Qorigii burjiga
Magaca Qori ismaris .markii aad aragto ama maqasho maskaxdaada waxaa ku soo dhacaya su’aalo u baahan in aad jawaab u hesho. Haddaba qoraaga buugga qori ismaris ustaad Muxyadiin Xusseen Ciid ayaa si farshaxanimo iyo waayo aragnimo ku dheehan tahay inoogu soo tabiyay, waana mid uu ku mudan yahay in lagu bogaadiyo sida uu iskugu xilqaamay in uu buuggeeyo mid ka mid ah sheekooyinka ku tiri kuteenka ugu faca weyn geyiga soomaaliyeed.
Inta aan dhex gelin buugga iyo farriinta uu xambaarsan yahay waxaa muhiim ah in aniga iyo adiga aan isweyddiino Aadanaha bahal ma noqon karaa? Bahaladase aadane ma noqon karaan? Waad heysataa ayaan filaa jawaabta kugula habboon oo xaqiiqda ah.
Aan waxyar is dul taago xifaaltanka ka dhexeeya beelaha soomaalida Xayawaan walbo waxaa lagu xagliyaa reer, mararka qaar waxaaba dhacda in la sii durugsado oo qof la yiraa Hebel ama heblaayo Mas ayaa la dhashay ama maroodi ayaa la dhashay ama libaax waxaan weli maqlin oo dhimman qofkaas Sac ayaa la dhashay ama qofkaas lax ayaa la dhallatay.
Haddaba aan u soo dhaco curiyaha buuggaan iyo fariinta uu u gudbinayo dadweynaha maxey tahay? Aan dhowr qodob u kala qaado aniga oo soo koobaya nuxurka aan kala dhex baxay mid waa farriin guud uu bulshada caalamka u dirayo ugana xaal warramayo in aan leenahay hiddo iyo dhaqan soo jireen ah.
Midna waa digniin uu isla beesha caalamka uga sheegayo gaar ahaan reer galbeedka in ay kuwo inta aan ku jinsi aheyn u taagan in ay xaqooda iyo libintooda duudsiiyaan si kastoo u tahay cadceed bannaan taal.
Tan ugu muhiimsan ee anaga nagu saabsan ee qoraaga na xasuusinayo dayaca Dad iyo Dal heysta iyo sida nacabka loogu adeego.
Dhanka kale qoraaga waxa uu ku taagtaagsanayaa qiimaha muwaaddinka soomaaliga sida uu raqiis u yahay ama ha joogo dalka gudihiisa ama dibaddiisa wa isku mid sababtoo ah geedka haddii uu jirid adag laheyn ma sii taagnaanayo waa kii dhaco oo ba’o.
Tusaale aan u soo qaadano Aadan geele waxa uu ku dhashay ku soo barbaaray NFD . Gobolka NFD waxa uu gacanta gumeeystaha galay tan iyo markii soomaalida loo qeybshay Shanta qeybood ilaa waqtigaas waxa ay ku weel ahaayeen Keenya dadkoodana waxa ay isku arkaan in ay Keenyaan yihiin balse xaqiiqda ma aha sida aad isku aragto adiga ee waa sida laguu arko.
Haddaba sidee loo arkaa markii carruurta la waayay tuhunka ugu weyn waxa laga dul dhacay Aadan Geele sababtoo ah dhalyo ahaan ayuu kasoo jeeday Soomaali.
Waxaa loo faquuqay waa in uusan laheyn derbi ka danbeeyo oo looga cabsado.
Si kastaba arrinku ha ahaadee qoraaga si farshaxameysan ayuu isku dul taagay dayaca muuqdo iyo in ay ma huraan tahay in sharafka iyo qiyamka soomaaliyeed ee dayacmay xal loo helo.
Qoraaga buugga asagoo hoga tusaaleyntiisa sii balbalaarinayo ayuu ku tusayaa in dalkeennii aan marti ka nahay shisheeyaha iyo in u adeegto oo dhuuni qaatayaal ah ay waxa ay doonaan ka fushadsan marnaba aysan raali ka noqon doonin la helo xasilooni siyaasadeed iyo mid nabadeed.
Dhanka kale ayuu qoraaga waxa uu kuu farmuuqayaa Adaabta iyo Tarbiyada Carruurta in ay tahay muhiim iyo jiheeye ay tix raacaan, sababtoo ah Cunuga in aad caloosha u buuxiso kaddibna aad iskuul iyo dugsi u dirto baahidii ay u qabeen walidkood ma buuxin karto , waa in aad waqti la qaadato samaha iyo xumaha u kala sharaxdo, ayaga dhegeysato markooda ka talo geliso barto mas’uuliyadda adigoo ku dherarinaayo mid walbo tabartiisa howsha guriga kaalin ka qaato cunug walba markaas waxa uu dareemayaa inuu yahay masuul xubin ka ah qoyska.
Meel dheer anigoon idinla aadin waqtigaan xaadirka ah waxaan ku sugaayay Switzerland magaalada Zurich guriga widaaygery Cabdiraxiim H. Galayr marka aan xaafadda joogno Adeer cabdul ayuu iigu yeeraa carruurtiisan Adeer Cabdul waxaan aheyn afkooda ka maqli meysid ka warrama haddi uu iigu yeeri lahaa waryee Cabdulloow.
Hadda ka hor ayaa gabar ila dhallatay ka kari waayay afkaaga suubi oo ilmahaan aad waryaa iyo naayaa leedahay ka dhaaf, maalin anigoo la joogo gabartii u yareyd ayaa iska soo jartay NAAYAA AABBO Aabbaheed xanaaq maahee waa rifmay yaa u sabab ah dhibkaas ? …
Isku soo wada duub buugga qori ismaris qofkii wada aqristay ayaa fahmi kara waxa uu murti iyo miid xambaarsan yahay waa buug si aad ah loo falkiyay marka laga soo tago ku tiri kuteenka Qori ismariska waxa uu ka hadlayaa waa dhib dadka iyo dalka heysta iyo sidii loo xalin lahaa oo u baahan in la fahmo waaqiciga jiro waayo nin ku dilay waa xaqiiqo inuusan harka kuu jiideynin waxa uu si toos ah kugu sheegayaa in xalku ku jiro wada hadal iyo isku dhimrin waxa si toos ah u caddeynayaa meelo badan in ma huraan tahay waqti la geliyo xal u helidda dhib walba oo soo cusboonaado ama mid horay u jirayba waxa uu sidoo kale carrabaabayaa in u jeexidda dhabbaha jiilka soo socdo inuu waajib ku yahay aniga iyo adiga balse haddaan gacmaha ka laabano qaxa, qaraxa iyo qaxootiga in ay naga dhaxli doonaan, waa hubaal.
Buugaan waxaad kaga bogan kartaa in aad gacanta ku dhigto waxa aadna ka heli kartaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisa
Abka Xaaji Qalin-Weyne