MARMAR-SIINYO Q. 8aad XUSEEN M. CABDULLE (WADAAD)

MARMAR-SIINYO Q. 8aad

Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)

huswadad@hotmail.com

huswadad@gmail.com

WIXII AAD FALATAA LA FISHA!

‟Xaaladda guud waa sida dabeysha, mar waa ay dabacdaa marna waa ay xoogeysataa, xaalku waa (Daalac naasil)” ayuu yiri Duq Rabbeeye, wuxuuna intaa sii raaciyay ‟Haddii aan xoojinno iskaashiga wax kastaa waa inoo suurta galayaan, maxaa yeelay mahmaah Soomaaliyeed baa tiraahda ‟Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan” ayuu Oday Rabbeeye warkiisa ku soo afjaray.

Markii ay howsha dadka u kala qeybiyeyeen, bay arkeen carruur badan oo isku duuban oo ay indhahooda ka muuqato cabsi iyo rajo isku jirta. Halkaa waxaa aad ka arkaysaa in cilimilada kala geddisan iyo midda degaankaba ay la haystaan. Ma ahan kuwa ka dhacsan, waxa hareerahooda ka socda iyo weliba waxa jira iyo dareenka waayeelkaba.

Barqadan, barxadda waxa ka sugan ilmo ka qayb ah waxa dhacaaya, waxa ayna la dareen yihiin waalidka iyo waayeelka. Goobta waxa joogo waa tala gooyayaal ka kooban waayeelka, itaalkii ama cududdii degaanka iyo ilmaha intii howlgeli kartay. Ilmaha iyaga oo kala roonroon ayay meel gaar ah si goobaabo ah u wada taagnaayeen, mugmugna waa fadhiisanaayeen, si ay iyaguna bal wax isaga dhahaan dedaallada iyo howsha socoto, si ay kaalintooda ugu yeeshaan.

Rahma yar, ayaa meel gees ah istaagtay, waxaa ayna ku dhawaaqday “Aynu is caawinno! Midnimadu waa hubkeenna, guushu waa xaggeenna, taladuna waa wax garadkeenna” Waxaa hadalkaa u riyaaqay dhammaan ilmihii kala rooroonaa ee goobta joogay, waxaana galay hammi iyo yiddidiilo ay uga qayb qaadan karaan howsha socoto, cod dheer oo wadajira oo aad mooddo in ay hore ugu soo heshiiyeen ayey hal mar ku yiraahdeen ‟GUUL GUUL GUUL, GUUL GUUL GUUL, GUUL GUUL GUUL”. Waxaa muuqatay in murtidu isu rogayso: (Kordadaad waa wada indho ama waa wada dareen).

Waxaa la bilaabay, in la sameeyo iskaashi wadajir ah oo loo dhan yahay, waxaa la samyeeyay xannibaadyo yar yar oo ka hortag ah, luuq walba iyo daraf walbaa oo laga soo geli karo, in la oodo oo la daarsho. Dadka da’da weyn, ayaa dadka yaryar u sheegaya sheekooyin ku saabsan musiibooyin iyo weerarro hore iyo sida ay isaga badbaadiyeen iyo iskuduubnidii ay uga soo gudbeen.

Waxaa la tilmaamay geesiyadii degaankan ee horseedka ka ahaa ka hortagga iyo badbaadinta dadka, duunyadooda iyo beerahooda ama degaankooda. Dadkaas waxaa ka mid ahaa ‟Dhiblaawe Waranle, Hiraabe Calasow, iyo Jaamac Wabax”. Sidoo kale dumarkii hormuudka ahaana, waxaa ka mid ahaa ‟Shuurey Muuse, Roobo Afrax iyo Shamis Wardheere” ayaa warbixintii lagu soo afxiray.

Oday Dhuxul oo odayada ka mid ahaa ayaa isna sii raaciyay: ‟Waarimaynee magac iyo sharaf aan ka tagno, dulmigana aan ka dhiidhinno, beeraha aan falanno, xoolaha aan dhaqanno, jillaabashada aan baranno,  iskuna tashanno oo waad ogtihiinoo waxa toog walba liibaano waa sida aan qabno (ISKUTASHTAA LIIBAANA).

La soco qaybaha xiga

Xuseen M. Cabdulle (Wadaad)

SHEEKOOYIN