Lama Filaan
Maama Baluusha hadda waa 55 jir, magaceedii hore waxa uu ahaa Binti Baluusha dhallinyaranimadeedii waxa ay ku soo qaadatay, in la kala garan waayo kii qabi jiray, kan qabo iyo kan guursan doono waxa ay xoogga saari jirtay in aysan uur qaadin.
42 jirkeedii ayey ku baraarugtay in waqtigu hayo haddii shelay ayada la eryan jiray maanta aan garoorkaaga meeqo waaye la dhihin , xataa kuwii hore mid ay jafjafato waa ka quusatay.
Maalin ba maalinta ka danbeysa murugo iyo meehanow ayaa ku sii kordha ugu danbeyn ilaa ay ka quusato in ay hesho mid uun guur hadalkii ku soo qaada, weli qaar baa albaabkeeda soo garaaca balse markii ay ka waayaan maalin ku mood caay bay ku sii sagootiyaan.
Maama Baluusha waxa ay go’aansatay in ay dhibta heysato ay isku koobin, rag iyo dumar ba beerta wada geliso.
Gurigeeda ayey ka dhigtay barta kulanka macaasida kaddibna waa u hirgashay magaca Maama Baluusha ayadaa isku cimaamadday hadda ayada garoonka waa ka fadhidaa oo waxa ay ka tahay maamule (Buute Fori) na wa ay sameysatay gabdhaha u ilaaliya iyo gabdho kuwa kale u soo xera geliya.
Abuu Shaarib qorraxda markii ay dhacdo meel ay jiraan ba waa soo xaadiraan waa tii la yiri belaayo isma balansato mana is weydo, Maama Baluusha waxeeda ay tartiib u aruursataa waa tan dabaqyo ka dhisatay.
Gabdhaha meesha ugu xareysan waxaa ka mid ah gabar la yiraahdo Jamiilo oo aad u qurux badan gabadhaas kuma jirto kuwa ay beeciso haddana la sheekeysigeeda in ay nin u ogolaato waxa ay ku qaaadataa saacaddiiba $100 rag badan ayaa ku hanti beelay kana lib gaari waayay in ay ka dhex baxaan.
Jamiilo hadda waa 20 jir Bigro ah kuna nool guri hablaha lagu iibiyo, oo ay qeyb ka tahay noloshaas, sababta na waa laba arrimood mar Maamada ay qaraabo yihiin marna waaba qofka ugu badan ee qarashka badan ay ka hesho.
Jamiilo ma mooga meesha ay joogto iyo magac xumada, balse waxa ay ku dhaqmaysaa, waxaad doonayso haddaad weydo, waxaad ka fursan weydaa la yeelaa ama dantaada maqaar eey baa loogu seexdaan.
Noloshu marbey ku geynaysaa meel àadan u qalmin, wàanna lama huraan in àad garowsato una dhabar adeygto, hadda Jamiilo maaha Gabar jirkeeda ka ganacsata, balse qof walba oo arkaa Marka ay gelayao guriga Maama Baluusha waxa uu qabaa fekerka ah Jamiilo in aysan wanaagsanayn.
Dumarka xaafadda ayaa xanta quruxdaada ku qad bal eeg joogeeda iyo jamaalkeeda markaasay jidhkeeda iibinaysa, Jamiilo waxba uma aragto, waayo waxaa haysta duruuftii maama Baluusha u keentey.
Jamiilo waxa u caado ah in ay casirkii gasho is qurxin subaxdiina soo dukaameysato, mar walba waxaa raaca nin gaariga u wada iyo mid kale oo gadaasheeda socda, labadaba ayadeey gaar ka yihiin kama haraan haddeyba albaabka ka baxdo, waa laba nin oo murqaaniyaal ah.
