MAR-MAR_SIINYO Q. 3aad
W/Q. XUSEEN M. CABDULLE (WADAAD)
Oday Rabeeye, kolkuu hareeraha si qumman u daymooday, cabaadka Ratiguna yeerayo ayuu si aruursan daymo ugu celiyay, muggaanse waa hubsayay waxa Ratigiisa ka cabaajihaayo in uu yahay Aar Libaax. Ratugu waa dabran yahay waana fadhaa Libaaxuna tunka ayuu ka saaran yahay luquntana waa ku dhegen yahay.
Oday Rabeeye, waa kaa u soo qumay xaggii la isku dhegenaa, kolkiii hore Libaaxa indhihiisu kuma soo jeedin xagga uu ka imaahayay, kol jaw ayaase dareen galay, Libaaxina qooraansaday xagga uu odaygu ka soo gaatamayay. Indhahaa qac la isku siiyay tabiin jaw ayuu cantuugadii ka daayay Ratigi. Muggaan waxa is qabtay Afar indhood oo is kuuraayo.
Alla cabsi waynaa Libaax indhaha qac kugu siiyay, adna aad qac ku siisay indhaha. Kolkaas ayaa la kala gartaa geesiga iska dhicihaayo iyo kan baqahaayo oo banta ka wareegayo.
Aarku, dib u gurasho intuu sameeyay ayuu lugaha dambe dhigtay meel qiyaastii 20 mitir u jirto halkii uu Ratiga ku haystay, wejigana u soo jeediyay Oday Rabeeye oo gacanta midig si qumman ugu sita Waran laba aflaa, wejigiisana aanay cabsiba ka muuqan. Odaygu waxa uu ku soo dhaqaaqay xaggii libaaxu joogay, afar tallaabo intuusan qaadin ayaa midigtiisa waxaa ka soo baxay Bidaaye Geeddi oo safar ka yimid, una sii jeedo buulo Mukur oo aan ka dheerayn rabta Reer Rabeeye degen yihiin.
Bidaaye Geeddi, waa cabbaysan yahay waranna gacantuu ku sitaa, Bilaawi afwayne ah waa u xiran yahay, kiish yar ow wax waloo jiscina ku sitana garabka ku wato ayaa indhjahiisa qabteen Odaygaan libaaxa ku sii indhacad.
Oday Rabeeye iyo Oday Caalwaayeba buulooyinkaan abaal mug leh ayaa looga haayaahe, Bidaaye Geeddi Dagaalka ayuu dhankiisa ka soo galay, Libaaxina kolkuu arkay laba nin oo aann cabsayn hareeraha uga soo socdaan ayuu baqo cagaha wax ka dayay. Waa tii soomaalidu dhihi jirtay: Nin wayn wadkiisa waa yaqaan.
Oday Caalwaaye, iasaga oo jidka ku soo jiro ayaad u qabtay in waxa dhacaayo hortiisa ka daawaayo, ayaa farriin qayla dhaan oo fiijo ku bilaabatay u soo diray Rabeeye iyo Bidaaye Geeddi, waxa uuna ku yiri: Dab shida Bahalku in uu soo noqdaa suurtowdo, waxa uu dhadhanshay Dhiige. Midda kalena Ratiga yaanu baqtiyine Bir la gaara oo gowraca, kolleey waa dhaawacan yahaye. Dhankaasuna dhan dheh iyo sheekadii Dhuxulay Godane.
Rabbeeye ayaa indhihiisa ku qabtay hogosha sii kordhaysa, waxaana wejigiisa ka muuqday walwal iyo welwel ku saabsan waxa ka dhici kara tuulada. Waxaa uu ogaa in aysan caadi ahayn xaaladda oo aan roobkani fududaan doonin.
Dawgii hore milaygii beeraha si fiican noogu bexeen, waxa eber beeraheenni ka dhigay Baalfallaar iyo Ayax doc kale nalooga soo diray.
Oday Rabeeyow, yaa idiin soo diray Ayaxana? Ayaan hoosta ka iri, ma usugaaba la daahay waxa uuna yiri: Adiguna yaad ahayd iyo xaggaad naga soo gashay?
Waxa aan iri, ha degdegin waad i ogaan doontaaye horta warka ii balballaari.
Kuye: Kuwii isku kaashtay aan la dagaalno Ayaxa ayaa iska soo buubshay oo xageenna u soo beegay.
Kuwaasi yeey ahaayeen ayaan si hoose u iri.
Haddana kuye: yaa yaa, adiga ma falantahay? Ma waadan la socon wararka hareeraheenna ka socdo.
Waxa aan iri: Maya ee adeerow, waa tii la yiri: Damiin Farwaawayn aa wax loogu dhigaahe ii sii jilci.
Kuye: Eebbow naga soo gaar.
Waxaan iri: Yaa laftaadu, ma waadan maqal in jumladaas la iskula boodo oo aan dib loo arag hebelkii halqabsiga ka dhigtay? Walba ka baddel oo dheh Ilaahaa joogo.
Kuye: Aniga, cabsidaas ma qabee, waxaan Rabbi ii qorina i heli maayaane, adiga ma waadan maqal in Bareekiyo yaryar oo Ayaxa lagu buufiyo biridhawayd la keenay? wixii reer koraadka ahaa beerahoodana looga soo shabiyay oo ununka nalaku keenay. Cirdaynti Ayaxana rabtaas lagu joojiyay.
Waxaan iri: Yaayaa, idinku miyaadan heshiiska wax ka ahayn?
Waxa uu yiri: Yaa saanya uga mid ahayd, baasadii ugu horraysayba ununkaa shubnay, uguma saami badnaynee.
Waxa aan iri: Xoow ahaay horta magacaad ugu waqlasheen?
Kuye: DAGI silic iyo saxariixtu xaggaaga ha ahaato, waxa uuna sii raaciyay erayo carabi ah, kuye: Xaraam calaynaa wa xalaal calaykum!
Waxa aan iri: Ma kasin falaadkaaga adeeroow ee dowga Ayaxa kii ka horreeyay xaalkiinnu suu ahaa?
Waxa uu yiri: Waa milaygii Bakaarahana la qotay, wixii Raarka saarnaana lala degay oo la yiri: Waa laydiin soo lacageyhaa oo xitaa aanan noogala tegin wax aan ilmaha u karsanno asbuuc kadib. Rabta uu ku dambeeyay badarkayniina waa la ogaa oo herti cad ayaa la qaloomaystay.
Minaad rabto aan sii tirsho waxa dibirro nagu dhacay lama koobi karo, kii ka horreeyayna waxay ahayd abaartii citinlaawe.
Mugga waan filaa in aad heshay waxaad iga jirihaysay, minaadan hal la soo diray ahayn. Waanse ku leeyahay waxaad rabto ahow.
Waxa aan iri: Haddana aan ku waydiiyee, sow tii la lahaa isbedelkii yimid waa lagu diirsaday oo duul barakaysanaa reerka u kacay?
Igaaryahow, shib iga dheh oo igala her warkaaga ah: Afkaaga fur aan ilkahaaga tirshee!
Shalay iyo maanta isuma kaaya dooriyaan, dayrtii shalay iyo tan maanta, minaad rabto in aad wax badan sii ogaatana gadaal dhugashada isbar.
La soco qaybaha xiga
W/Q. XUSEEN M. CABDULLE WADAAD