Raq iyo Ruux
20 sanno ka dib ayuu baraha bulshada ka soo muuqday sawirkisa waxaa ku xardhan erayo maan-rujis ah sida Nuurki Qalbiga, haddaan nin karmeed helay ilmaheyga Aabbahood IWM.
Dabcan erayadaas markaad maqasho ama aragto qof ku maan dhisanaya meesha waxba kuma haayo inta uu xiddiga tirinaayay ayuu Dayaxa waayay.
Qofka sawirka arkay waa Ceebla , ninka waa walaalkeed Caamir markii ugu war danbeysay Saxaraha Liibiya ayaa lagu sheegay, kaddibna war iyo wacaal waa laga waayay.
Ceebla ma sugin waqtina iskaagama lumin Xamda oo aheyd qofkii bogeeda Facebook soo dhigtay bay toos u wacday salaan iyo is bariidin ka dib Ceebla yoolkii ay u socotay bay abbaartay halka Xamdi iska soo jartay Sorry Abaayo Caamir nin la dhaho ma aqaan ninkeygana ma aha Walaalkaa magaciisana waxaa la dhahaa Faadhil wax ehel u ah aan aniga ilmahaa aheyn adduunka uma joogaan.
Ceebla warkaas kama degin walaalkeedna ma aqoon weyn waa yaraankii reerkooda koriinshihiisa ayey kaalin weyn ku laheyd.
Abaayo ma ihi qof is yeel yeelaayo haddana waxaan nahay ehel midna ku darsoo Aniga iyo reerkeyga waxa aan joognaa Ingiriiska oo ha is dhihin qofkaan waa xoolo doon .
Xamdda markii ay warkii dhegeysatay ayey tiri Maxaa caddeyn ah oo aad u heysataa inuu walaalkaa yahay lana yiraahdo Caamir.
Taas waa sahal laba calaamad oo waaweyn ayuu leeyahay gacantiisa bidix waxa uu ku leeyahay Haar koobaabin ah, lafaha garbaha meesha ay iska galaanna Waa ka tolan yahay oo haar kala ku taal.
Xamda waagaa ku baryay tilmaanya waa sax ooyin bay la dhacday wax ay fiqfiqeyso kulan ayaa loo balamay markii ay uga tibixsiisay inuu laba todobaad ka maqan yahay Booliiskana wargelisay oo ilaa iyo hadda la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, intaa waxa ay u sii raacisay inuu afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed asagu i baray iyaduna ay tahay iska dhal caddaan iyo Soomaali.
Yeelkeede Caamir la hel durbana lawaa Ceebla sidey reerka ugu sheegtaa? Ma waxa ay tiraahdaa Caamir waa nool yahay raadkiisa mooyee meel uu qabtay lama yaqaan, waalidkiis oo waayeel ah sidey noqon doonaan haddii runta loo sheego.
Ceebla waxa ay arrin gedgedisa waxa ay go’aansatay in ay iyada isku koobto inta kobo ilato sidii ay Caamir nolol iyo geeri mid uun ula soo shir noqon laheyd.
Dhanka kale Xamdda weligeed ma arag Aabbaheed waxaa la oran jiray Bile Guure, waxa ay jaamacad isla dhiganayeen xamda Hooyadeed Margaret intii waxbarashada lagu guda jiray bay Jaceyl ba’an isku qaadeen waxa ayma ku balameen markii ay waxbarashada u dhammaato in ay is guursadaan.
Markii waqtigii la gaaray reerka Margaret si cad ayey u diideen weliba waxa loogu hanjabay in la dili doono Neegarka ay wadato haddey ka tanaasulin.
Ayadoo arrinka siriqsan yahay reerka Margaret gabadhooda aad bay u jeclaayeen waxa ayse liqi waayeen in nin madoow ay la timaado.
Muddo ka dib Margaret uur baa ku soo baxay in laga soo dilana waa diiday taa waxaa uga darnaa in Bile Guure raq iyo Ruux la waayay.
Margaret oo dareesaneyd in waalidkeed ku lug leeyihiin Maqnaanshaha Bile Guure ayadoo uur leh ayey Canada u baxsatay halkaas ay nolol cusub ka sameysatay,
LA SOCO QEYBAHA XIGA
LA SOCO QEYBAHA XIGA