Lama Filaan Q/8aad
Oday Maallin Barqadle waagaa ku baryay waxa uu ogaaday in sirtiisii ay bannaanka taal oo aan waxba u qarsooneyn, waa mar oo Minyarada wax badan buu qarinayay oo hadda saddex Carruur ah ayey u heysaa, welbana hadda uur ayey u leedahay.
Maallin waxa uu is weyddiiay sirtii Dhowr sanno aad xakameysay meesha ay ka liigtay, waa halkee, hal qof ayaa ogaa waana ninka ay shirko yihiin marna ay nafta u dhaxeyso wax uu talo gedgeddiyo meel laga suul daarayna garanwaa.
Tan gabartiisa Culeys kuma heyn oo dalliilo cad cad uu u heystaa balse maamada oo dhalmo goys ah da’na joogto jawaabtii uu ku qanci lahaa reerka ugu sii dhisnaan lahaa ayuu falankeed galay waqti ma jiro oo asagaa laga af dhowrayaa inuu jawaab cad ka bixjyo saa waxa uu yiri: Soo dhawaada horta maanta loo kala bixi maayo oo labada arrimood aad ka dhawaajiseen jawaabtooda mid baa iga diyaar ah ee labadiina inta gooni u baxdaan soo faqa oo qofkaan u jawaabi lahaa iska soo saara, midna laabta ku haaya qofkii ka tanaasulo jawaabta uu iga sugayo dib danbe iiguma soo hadal qaadi haro.
Maamada iyo Bilan lama filaan bay ku noqotay iyo af kala qaad inuu qirsan yahay Oday Maallin mixnase waxa ay ka joogtaa Bilan hooyadeed ma u deyn doontaa, ileen iyana waa qof la qiyaamay, Hooyadise Gabarteeda ma uga tanaasuli doontaa.
Ugu danbeyn waa lagu heshiiyay in Oday Maallin laga shiro halka su’aal uu ka jawaabi doono.
Waxaa hadalkii qaadatay Maamo Xaadsan oo tiri: Gabarteey waa u jeeddaa wax walba sida dhalada ay u cad yihiin Aabbahaa inuu ninka iibsaday kaas lacagta kaa doortayna awal ayuu lug kaa jabtay kuu kabeyn waxa aan kaa codsanaa in aan wax tagay eryan ee waxa na horyaal aan wax ka ogaano waayo waa aragnaa in ay minyaro jirto weliba carruur wadata , carruurtaas faa’iido iyo Khasaaro way kugu yeelan doonaan waa mar oo haddii uu Aabbahaa dhallay waxa ay noqon doonaan walaalahaa halkaas faa’iido kaaga soo hoyatay waa mar labaad oo dhaxalka ay kula yeelan doonaan taasoo aan marna na anfaceyn waxaan ku soo tiir iyo tacab beelnay in sahalkaas lagu qaato.
Maamada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri: Waxa ay ila tahay maaddaama aan aniga iyo adigaba ognahay in reerka kale jiro su aal laguu dhaxal habaabin maanta aan ka saxiixno inuu hantida oo dhan magacaaga ku qoro reerkiisa cusub na Allaha u barakeeyo,
Odaygu ma oga halka loogu tashanayo, balse waa ogyahay in loo heshiin doono inuu is badbaadiyo oo xaaskiisa aysan isku dhicin, gabadhiisuna aysan la coloobina waa rabaa.
Bilan oo dhag raaricineysay inta Hooyadeed hadleysay Baa tiri: Hooyo Macaan waa sax waana talo suuban laakiin mid ayaad ilowday oo ah waxa suuqa iigu jiro jugtii uu ninka ii geystay tan Aabbe ayaa iiga daran jawaabtiisana waxa ay muhiim u tahay mustaqbalkeyga mustaqbalka ubadka aan dhalli doono hooyo macaan ma gabarnimo iyo gablan baan ku dhintaa? Yaa adduunka igu wehlin doono?
Jamiilo oo goorahaanba u dheg raaricineysay Muscab dhammaadka sheekadana sugi ayaa la dhakafaartay in ay jiraan dunida waalid iyo Carruurtiisa oo garnaqsanaya waxaa u sawirmay ayadoo halka Bilan joogto oo Hooyadeed iyo Aaabbaheed waqti macaan la qaadaneyso kolkaas bay iyada oo is ogeyn ilmeysay.
Muscab ayaa sheekadii hakiyay oo ku yiri: Abaayo iga raali noqo qasadkeygu ma aheyn in xasuus daran ku geliyo waa dereemi karaa qof Hooyo iyo Aabbe la’aan ku soo koray oo anba kula mid baan ahay oo Hooyadeey iyo Aabbaheey weligey ma arkin.
Jamiilo oo markaa fiq fiqleyneysa baa tiri: Maya Taada ha ii danbeysee bal ii wad sheekada ka dib maxaa dhacay ay ku heshiiyeen.
La soco qeybaha xiga