Waxa uu ahaa maal-qabeen maalin maalmaha ka mid ah ayuu go’aansaday inuu wiilkiisa cashar u dhigo si uu u ogaado in maalka cayaar cayaar lagu keenin tusana in dad nolol faqri ah oo adag ku nool in ay jiraan,daafaha dunida.
Waxa uu geeyay baaddiyo qaraabadii u joogtay kana codsaday 3 bil in ay u haayaan wiilkaa markii muddadii dhammaatay ayuu ka soo kaxeeyay baaddiyo kaddibna warreysi ayuu ku bilaabay asagoo filanaya inuu wiilkiisa gaajada iyo faqriga soo bartay oo waxa uu yiri: Wiilkeygiyoow iiga warran nolosha miyiga wiilkii baa ku yiri: Aabbe waa caadi , odaygii oo raba wiilkiisa inuu faqriga uu soo arkay uga warramo ayuu ku celiyay haye ma aragtay farqiga labada nolol sida ay u kala wanaagsan yihiin, bal iiga sheekee wiilkii baa yiri haa waxaan soo ogaaday farqiga reer miyiga iyo reer magaalka u dhaxeeya uu aad u kala fog yahay.
Horta Aaboow anaga berkad yar baan ku dabaalanaa halka iyagu ay heystaan Wabi, anaga hilibka iyo cuntada Suuqa ka soo iibsanaa halka ay ayagu heystaan Beertii iyo xoolihii,
Anaga gurigeenna waardiye ayaa jooga albaab bir ahna waa ku xiran yahay cabsina waa ku hoyanaa , halka ay ayaga guryahooda albaab laheyn, dadkuna bannaanka seexdaan ayagoo welwel ka qabin in uu tuug u soo dhaco.
Anaga Tv, Tablets iyo Phone baan ku mashquulsanahay waqtiyadeena firaaqada balse ayaga waa shaah iyo sheeko wadaag qof walba wixii uu war haayo waa laga dhuraa,.
Anaga ilmaha waxaa loo diraa maalinkii iskuullo si ay wax u bartaan si ay mustaqbalka shaqaale u noqdaan balse ayaga ilmahooda maalinkii waxa loo diraa shaqooyin habeenkiina wax bay bartaan si ay mustaqbalka hantiilayaal u noqdaan.
Sidaa darteed mahadsanid Aabbe waxaan soo ogaaday in aan nahay dad ka aradan dhan walbo faqri u dheer yahay haddana is mooda in ay dadka ugu sareeyaan.
Odaygii afkii baa juuqda gabay waxa uuna go’aansaday inuu nolosha dheelitir u sameeyo waxa uuna u qalab qaatay tabcashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha markii uu isku duba ritay ayaa caafimaad buuxa ugu horreysay waxa uuna xaqiiqsaday inuu faqri ahaa, asaga iyo reerkiisana waxa ay galeen nolol farxad leh.