MAR-MAR-SIINYO   Q. 7aad XUSEEN M. CABDULLE (WADAAD)

MAR-MAR-SIINYO     Q.7aad

Waqooyi ilaa Koofur (Mowsim al hijra ilal junuub)

Waxaa cajiib noqotay in laga hayaamo waqooyi iyo dhankaa Buurta dheer. Hayaankuna u jihaysto dhinacii kolkii hore laga kacdoomi jiray.

Waxaa waqooyi ka dhamaaday wax kastaa oo kolkii hore dibadda looga keenay. Kolkii horeba ma ahayn wax loogu tala galay in ay weligood jiraan. Waa alaabooyin dhaldhalaal been ah oo waqti gaaban jirayay.

Maalinba maalinta xigta, wax ama shay muhiim ah ayaa la waayayay. Wax badan oo daruuri ahaa ayaa sii gabaabsi noqonayay maalinba ka maalin. Dulmi intii la fali karayna la fal.

Waxaa bilowday firxad qofqof iyo xaynxayn ah. Cid walbaa halka ay is tiraa waad gaari kartaa ayay afka saartay.

Suuqu, badeeco iyo beeso ma leh. Waa halkii laga lahaa: (Xeey ku nuugtaa, xaysa ka nuugtaa).

Degaanka Magrilaawe, waxaa soo gaarayay muddooyinkanba qaxooti berka kale u soo gadoomay. Degaanka Waa martigeliyay intii itaalkiis ah, weliba waxa ay u qaybiyeen buulooyinka kale oo ay xiriirka iyo isgarabsiga leeyihiin. Waa qaxooti aan qaxooti ahayn waa soo gurya noqosha la ga ma maarmaan noqotay.

Barxadda wayn ee Magrilaawe oo aan lahayn meel lugta la dhigo, dadkuna isugu jiraan Muhaajiriin iyo Ansaar ayaa waxaa hadlay Oday Caalwaaye, codkiisase kolkii si fiican loo maqli waayay ayaa igaar meel dhexe taagnaa fiijiyay oo yiri: (Waqooyi aad waxaa u wayn – Waayeel ku waaray walwalkiis), kaddibna oday Caalwaaye ayaa hadalkii qaatay oo yiri: Soo dhawaada, dhulkaan waa dhulkiinni, wa ana qaadaa, naga badan yahay. Waxaa tihiin dadkiisi oo dib u soo gurya noqday. Waxa uu sii raaciyay haddii shalay xaalku ahaa Magaalow, maanta waa Baadiyow iyo asal ku noqosho. (Dib baa loo noqonayaa). Waa dib u noqosho aan rajciyad ahayn.

Waxaa la dhihi jiray: (Lama huraan waa cows jiilaal), carabtuna malaha waxa ay dhihi jirtay: (Kullu shay yarjic ilaa aslihi). Halkii la ga askunmay waa tan… Dhulkii awoowayaal waa kan…Halka Maandeeqda runtaa joogto waa halkan. Kii diidaya ha diido, halka loo soo dhamaanayo waa rabtan.

Waan hubaa in wax badan idinku adkaan doonaan, balse waa la ga ma maarmaan in aad u dulqaadataan muddooyinka hore, waxa aad u timideen waa eeddayaal, adeero, ayayaal, abootayaal iyo abkowyo, walaalo wada jira oo garab idiin ahna waad hesheen. Waxaa la yiraa: (Walaalo isjecel wedku ma karo).

Oday Rabbeeye, ayaa isna daba dhigay: Waxaad u timideen nolol iyo dhaqan guun ah oo run ah, waxa aad ka timideen kii beenbeenta iyo dhallanteedka ahaa. Halkan waxa yaal naftaada, kartidaada, dadkaaga iyo xoolahaaga ku tasho oo aamin.

Oday Kaxandho iyo la taliyihiisana, maba dhugan in ay tanoo kale dhici karto. Waxa ay kalsooni buuxda siiyeen qalinshubatatii la maalanaysay Maandeeq. Waxa aynanba dhugan xikmaddii ahayd (Lo’ay nimaan kuu shubayn yow ku ceel gayn).

La soco qaybta xigta

Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)

huswadad@hotmail.com

huswadad@gmail.com

SHEEKOOYIN