasta ku sagootin jiray.
Maxamed, isagoo sidii u caabbboon ayuu durba dugsiga sare soo dhammeeyay. Jaamacad ayuu gelay. Kulliyadda qaanuunka ayuu doortay. Hantidhawrka ayuu bartay.
Markuu qalinjabiyay, shaqo raadis ayuu u xusulduubay. Nasiibwanaag, walaalkiis Jabriil ayaa uga soo helay, xarunta xisaabaadka dawladda, boos hantidhawre, isagoo adeegsanaya xilka seeddigiis Yuusuf oo ka mid ah madaxda xaruntaas.
Laakiin, markii Maxamed hawshiisa billaabay, wuxuu ogaaday wax aanu filaynin. Diiwaannada ayaa daaha ka qaaday musuq iyo lunsasho hanti dadweyne. Waxa la yaab leh ayaa ah, inuu ku arkay magaca Jabriil iyo magaca Yuusuf. Wuxuu ogaaday in labadooduba si qarsoodi ah ugu shirkoobeen wax isdaba marin.
Faylkii ayuu si tartiib ah u dul dhigay miiska hortiisa yaal. Indhihiisa ayuu la raacay qorraxda dhacaysa oo cirka ku fidsan—laakiin go’aanka qalbigiisa ka go’i lahaa weli muu dhicin. Isagoo indhihiisa ku fiirinayay warqaha, ayuu feker gelay. Maankiisana waxaa ku qulqulay xusuus carruurnimo — waqtigii Jabriil gacanta ka qabtay isagoo uu ka ilaalinaya wiilasha xaafadda ee diliyay; iyo Maryan, gacmaheeda qoyan oo uu weli dareemayo, habeenkii uu qandho la ildarnaa, iyadoo ilmada ku celinaysa indhaheeda.
Maxamed wuu aamusay. Murugo ayaa wajigiisa haraysay. Qalbigiisa waxaa ku loollamaya laba daran mid dooro, danta ummadda iyo danta gaarka ah. Siduu u fadeexayn karaa walaalkiis—ninkii meel sare gaarsiiyay! Siduu u sheegan karaa Jabriil seeddigiis—ninkii u furay albaabka nolasha cusub. Haddana wuxuu barbardhigay abaal isagoo qof ah loo gelay iyo dhibaato dadweyne. Markaas ayuu go’aan ku gaaray: “Danta dalka ayaa ka horraysa danta shaqsiga.” Maxamed wuxuu qoray warbixin aad u dhammeystiran, isagoo isticmaalaya dhammaan caddaymaha uu helay. Wuxuu rabay in si toos ah ugu gudbiyo hay’adda la-dagaalanka musuqmaasuqa ee madaxa bannaan.
***
Maalintii uu doonayay inuu furo gal dacwadeed ayay hooyadiis oo xanuunsan ayaa la keenay magaalada. Hooyadiis Maryan, iyadoo weli taagdaran ayay dareentay in Maxamed uu ku mashquulsan yahay, fikirna ku jiro. Markay baartay, waa hooyee, waxay ka soo saartay arrintuu maaggan yahay iyo Jibriil xisaabintiisa.
Habeen habeennada ka mid ah ayay la fariisatay, iyadoo wajigeeda ay ka muuqdo walaac iyo murugo qotadheer. Cod daciif ah ayay ku tiri:
“Maxamedow, waxaan ogahay in aad waxaad aragtay ay wax culus yihiin. Laakiin, wiilkaygiyow, Jabriil waa nin abaal nagu leh. Wuxuu kuu ahaa aabbe labaad. Wuxuu kaa dhigay qof meel gaara. Ma mudan yahay in lagu abaalmariyo fadeexad?”
