Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

NOLOSHU WAA MACALLIN (W/Q. DAHABO XASAN GUURE)

Noloshu wa macallin

Marka lagu fakaro nolosha iyo sida ay u socoto wax badan oo aad la yaabto ayaad arkaysaa. Marbay farxad iyo qosol kugu maanshaynaysa, isla jeer kalana oohin, murugo iyo tiiraanyo dhar kaaga tolaysaa. Marbay kaa yaabinaysa oo cibaarooyin adduun ku hor keenaysa, jeer kalana waxa dhacda isla adiga in ay dhacdo kugu sunmaddo lagu waana qaato. Marbay guulo ku hibanaysa, jeer kalana guul darrooyin aadan xamili karin kuu xanbaarinaysaa.  Marbay kugu daadahaynaysa nolol qurxoon, jeer kalena dandarrooyin, diif iyo diihaal dayd kaaga dhigaysa.

Waxa la dhahaa noloshu, iyadaa miisaanka caddalada gacmaheeda ku wadata oo hadday kugu soorto wanaag iyo in aad si fudud ku fuusho jaranjarada guusha ogaw oo adiga qayrka oo ay shalay siisay fursadda se ehelkeeda  noqon waayeen oo ka faa,iidaysan waayay bey ka soo xayuubisay;  adigina haddi ay aragto in aadan istaahilin way kaa xayuubinaysa oo ay siinaysa dhiggaa si uu uga faa,iidaysto. Waxa la dhahaa waa macallin oo waayaha uu qofku nool yahay tusoolooyin bey siisaa, isla markaasna, waa saxaha dhigaalki ay ku siisay oo waa ay kugu imtixaantaa hadba heerka aad u qalantidna ku gudoonsiisa darajadeeda .

Nolosha aan ka soo sheekeeyay way gaaban tahay oo waxaaba lagu magacaba adduunyo; kalmadda oo assalkeeda carabi ah micnaheedu waa shay masaafo ahaan gaaban ama kugu dhaw. Rasuulkuna SSCW waati uu ku tilmaamayay xadiith micnihuusu ahaa( Aniga iyo adduunyada waxaan isku nahay sidi ruux socotaa oo harsaday geed hoosti kadibna isaga tagay).

Sidaa oo kale waxaad ogaataa maalin walbo aad nooshahay haddi aad ku noqotid taariikhda waxaad arkaysaa mid sabanno hore tagay oo la nooc ah, waxaadba isleedahay  ma baal hore oo taariikheed oo ay dib u soo celisay,  waana halka laga keenay hal hayska ah ” Taariikhdu iyadaa dib isu qorta” . Marka quraankeena la joogana ugu yaraam saddex marka loo qaybiyoy meel ka mida ayaa taariikh iyo dhacdooyin ummado innaga horreeyay ay la noolaayeen ah ,  sababta naloola soo wadaagayna waa inaan wax ku qaadanno.

Nolosha aan soo sharraxay waxay leedahay akhlaaqiyaad, mabaadi/assal laga duulo iyo ujeeddooyin dabraya qofka nool.

Akhlaaqda la,inaga rabo waa ina qofka laga nabad galo afkiisa iyo addinkiisa isna noloshiisa uu la nabad galo. Waati uu suubanahu lahaa xadiith micnihuusu yahay 《 Qofka muslimka ahi waa kan afkiisa iyo addinkiisa laga nabad galo》.  Inaad noqotìd qof wanaag iyo akhlaaq sarraysa ku tilmaaman o waa tii uu Nabigu NNKH uu laha 《 Aakhiro qofka iigu kiin dhaw waakan idinku akhlaaq wanaagsan》.

Sidoo kale nolosha dabar xira ayaa jira qofka insaanka ay ugu horreyso in uu noqdo mas’uul iyo in uu waqtiiisa si wanaagsan u maamulo; sidoo kalena masuuliyad walbo uu qaado adduun iyo aakhiro isaga laga xisaabin doono.

Inuu noqdo qof isku kalsoon, kuna kalsoon awooduhu alle siiyay, bulshadiisana wax ku soo kordhiyo.

Waxay kale oo leedahay ujeeddooyin insaanku raadkeeda qaado si uu u xaqiijiyo waxaana ugu mudan ujeedooyinka in uu noqdo ruux uu Allihi abuuray ka raalli yahay wajibaadki uu saarayna guta, wixii uu ka reebayna ka hara.  In ay adduunyadu u noqoto beer uu u beeranayo xagga aakhiro si uu berri kolka uu hayaamo dhankeeda ugu nasto dadaalki uu soo bixiyay inti uu nooala.   Sidaa oo kale in uu noqdo mid guulaysta noloshiisana maaraysta si aanu cid kale culays ugu noqon.

Ujeedooyinka waawayn ee aadanuhu raad qaado rumayntooda waxa ka mid in uu ifka keeno kuwii isaga baddali lahaa,  yacni in uu  waalid noqdo, uu dhalo ubad uu weheshado, barbaariyo, berrina uu u aayo.

Noloshu waxa lagu tilmaamaa macallinka ugu wayn ee aadanaha in ey tahay, kuma wada siinayso hal mar casharada ay kuu wado ee midba waqtigiisa ugu tagaysa iyo halka ay idin kulan siiso qadarku.   Qof walbana hadba inta ay casharada ka siiso ayey waaya aragnimadiisa noqota. Ha noqon mid ay quus galiso gadgadoonka waayaha noloshu,  Ogsoonawna fursad walbo aad ka dhex raadisid waxaa noqon ruux mar uun hela waayo nolosha hal meel ma taagnaato oo waxaa arkaysa kii ay shalay calanka guusha iyo  ladnaanta ay dul lulaysay oo beri ay ka laashay sidoo kalena  kii daciifka ahaa ee la tunjileecsanayay isago beri awoodsaday.

Ka dhex raadi fursadaha aad jeceshay in aad mar un hanatid oo haka daalin in aad ka faa’iidaysato jaanis walbo oo ku soo mara aduun iyo aakhiradaadaba waayo mid walba waad ula niyaysan karta hana noqon ruux dhan u bata dhan kalena hilmaama oo xisaabtiisa aan ku darsan; saw maahayn aayad quraana { Doono waxa uu eebbe ku siiyay xagga guriga aakhiro hana halmaamin nasiibka aad adduunyada ku leedahay}/suuratul Qasas_77.

Dahabo Xasan Guure

SHEEKOOYIN

Talo Waayeel

DURUUF W.Q. Wiilo Daahir Xasan

BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD

CAWRALA IYO CALI-MAAX