LAMA FILAAN Q-7aad W/Q: ABDULLE ABDI KARIM (ABKA XAAJI)

Lama Filaan Q/7aad
Bilan waxaa u cuntami waayay in arooskeedii ay muddo badan qabanqaabineysay in Aabbaheed u banbaxay.Talo ayaa ku caddaatay, ma taqaan si ay Aabbaheed u weyddiiso wixii dhacay in uu ku lug lahaa iyo in kale.
Dhanka kale Bilan rajo kama laheyn in ay Xaange wax danbe dhex maraan balse ujeedkeeda waxa uu ahaa in ay ogaato wixii ku qaaday in uu sidaa oo dhan waji gabax ugu rido ehel iyo xigaalana ku ceebeeyo.
Hadda  oggaatey  Xaange inuu badqabo balse beenta uu isku difaacay waxaa uga darneyd inuu lacag ka doortay.
Arrinta buuqa maskaxdeeda ku furtay baa ah, haddii Aabbaha diiday Xaange sabab uu u diiday baa jirta ee sababta Xaange lacagta kaaga doortey maxay tahay?
Xaange calaacalkii iyo dhaarti iyo is bihinbihintii uu habeen iyo maalin ii sheegayay ma 120 kun ayaa beddeshay, waxa ay isku qancisay “ Dad iyo duurba wax walba ka filo’ maxaa dumarka loo eedaa markay nin xoola haysta mid Sabool ah ka doorbidaan ileyn raggii ayaaba jacaylkooda iibsanaya oo gabadh aan wax adduun ah ku xidhan balanta uga baxaya oo lacag ku beddelanaya.
Bilan waxa ay go’aansatay in ay ogaato sababta Aabbaheed ku diiday guurka Xaange lacagta u siiyey?
Si kastaba arrinku ha ahaadee Bilan waxa ay arrinka la wadaagtay oo u sheegtay Hooyadeed Xaadsan si ay uga kaaliso ogaanshaha xaajadaan miliqsan iyo wixii ku kalifay  Aabbaheed inuu asagu noqdo burburiyhii rajada reerkii la unkaayay.
Wax ay arrin isla rogrogaan waxa isla go’aansadeen war la uunba uunbeeyo weykac aa ka roon in si toos ah loo weyddiiyo weliba dalxiis oo loo baxo laguna kediyo weydiinta arrinka isaga oo aan filanaynin.
Maalmihii Fasaxa Bilan Aabbaheed markii la gaaray ayey u banbaxeen dhankaa iyo Baaddiyaha Safarka ujeedkiisa waa ka gungaarista dhabta.
Markii gaarigii dhaqaaqey ayay hooyadii furtay hadalkii oo tiri” Bilaneey hooyo rag waa wax walbaale, waxa aad arkaysaa mid Saddex xaas qaba oo ay darxumo u liitaan oo mid Afraad raadinaya, mid hal xaas qaba sida Aabbahaa oo aan gurigiisa toos ugu hoyan ee meelaha ku dibada oo ku soo dhaxa, mid Laba xaas qaba sida Abtigaa oo habeen iyo maalin silic iyo saxariir ku nool.
Bilan baa tiri, Hooyo aniga lama yaabine in nin dhagro been u sheego gabadh uu la sheekaysto ama qabo dhib iyo dheefna waa uga iman karaan, balse Aabbe gabadhiisa qalbigeeda dhaawacaya oo dhagraya weligay iguma soo dhicin.
Bilan Aabbaheed, Laba farriimood oo degdeg ah baa gaadhay mid ah in xaaskiisu ogtahay inuu inan yar qudba siro ku qabo iyo in gabadhiisu oggaatay in uu guurka baajiyey waxaanna laga rabaa inuu is difaaco.
La soco qeybaha xiga.

SHEEKOOYIN