Maxamed wuxuu isku dayay inuu hooyadii u sharraxo in wuxuu arkay aysan ahayn wax yar, balse ay tahay khayaano qaran iyo musuq ballaaran oo dalka dhaawacaya. Warkii wiilkeeda iyadoo dhegaysanaysa ayay tiri Maryan:
“Khalad waa la gelaa, dadku way gafaan. Haddii uu wax khalday, waxaa jira dariiqooyin kale—la hadal oo waani. Ma aha in aad ninka ku soo korshay dunida hor keento ku ceebeyso. Ma xasuusatid miyaa siduu kuu qaadayay markii aabbahaa dhintay? Ma hilmaantay halkuu kaa soo qaaday iyo halkaad maanta joogto?”
Maryan waxay ku sii dartay:
“Waxaan kaa baryayaa wiilkaygiiyow, ha noqon mid cadow u noqda qoyskiisa. Ha noqon mid nolosha Jabriil guba. Hadduu khaldamay, Ilaahay ayaa ku garsoori doona. Anigu, qof iska jiran ahay, hadal badan ma karo hooyo Maxamed.
Markaas ayuu Maxamed qalbiga dib u eegay. Wuxuu go’aansaday in uu dacwaddii hakiyo— wuu ka noqday aragtidiisa. Maxamed wuxuu yiri:
“Waxaan bartay in mararka qaarkood, abaalka ugu weyn uu yahay in aad qofkaaga khaladkiisa qariso, laakiin, runta ayan dhuminin, balse waa jacaylka uu u qabo hooyadiis iyo cabsida uu ka qabo in dhaawac uu u geysto kaga xumaan doonta hooyadii. Dacwadii ayuu dib ayuu isaga dhigay. Hooyadii ayuu isbitaalo dhawr ah geeyay, waxaana loo sheegay in dalka waxba looga qaban karin.
Laakiin, markuu damcay in uu hooyadii Maryan geeyo dalka dibaddiisa, ma haynin Maxamed kharashkii lagu kaxeeyn lahaa waxaana ku sii kordhay taws iyo taah uu xanuunka ku hayo ayuu u adkeeysan waayay. Maxamed wuu garan la’ yahay qof ammaah lacageed uu weyddiisto. Waxaa sii murjiyay, in bilo ka hor isaga iyo saddex saaxiibadiis ah ay maalgelin ku sameeyeen mashruuc beereed, iyadoo aan la sii odorosin xaaladdan degdegga ah. Haddii lacagtaas uu heysan lahaa maanta, wuxuu hooyadii si dhaqso leh ugu kaxeeyn lahaa isbitaalka dibadda ah, xilligana kama walwaleen lacagtaas. Jabriil iyo isagu, maalmahan dambe way kala waji-dadbadeen, marka ay iska soo hor baxaan. Maxamed indhaha ka leexiyaa, ma ahayn nacayb ama kalgacayl la’aan, balse waxaa ka dhex guuxayay cabsi uu ka qabo in Maxamed weyddiiyo wuxuu u karay. Maxamedna, Jibriil ma warsan karin lacag deyn aj, sababtoo ah waa ninkii uu damacsanaa in uu dacwadeeyo. Maahsanaanta badan ee Maxamed buu ka yaabay Jabriil.
“Xaaladda eeddadey Maryan aad u darantahay ee maxaa kaaga qorsheysan wadiddeeda Maxamedow?” ayuu ogaal u su’aalay. Maxamed ayaa u sheegay Jabriil in aanu haynin kharash ku filan.
“Aniga xitaa eeddadey daryeelkeeda qayb ayaan ka ahay. Yuusuf ayaan la ballansanahay.”
Markuu Jibriil yiri: “Anigaa lacagta kula raadinaya”, Maxamed naxdin iyo farxad ayaa ku kulmay. Mar waayoo, wuxuu ku farxay in hooyadiis wadisteeda la helay. Marna waayoo, wuxuu ka naxay kana uurgubyooday in lacag Jibriil iyo Yuusuf kaga timaado, inay musuqmaasuq tahay oo lagtiisu lugta ceeb gashan doono. Waxbarashadiisii iyo hankiisii ayaa hal daqiiqo sidii sagalkii u gaaxday oo dib duruuf u ururisay.
Dhammaad