Lama Filaan Q/4aad W/Q Abdulle Abdi Karim( Abka Xaaji)

Waxa at tiri:Jamiilo on hadalkeeda Sii wadato

Agteeda ayaan ku 15 jisaday daruufta iyo darxumada an la noolahay markaan arko iyo quruxda iyo heybadda asaageey ka muuqato iyo sida waalidkood u koolkookinaayo keligeey baan iska ooyaa cid iiga miciintase ma helo.

Maalin anigoo adeeg la ii soo diray baa si kedis ah maana Bintoow (Maama Baluusha) arkay waa isku duubay oo kor ooyay si ay iskaga key fujiso ayey i weyday waa ay yaaban tahay cunugtaan kugu dhagan maxey aheyd bay is leedahay waaba i ilowday.

Markii aan isku sheegay waa ay ila ooyday  hoogi iyo halaagii baan uga sheekeeyay bal ka warran aadane inuu wax kale yahay dukaankii ay biilka noo dhigi jirtay sidii bay u dhigeysay markii ay ka warreysatana waxa uu dhihi jiray ninka dukaanka lahaa nabaddooda ayaaa u jaran.

Maama bintoow waa qaracantay 5 sanno oo dhallatay dhammaatay baa lacag laga qaadanayay.

Qofkaan waa qamarji Anigoo la socdo bay dukaankii tegtay lacagihii ay bil walba siin jirtay oo ahaa inta uu sheegto  ay xoog uga soo qaadday weliba intaa ugama harine lug iyo gacan bay ka jabsheen niman la socday.

Markii aan arkay waxaa igu soo dhacday in aan u sheego in eeddo Asli ay dhaxal ii heyso, waxaa la yaab laheyd in ay ii sheegtay in ay mar hore ka soo qaadday sidaas ayaan xaafaddaan ku imaaday.

Markii ay jiliftii iga ba’day ee nuurkeyga iyo naagnimadeyda soo muuqatayna waxa aan  noqday gacanyaraha Maamada inkastoo magacyo xun xun la iigu yeero haddana hubkeyga waa ii dhan yahay danta iyo daruufahaana halkaan igu dabray.

Muscab oo la xanuunsanaya Lana qeybsanaya mudguarda Ayaa uga tacsiyeeyay waalidkeedii ay sabinimo kuna weyday waxa uuna ku bogaadiyay sida ay ugu dhabar adeygtay waxa uu  uga sheekeeyay qisooyin goos goos  oo uu ku  hoga tusaaleynaayo iyo in geed walba in gubta Hoos taal

wxaana ka mid ahaa OOHINTII BILAN, AMAKAAG BAA KA DANBEEYAY oo sad u soo jiidatay  Jamiilo.

La soco qeybaha xiga

SHEEKOOYIN