Maalin maalmaha ka mid ah Jamiilo iyo la socdayaalkeedii ayaa soo galay Dukaan Cusub oo qalabka is qurxinta Dumarka lagu iibiyo, dukaanka waxa jooga nin dhallinyaro oo aad u dabeecad wanaagsan waana nin jir ahaan dhisan qofkii soo galaa inuu wax iibsado waaba ku gowracan yahay.
Jamiilo aragtidii horaba qalbigaa loo dhaafay , balse waa ku dhici weyday in ay la hadasho deedna maalinkaa wixii ka danbeeyay waxa ay si joogtaa u imaan jirtay dukaanka, ilaa ay macaamiisha lagu xusaabtami sadna loo qaddariyo ka mid noqotay.
Wiilkaan dhallinyarada oo lagu magacaabo Muscab Iidle asaga laftiisa waa ka helay qofkaan laakiin mixnadaan la socoto ayuu kaga cabsaday inuu haasaawiyo, gaadgaadka waa labada dhinac markaan laakiin yaa furaayo qadka wada hadalka, waa su’aal mug iyo miisaan leh, taa waxaa kaga daran Jamiilo iyo Muscab ohaal iskuna seegana.
Maalin maalmaha ka mid ah ayey Jamiilo si dhexgelis u tiri: Muscaboow adduunka waxaa ugu daran qof aad sugeyso oo aan soo socon iyo qof aad soortoon kaa socon adeegii dhammeystaye nabad galyo waa inoo mar kake iyo markii aad wax cusub keento.
Muscab oo dhagaha taagmeen jeclaan lahaase inuu ka hal-Celiyo ayey ka libdhatay.
Muscab waxa uu u qaaday jaceyl ba’an aan noociisa horay loo arag, maalinkii ay dukaanka soo booqan weydo dhulkaa ku soo yaraadaa, cirkaa ku soo dhawaada, dabeecadda ayaa ka halowda, halka ay jamiilana ay ka lug gaabsatay oo mararka qaar todobaadkiiba mar timaado Dukaanka.
Muscab hadduu shelay u arkayay Jamiilo qof caadi ah maanta waa adduunkiisii sida Diinka ayuu jaceylkiisa indhaha ku korshaa.
Xaal waxa uu sidaa ahaadaba Muscab waxa uu go’aansaday maaddaama Jamiilo ay u sheegtay xaafadda ay defan tahay in uu ugu tego arrinkiisana u sheegto.
Goor ay tahay Casir liiqii maalin jimcaad, ayuu is diyaarin galay, haddiyado si gar ah uu ugu xulay iyo ubax ayuu horay ugu sii qaaday.
Muscab balan lama laha, asaga ayaa is tusiyay inta uurka buki lahaa Cagta inuu maalo, yeelkeede halkii ay gurigeeda ugu tilmaantay ayuu soo hor istaagay waxa uu wataa gaari RANGE ROVER ah oo noocee u danbeeyay ishaa lala wada raacayaa asaga waxaa u sawiran dadkaan in ay gaariga ku mashquulsan yihiin taa caksigeeda dadka waxa ay la yaaban yihiin nin dhallinyaro ah oo sida ka muuqato ka mid ah dadka si fiican u qadeeyo sidee ayey ku dhici kartaa in meel hoogtaan uu ku soo hirto, mid yaqaan baa arkay salaan ka dib waxa uu ku yiri Muscaboow magacaa ba; war meesha yaan laguugu sawirin haddii damac kaa haayo walbo mugdiga isku soo aaddi oo u soo orax dhacso.
Muscab ma fahmin balse waa loo faahfaahiyay guriga uu doonayo inuu galo inuu yahay guri ay ku nool yihiin Haweenka jirkooda ka ganacsada, Muscab waaga ayaa ku baryay marna ma fileyn waxa ay ku noqotay LAMA FILAAN in Jamiiloay qoonkaa dhaqn bi`iskaa ay ka mid tahay.
Muscab waxa uu go`aansaday ……..
La soco qeybaha xiga.
Abka Xaaji Qalinweyne