MAR-MAR-SIINYO Q. 4aad
W/Q. Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)
Waxaa kulan ku kulmay waxgaradki buulada, markaan kulanka kama maqna bilcaamihi garashada iyo suugaanta ku caanka ahaa. Xaalka ayaa u ekaa cid wal oo wax lagu tuhmaayo yaanay maqnaan.
Oday Caalwaaye, ayaa faataxada kaddib qaatay warka, waxa uuna ku bilaabay:
Waqti badan ma haysanno aan warka ku sii ruugruugno, waa in aan diyaar garownaa ayuu ka bilaabay nuxurka iyo biya degga warkiisa, isaga oo muujiyay in ay waajib tahay in laga hortago waxa soo socda.
Oday Rabeeye, ayaa isna muujiyay dareen cabsi leh, haddana ma rabin in cabsi lagu shaabadeeyo, balse waxa uu muujiyay in xaaladdu tahay mid culus oo u baahan feejignaan dheeraad ah iyo iskaashi.
Macsaro Rooble ayaa gurigeeda ku soo laabatay, iyadoo carruurta oo dhan u sheegtay inay guriga ku nastaan, balse indhuhu waxay marwalba ka leexanayeen derbiga albaabka, iyada oo ka baqaysa waxa mugdiga ka qarinayo.
Carruurta, inkasta ay ilmo ahaayeen, haddana waxa ay aad u danaynayeen in ay wax ka ogaadaan ama ka fahmaan waxa dhici doona. Inkasta oo ay mulqo kala roonroon ahaayeen, haddana cabsi ayaa saaqday qalbiyadooda, laakiin waxa jiray rajo yar oo aan muuqan oo iyaga si gaar ah ugu ifaysay, mar marna waxa ay qaarkood lahaayeen maad aragtaan waxan waayeelku ka muujinayaan cabsida iyo welwelka.
Kulankii Buulada, waxaa lagu afar-afaraystay in aan loo kala harin meelna looga soo wadajeesto musiibadan ku soo wajahan oo loo wada arkay in ay tahay mid aan cidna u raxman doonin. Kulanka towfiiq ayaa lagu soo afmeeray.
Howsha iyo sida loo wajahayo waxa loo soo saaray koox ay garwadeen ka yihiin Caalwaaye iyo Rabeeye.
Rabbeeye iyo Caalwaaye, iyagoo wada fadhiya, ayaa isku raacay in musiibadan soo socotaa tahay mid ay ka hortagi karaan, haddii ay iska kaashadaan, laakiin waxa ay u baahdeen taageero iyo aqoon ka baxsan tii hore ee taqliidiga(hiddaha) ahayd. Waxa ay is tuseen in ay rabto aragti, farsamo iyo xeel cusub oo lala yimaad.
Waxaa bilaabmay qorshe ay ku diyaar garoobaan, iyadoo la isku dayayo in la mideeyo dadka tuulada iyo meelo ku dhow. Waxa la qorsheeyey in la xakameeyo meelaha ugu nugul ee roobka iyo fatahu saamayn karo.
Markii habeenku sii madoobaaday, roobkii iyo mugdigiiba is keeneen, dadku waxay ahaayeen kuwo isku dubbaridan, iyagoo wada dareemaya halis, balse sidoo kale wada shaqeynaya, meel kastaa oo in daadku qaado ama dardaro u nuglaydna la sii daardaarshay.
La soco Q.xigta
W/Q. Xuseen M. Cabdulle (Wadaad)