MAR-MAR-SIINYO Q.5aad
huswadad@hotmail.com
huswadad@gmail.com
Inkasta oo dedaal baaxad leh iyo isku duubni bulsho la muujiyay, haddana wax kastaahi uma badbaadin sidii loogu talagalay.
Kolkii Roobku qayoostay, waaguna baryay ayaa dib la isugu soo baxay, si loo qiimeeyo waxyeellada dhacday iyo inta ay la eg tahay.
Waxaa la is tusay in la caynto, ayna mudan tahay in Rabbi loo mahadnoqo.
Waxaa goobta laga soo jeediyay, in ay jiraan dad aad ugu xandho iyo xoolo beelay wixii dhacay, kuwaasina ay mudan yihiin in aan u gargaarno oo aan xoolo iyo xandho isugu darno.
Oday, odayada ka mid ah ayaa hadalkii ku daray: Warkaasi waa biyo kama dhibcaan, waana hee tan ay soomaalidu tiraa: Gacan jabtay tolkeedey dhextaal.
Waxaa goobtii oo aan loo kala kicin ka bilawday yabooh, marba kor u sii kacayay illaa mooradii reerihii cayroobay ay ka xoolo bataan moorooyinkii kale. Waxaasaa gobannimaa.
Wixii dhacay maaha wax joogsaday am dhaawac dhacay oo laga bogsaday waa dhib aan dhammaan, cirkuna uma muuqdo mid saa ku hakaday, cadawyadii kalena waa noo miciyalisahaayaan ee yaan la is dhigan ayuu yiri oday waayeel ah oo meel gees ah fadhiyay.
Mid kale oo gar guduudan oo ag fadhaa yiri: warkaagu waxa uu i xasuusiyay: Qaylo yeertay qalab kama tunmadii uu hore u lahaa Ina Tubo AHU e. Hadda warkaagu waa yaan qalabka la dhigan ee dareen iyo col ha loo joogo.
Duq Rabbeeye iyo Oday Caalwaaye waxay fadhayeen dhexda waxgalka tuulada, iyagoo odayaashu isku dayayeen inay dadka kala hagaan. Waxaa jiray isku duubni iyo kala dambeyn ka dhex muuqata tuulada, balse welwel iyo cabsi ayaa weli ku jirey qalbiyadooda. Waxa ay arkeen ayaan u muuqan wax fudud.
Rabbeeye ayaa hadlay, codkiisuna wuxuu noqday mid adag, isaga oo leh:
— “Waa inaanu wadajirnaa, kuwa kalena waa in ay ogolaadaan in aynu iskaashanno, haddaanu iskaashan midba maalintiisa ayay biyuhu halkiisa ugu soo galaayaan. Khataraha muuqdaa ma yara, waa wadar khatarood oo kala socdo, mugmugna noo mjidoobayo si ay noo halakeeyaan, laakiin awoodda wadajirka ayaa ka xoog badan.” Waana tan soomaalidu tiraa: Rag tashaday cir waa toli karaa – taako labadeede.
Oday Caalwaaye oo dhoolla cadeynaya ayaa ku daray:
— “Haddii aan midnimo yeelanno, wax kasta waa suuragal. Cadawyada iyo roobka waxaynu u qaadan karnaa sidii imtixaan iyo cashar.” Waana ka gudbaynaa e guntiga ha la wada dhuujiyo, yaanan dabacsanaan iyo kala furnaan nagala dhex helin.
Carruurtii oo ku hareeraysnaa guriga duq Caalwaaye agtiisa ayaa iswaydiinaya, waxa ay tahay in ay sameeyaan. Rubuca oo ahayd midda ugu yar ilmaha, haddana aad u firfircoon, ayaa cod dheer ku tiri:
— “Walaalayaal, haddii aynu is caawinno, waxaan ka adkaan karnaa wax walba!” Aan ku dedaalno iskaashi, isagaa guusha inoo horseedaya.
Macsaro Rooble ayaa carruurta u sheegtay in ay yihiin mustaqbalka tuulada, waxayna ku dhiirigelisay inay iskaashadaan mar walba, si aysan cadawga iyo dhibaatada uga baqanin oo ay noqdaan kuwa iskaashi ku wajaha cadawgooda.
Cabsidii weerarradii cadawga dadeed, dugaageed iyo kii roobaadba, waxa ay tuulada iyo kuwa ku hareeraysanba u bilaabeen una noqdeen kuwo u horseeda kalgacal, iskaashi iyo wadajir.
La soco Q.xigta
Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)