Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

NABADGALYO ROODHIISIYA W.Q. Cabdinaasir Xiddig

NABADGALYO ROODHIISIYA

W.Q. Cabdinaasir Xiddig 

Qormadaan waxaan ku dul-istaagayaa warbixin muuqaal ah oo aan ka daawaday barta YouTube-ka ee ThemesTV, taasi oo laga sameeyay is-badalkii waynaa ee sanadkii 1979-kii ka dhacay dalka Zimbaabwi, is-badalkaas oo meesha ka saaray dawladdii cunsuriga ahayd ee Roodhiisiya. Muuqaalka oo uu diyaariyay wariye Yurubiyaan ah, ayaan u arkay in uu mudan yahay in la Soomaaliyeeyo, si dadkeenu wax uga ogaadaan sooyaalkaas lama-illaawaanka ah ee ay guusha la hoydeen bulshadii reer Zimbaabwi ee waayaha badan ku hoos jiray taliskii arxanka darnaa ee gumaystihii reer Yurub.

Dalka Zimbaabwi, wuxuu ka mid yahay dalalka dhaca koonfurta qaaraddeena Afrika, wuxuuna ka mid yahay dalalka ay gumaystayaashii reer Yurub sida wayn u deegaameeyeen, maamuleen, maalgashadeen, kana dhiseen dawlad iyaka u gaar ah oo ay ugu magac bixiyeen Roodhiisiya. Waxay dadkii Afrikaanka ahaa ee dalka lahaa ka dhigeen: wax ay dilaan, wax ay qixiyaan iyo wax ay qaab addoonsi ah uga hawlgaliyaan beerihii ay ku habsadeen ee Zimbaabwi.

Caddaankii sida awoodda ah ku maamulayay dalalka: Namiibiya, Koonfur Afrika, Botiswaana, Musanbiig iyo Zimbaabwi waxay yagliileen hannaan dawladeed oo aad u cunsuri ahaa, kaasi oo xukunka iyo shaqooyinka sare ku koobayay dadka caddaanka, halka dadka madawga ihi ay ka mid ahaayeen hantida dadkii caddaanka ahaa ee tiradayaraa.

Waxaa dadka Afrikaanka ah loo ooday xerooyin aad u fool xun, waxaana la qaayibsiiyay saboolnimo, cabsi iyo cuduro si kas ah loogu faafin jiray. Waxaa la diiday in qofka Afrikaanka ihi uu xitaa si xor ah u dhax lugeeyo dalkiisa, deegaankii uu doonana u dego, waxaa layeeshay dadkii madawga ah, heer ay caddaanku u kala dhaxlaan sidii xoolaha.

Caddaankii Roodhiisiya, waxay aad u dhiseen dalka, waxayna hormariyeen dhismayaasha, waddooyinka iyo adeegga bulshada, balse hormarkaas waxaa laga qadiyay, oo laga dhaariyay dadka madawga ah oo ahaa dadka tira ahaan ugu badan, milki ahaanna lahaa dalka. Waxaa fududayd in qofka Afrikaanka ah la dilo ayadoon aan cidina wax iska waydiinayn, caddaanka reer Roodhiisiyana waxaa waqtigaas lagu tilmaami karay ma qaldamayaal waxay doonaan ku fali karay dadkii ay dalka ugu yimaadeen ee reer Zimbaabwi.

Shaqada ugu fudud ee qofka Afrikaanka ah loo oggolaa waxay ahayd ku biirista ciidanka milatariga, waxayna dawladdii Roodhiisiya dareensanayd in aysan heli karin ciidan caddaan ah oo ku filan, sidaas darteed bay u qoran jirtay ciidan madaw ah si ay uga horgayso jabhadii gobanimo-doonka ahayd ee uu hoggaamiyaasheeda ka mid ahaa Mudane Robert Mugabe, kuwaasi oo dagaalo ku-dhufoo-ka-dhaqaaq ah ka waday qaybo badan oo Zimbaabwi ah. Jabhadda madawga oo ahayd mid ku naaloonaysay taageeda dadka Afrikaanka ayaa u halgamaysay in meesha laga saaro maamulkii cunsuriga ahaa ee Roodhiisiya, taas badalkeena lagu dhawaaqo Jamhuuriyadda Zimbaabwi.

Dagaalo daba-dheeraaday oo lagu hoobtay ka dib, waxaa jabhadihii gobanimo-doonka u suurtagashay in ay inta badan dalka la wareegaan, dhawr kiilo mitirna u soo jirsadaan caasimaddii Roodhiisiya ee Salisbury, waxaana qixis iyo kala carar bilaabaya dadkii shacabka ahaa ee caddaanka. Waxay isku dayayaan in ay beeraha iyo guryaha iska iibiyaan inta aan la gaarin ku dhawaaqista Zimbaabwi, waqtigaas oo la filayo in dhulka intiisa badan laga wareejindoono caddaanka, laguna wareejindoono dadkii lahaa ee reer Zimbaabwi.

