Lama Filaan Q/6aad
W/ Q Abdulle Abdi Karim (Abka Xaaji)
Bilan yaab iyo amakaag bay ku noqotay waxa uu Xaange ka hadlayo, waxa ay rumeysan la’dahay inuu lug gooyo aan laga soo waaqsan ku dhigay oo habeenkii arooskeeda uu hawada ka baxay haddana ku andacoonayo maslaxad guud baan u arkay.
Bilan waa ogeyd in Xaange aysan reerkooda la rabin gaar ahaan Aabbaheed uu necbaa laakiin bilan waa gabarta kaliya ay dhalleen in ay si cad ugu diidaan waa ku dhiiran waayeen saas ayeyna ku aqbaleen.
Balse ninkii sidaa ahaa baa ka dhuuntay aroosaddii maalinkii meherka loo madlanaa.
Jamiilo oo iyana dheygag ka qaadday waxa uu Muscab ka sheekeynaayo oo hoos kale ileen geed walba in gubtaa hoos taal, haddana is leh isku ek baa la isku ag furi jiree muxuu ka damacsan yahay inuu kula wadaago nolol aadanba weligaa ku riyoon, waayo Jamiilo koolkoolin waalid joogto ah, ma helin weligeed.
Muscab oo sheekadii Bilan sii wada ayaa yiri: Xaange waxa uu dhowr mar ku celceliyay waan kuu sheegayaa ee balan iga qaad ,Bilan oo sugi la’ sababta ayaa tiri: waa balan ee ii dildilaaci warka ayadoo ka maageysa in ay dhaarato.
Xaamge waa qof jaceyl dubtay haddana door biday inuu jaceylkiisii isgoys gawaari badan marayaan uga dhaqaaqay ayaa yiri: Bilaneey kun iyo koow jeer iga raali ahoow waxa aan kuu soo wado kuuma cuntami doonaan oo aniguba dib bay igala qaraaraatay yeelkeede dabin Aabbahaa dhigay baan ku dhacay kaasoo aan ku muteystay in aan ku waayo.
Bilan baa tiri Ma Aabbaheeygii ku caawin jiray, oo adiga oo Xeyr-Xubeyraa aqbalay in aan ku guursado war bal ka fiirso.
Xaange oo hawo weyn qaadanayo baa yiri Waa dhab biyo kama dhibcaan ah in aan ka baxsado maalinkii loo fadhiyay guurkeygii iyo guri dhiskeygii gacal iyo xigaal iyo xidid wixii aan goob iskugu keenay oo weliba ay danahoodii soo dayaceen Aabbahaa ayaa ka danbeeyay in la i waayo oo aan gadaal soo fiiri waayo, sababtana wax kale ma aha ee waa Aabbahaa oo gacanta iga saaray lacag aan weligey xitaa aan riyo ku arkin, waxa uuna iiga baddashay in arooska uu dhicin.
Bilan waa qaracantay waxa at ku catowday waa beentaa Aabbahey ha masabidan , Xaange ayaa ku yiri: Ama rumeyso ama ha rumeysan jaceylkeenii Aabbahaa ayaa malgay, ana waa duqomoobay oo waa la i iibsaday, haddaanse shalaay joogaa
Bilan ayaa weyddiisay waa imisa lacagta ? Markaasuu yidhi waa $120, 000. Bilan waaba suuxi gaartay wax ay ka filaneysay ma aheyn inuu lacag ku doorsaday, haddase waa u caddaatay jawaabtii harsiga iyo hoyaadka u diiday waa heshay hase ahaatee calaamad su’aal baa hor taagan taasoo aheyd sababta Aabbaheed uu u hor istaagay guurkeeda
La soco qeybaha xiga