Maanso, Suugaan iyo Sheeko| W.Q. Ina Cubtan

Maanso, Suugaan iyo Sheeko
Laashin Xuseen Kaddare, Buuni Giorgio Banti Buuni Cali J. Axmad & Dr. Xuseen Wadaad
Saddaxda nolosha aadaha quud u ah waa maanso, suugaan iyo sheeko. Tan tan dambe ayaa ugu fidsan, tan hore ayaana ugu falkinfilsan, halka tan dhexe tahay iidaanka guud ee labadaa dhexroorrka u ah.
Buuni Cali Jimcaale Axmad, oo xeeldheere sheeko iyo suugaan ah, ayaa ku celceliya aragtida ah: “Sheeko sheegiddu wax badan ayey la wadaagtaa qaran dhisidda” halka Dr. Xuseen M. Cabdulle ‘Wadaad’ isna na barayo, ahmiyaddeydda sheekayntu, in aysan garaad-dhihid keliya ahayn ee ay tahay, had walba ifinta jahada loo socdo.
Buuni Cali wuxuu kaloo na leeyahay: “Bulsho aan sheeko lahayn ma dhisnaa karto, sida qaran aan sheekaysan aqoonna uusan u dhaqmi karo.”
Horta Soomaalidu hadda ma sheekaysataa? Ma loo kala aheekeyaa? Ka doorrane, horta ma is-aftaqaan, inta aan la gaarin, in ay isku aragti noqoto?
Ogow, saddaxda sare, ee maanso, suugaan iyo sheeko, waxaa lagu gudbiyaa af, oo aysan la’aantiis jiri karin.
Marka aad u dhabbagasho buugga sheekoxariirada Soomaalida si gaar ah iyo tan dunida si guud ugu soo kordhiyey qaab curis cusub, sida uu qoray Dr. Maxmad Daahir Afrax, buuggaa oo uu dhigay buuni Cali Jimcaale, laguna magacaabo Gaso, Ganuun iyo Gasiin, waxaad ka baranaysaa muhimadda afku u(ku) leeyahay sheekada iyo suugaanta, maadaama uu labadaa buuggu qotaminayo.
Adigu af ma taqaan? Afkee taqaan? Kaad taqaan ma aqriskaa mise afka hadalka? Horta labadooda maxaa u dhexeeya? Afkaasi waa qolama? Inta aad wax ugu gudbido ma yihiin intii lahayd ama taqaannay? Af aan af lahayn af ma ahan afna ma gudbin karo!
Sida duurxulka badan, sida uu u kala rogayo maxaa tiri, xaa tiri, Banaadiriga iyo sida uu kuugu soo wareejinayo dunida uu afafkeeda yaqaan Buuni Cali, ayaa mar kale marag ka ah, sida suugaanta iyo sheekadu magan ama marti u(gu) yihiin afka. Sheeko weer bay rabtaa, weertuna eray bay rabtaa, erayguna shibbane iyo shaqal ayuu rabaa.
Halkan u gal marka maansada, oo aan ku sheegnay, filsanka curiska dhisa ama quudiya maanka aadanaha. Waa erayo soohan, oo sida timaha loo ticday ama xarigga kale loo guntimeeyey, si urursanaan ka sokow, bilic iyo loogu yeelo habsan kan hore, halka kan dambe xoog iyo xirnaan looga golleeyahay.
Sidaa oo kale, ayaa maansadana erayadeeda la isugu dhuujiyaa qaab (u) gaar ah, oo ka duwan hababka kale, ee afka loo adeegsado, sida sheekada iyo suugaanta aan soo tusaaleynnay.
Soohaas erayo ee maansadu u baahan tahay, oo mugga iyo mucda u yeelaya, waxaa loo aqoonsaday erayga ka sokow, alan. Tireyntiisa ayaa miisaan u yeela hadalka, oo maanso ka dhiga, iyada oo xarafraaca iyo qaafiyadda la tixgelinayo.
Halkan waxaa ka sii baxaya murti. Buuni laashin Xuseen Kaddare, farcuriyihii weynaa, sheekoqore iyo af iyo dhaqan yaqaankana ahaa, wuxuu qabay, in erayga murti ay waxaa oo dhan soo wada galayaan.
Beri dheweyd, ayaa buuni kale, oo afkeenna iyo badi afafka bariga Afrika darsay, Giorgio Banti, wuxuu weydiiyey: “SOONQAADSAN, Afhaysi Suubban, Soon Aqbalan, Ajar Badan lyo Afur Macaan.” Erayadu marka ay sidan isu raacraacaan, maxaa afka lagu yiraa? Sidii aan u baarayey, warcelintaa Laashin Kaddare, oo ayna si fiican isu yaqaanneen ayaan ku gunaanaday.
Dhan kale baa jirta oo xusiddeeda mudan, oo saddaxda sare marka maansada laga reebo, haddii aan qoraal la joogin aan af looga maarmin, waana codkarnimada iyo aftahannimada, oo tan dambe isla afkii laga soo qaatay, halka kan horana codkii laga keenay, oo ah dhawaqii afka ka soo bxayey.
Dhibka magaalo, dayaca dibadjoognimo iyo galbeed yuurarku waxay dhaleen, in ay meesha ka bexeen badi afartan aan soo faallaynnay, oo afku u yahay nudda iskuxirta iyo nuxurka la gudbiyo mar walba.
Macallinkeen Allow kaal.

SHEEKOOYIN