Waxaa is-badalayay qaab-fikirkii bulshadii madawga, waxayna intooda badani fisheen in ay yeelandoonaan dhul, ayna ku noolaandoonaan madaxbanaani iyo nolol dhaanta tii ay ku jireen waqtigii Roodhiisiya. Waxaa bilaabanaya wada hadalo lagu soo afkarayo colaada, la iskuna dayayo in lagu dhiso dawlad ay ku wada jiraan caddaanka iyo madawga, waxaase taas diidaya jabhaddii Robert Mugabe, taasi oo ku talinaysa in dalka doorasho xor iyo xalaal ah laga hirgaliyo, ciddii guulaysataana ay dalka maamusho, taasi oo u muuqatay mid aasaysay rajooyinkii yaraa ee laga qabay in caddaanku sii joogaan Roodhiisiya.

Muuqaalka waxaad ku dhax arkaysaa dadka madawga ah oo aad u cabsanaya, ayna ku adagtahay in ay warbaahinta la hadlaan, waxaase ku dhiiranaya in ay kaamirada hor istaagaan qaar yar oo ka mid ah dadkaas. Waxaa mid ka mid ah la waydiinayaa in ay suurtagal tahay in dadka madawga ihi joojiyaan dagaalka oo ay oggolaadaan dawladda Roodhiisiya, wuxuuna ku warcelinayaa in taasi aysan suurtagal ahayn. Wuxuu sheegayaa in halgankaan loo huray naf, maal iyo waqti, ayna sii wadayaan inta uu hal askari ka nool yahay.

Waxaa kale oo la waraysanayaa dad caddaan ah, kuwaasi oo qiraya in waqtigoodii Zimbaabwi uu soo idlaaday, ayna isku diyaarinayaan in ay ka guuraan dalka, inta aysan dalka la wareegin jabhadda Robert Mugabe oo ay u arkayeen mid argagixo ah oo aan nolol u oggolayn dadka asal ahaan ka soo jeeda Yurub. Waxay sheegayaan in aysan garanayn meel ay aadaan, ayse ku qasban yihiin in ay dalka meel u dhaafaan si ay naftooda u badbaadiyaan. Waxaa kale oo la waraysanayaa dad caddaan ah oo qaadanla’ guuldarrada ku soo socota, kuwaasi oo ku andacoonayana in ay ku dhimandoonaan sida ay sheegayaan dalkooda Roodhiisiya.

Qaybta ugu yaabka badan ee muuqaalka ayaa ah marka uu wariyuhu waraysanayo nin caddaan ah iyo xaaskiisa oo dhaxjooga beertooda oo ay ugu dhaxyaalaan guryo aad u qurux badan, uguna xaraysan yihiin lo’ fardo iyo dad aad u badan oo Afrikaan ah. Wariyaha ayaa waydiinaya waxa ay ku hayaan beertaan, waxayna u sheegayaan in ay halkaan ku haystaan: beer, guryo, 90 sacaad oo nuuca Yurub laga keenay ah iyo laba kun oo addoono Afrikaan ah, kuwaasi oo ku xaraysan goob aan ka fogayn beerta.

Wariyaha ayaa waydiinaya halka ay ka keeneen dadka madawga ah iyo sida ay ku yeesheen, wuxuuna odaygii u sheegayaa in uu dadkaan ka iibsaday mulkilihii uu beerta ka iibsaday, markii uu beerta la wareegayna uu sidoo kale milkiyay dadkaan oo addoomo u ahaa ninkaas uu beerta ka gatay!

Ugu dambayntii, waxaa la garaayaa sanadkii 1979-kii, waxaana dhacaysa dooroshadii loo balansanaa, waxaana guul wayn ka helaya ururkii uu hoggaaminayay Robert Mugabe ee SANU-PF, halkaas oo uu qabbal shaydaani ugu dhacayo caddaankii markii horaba wadnaha farta ku hayay. Waxaa debbaaldeg iyo damaashaad bilaabaya bulshada madawga ah ee reer Zimbaabwi, waxaadna dhamaadka muuqaalka ka muuqanaya caddaankii sanadaha badan dalka ku amartaaglalaynayay oo boorsooyinkooda ka xirxiranaya dalka, una guuraya Koonfur Afrika iyo Yurub.

SHEEKOOYIN

Gobanimo labo maaha

Talo Waayeel

DURUUF W.Q. Wiilo Daahir Xasan

BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD