Toddobaadkii hore waxaa Perth nagu soo booqatay qoraa Nimco Noor oo ah qoraa qortay buugaag af Soomaaliga laga barto, sidoo kalena ah sheekaqore horay u qortay buug sheekafaneedda ah (Garoob iyo Godob Rageed).
Nimco buugteeda barashada far Soomaaligu ma aha buug far barasho oo keliya balse waa manhaj dhan oo haddana ah manhaj loo dhan yahay oo ubadka baahiyaha gaarka ah qabaahi xataa wax ku baran karaan. Waa labo buug midi akhris yahay kan kalena waa buuggii layliga. Waxaa intaa dheer in barnaamijkani isaga oo online ah ay Nimco diyaarisay oo ardayga buug fisikaal ah haddii uusan rabin ama ka caajiso hab online oo casri ah madadaalana la socoto ayuu ardaygu ku baranayaa. Intaa kuma eka ee waxa kale oo la socda buugaag yar yar oo sheekooyin caruureed ama dhaqameed ah laakiin hab casri ah loo qoray. Tusaale ahaan, erayada DILka iyo waxa la midka ah ee sheekooyinka Soomaalida ka buuxa Nimco waa ay beddeshay oo kuwo aan cunfi lahayn bay booskoodii gelisay. Waxa kale oo la socda kaadhah maskaxda lagu jalqinayo (memory card games) oo erayo badan oo af Soomaali ah ku qoran yihiin, kaadhadhkaas oo ubadka iyo waalidku wada dheeli karaan.
Runtii intii aan mawduucan arkayey ma arag habka Nimco diyaarisay mid u dhigna ama u dhow. Sirtana Nimco ayaa ii sheegtay oo waxa ay tiri “manhajka Findland oo ah dalka hannaankiisa waxbarasho ugu sarreeyo dunida oo dhan ayaan ka soo dheegtay”.
Nimco oo ku nool yahay Finland oo cirifka waqooyi ee adduunka ku nool waxa noogu timid Australia oo cirifka koofureed, ubad iyo waalid badan oo reer Perth ahina waa ay ka faa’iidaysteen waxqabadkeeda qiimaha leh. Nimcooy in badan mahadsanid.
Cali M. Diini ayaa qoray