Lama Filaan Q/3aad W/Q Abdulle Abdi Karim (Abka xaaji)

Lama Filaan Q/3aad

Jamiilo oo fadhiga toosinaysa xishoodkii Dumarnimo uu harreeyay dartii, qofka hor fadhiyaana uu yahay ninkii ay Cugatay balse aysan werwer ka qabin goobta kulanka ka dhacaya in ay tahay meel qof damiir lihi uu ku noolaado , weliba  Jamiilana ay qeyb ka tahay waxa meesha ka socdana ay kaalin weyn ku leedahay ayaa go’aan ku gaartey in ay runta ka hadasho, waxa ayna bilowday hadalkii iyadoo leh “Walaalkeygiyoow soo dhowoow horta aadane ayaan u nahay shakiga iyo tuhunka waxase aan kuu sheegaya waxa kuu muuqda iyo waxa maankaaga ka dhex guuxaayo iyo dhabta meesha ka jirta waa wax aad u kala fog.

Waxa aanan rabaa in aan wax walba oo aad doonayso inaad ogaato kaa jaahilsaaro, inta ka horreysa haygu kadsoomin oo qalad aanan lahayn hay saarin inta aad igu xukmin male been ah waxa aan rabaa in aan xogteyda bilow ilaa iyo maanta aan kula wadaago si aad u ogaato una barato qofka aan ahay,  inta aan sheekadeyda kuu tebinayana  wixii weydiin ah, ee maankaaga ku soo dhaco ha igala xishoon ee i weyddii.

Muscab oo yaaban kuna maqan daawashada jooga iyo jamaalka Jamiila iyo weliba codkarnimada u dheer ayaa yiri, waayahay walaal ee bal iiga sheekee noloshaada waa arrin aad ii xiiso gelinaysa dhegeysigeeda.

Jamiila ayaa aad ula dhacday deganida iyo waxgaradnimada Muscab, weligeedna ma aysan helin qof ay sidan oo kale ugu qanacsan tahay oo ay xogteeda iyo waayaheeda nololeed la wadaagto.

Inta ay sal mugii u fadhiisatay ayey sheekadeedii bilowday oo tiri: Maalinkii
aan ifka u soo baxay  ayey Hooyadeey umul raacday oo geeriyootay, waxaa noolaa Aabbahay isaga oo raba in aan si fiican u barbaaro helona laxawgii hooyanimo waxa uu ii geeyey Ayeeyday Aabbo, iyada ayaana xilkayga la wareegtey oo  gacanta igu qabtay sannad iyada oo uusan ka soo wareegin geeridii Hooyadeey  ayaa Aabbahayna u baxay dhanka baadiyaha oo dan ka gashay nasiib darro koox burcad ah ayaa baabuurkii uu la socday jidka u galay, Rasaas iyo xabbado ay ku fureen ayaanna ku dhacay sidaa Aabbaheeyna ku xijaabtay.

inkastoo dad aan la heyb garaneyn dileen  waxa igu maqaala ah, in dilkiisa ay dowladda lug ku leedahay cid u kacda oo xaqiisa raadisana ma helin.

Geeridii Aabbe aniga iyo Ayeeyoba waa na saameysay, Anigu Rajo ayaan ahaa waxa iigu darsoomay Agoonimo, Ayeeyona waxaa ka dhintey wiilkeedii u ahaa garabka ee ay nolosheedu ku tiirsanayd, Ayeeyo waxa ay ahayd qof waayeel ah oo xanuuno badan qabta huqdii ay ka qaadey geerida Aabbe meeshii ay ku dhacday kama aysan soo kicinba, daryeelna maba jiro nafteeda iyo tayda midna intii ay nooleyd waxa ay ahayd qof naxariis badan oo ciddii caawimo rabtaba caawisa, sidaa awgeed maalmihii hore ee geerida deriskii baa noo kacay oo na kaalmeynayey, markii ay ka soo raysan weyday, waa tii maahmaahdu ahayd, bugto badan iyo baahi badanba waa laysku nacaa
Cidna sidii hore nooma daryeeli jirin.

Geeridii Aabbe waxa ay saameysay gebi ahaan Ayeeyo oo markaa qof waayeel iska aheyd oo dhul-jiif bay noqotay  dhowr maalin ka dib derisyada ayaa ooyinteyda u dul qaadan waayay, markii ay xaalka aan ku suganahay ogaadeen, waxaa loo cid direy qaraabo dadkii noogu sokeeyay, baxnaano  iyo daryeel caafimaad ka dib ayeeyo xoogaa waa soo roonaatay, oo waa ka soo kabsatey xanuunkii iyo murugadadii, Ayeeyo iyadoo qof weyn ah wax ay ila daalaa dhacdoba.
Markaan gaadhay 4 jir bay islaan eeddo labaad iigu aaddaneyd ii geysay waxa ayna ka codsatay in ay i koriso, inta aan ka tabar galayo islaantiina waa ay ka balan qaadday in ay i korineyso oo ay sida ilmaheeda ii daryeeli doonto.

Maalintaasi  waxa ay ii aheyd maalin mugdi ah inkastoo fahansaneyn sababta ayeeyo iiga tagtay  waxa aanse maqlaayay ayeeyo oo leh markey tabar gasho ku wareeji furaha iyo waraaqaha lahaanshaha guriga  inta ka horeysana ijaar geli oo biilkeeda iyo waxbarashadeeda ku maaree, lacag kaash ahna waa u dhiibtay ay ku tiri yaan dadka la dhibin , meel la ii soo jiro ma ogiye.

Maalmo kaddib ayeeyo waa xanuunsatay oo  sakaraadkii, baa la soo dul saaray, ugu dambeyna ayeeyo tii alla ayaa u timid waa geeriyootey.

Dardaarankii ayeeyo waxa uu ahaa maalinta aan god galo gabartaas kori oo marka ay qaangaarto hantida dhuleed iyo waraaqaha lahaanshiyaha Dhaxalka Aabbaheed ku wareeji .

Balse taas ma dhicin  markii ayeeyadey la soo duugay waxa igu bilowday canaan ul iyo adeeg aan awooddiisa gaarin, waxbarasho warkeed daa, dhaxalkii eeddo ayaa afka marsatay.
Weliba si aan laysugu soo gaarin markiiba dhulalkii iib ayey ku billowdey oo jeebka ayey ku shubatey, kuwana dhulalyoow kale ayey ku beddelatay.

7 jirkeygii baan lafaheyga kala soo baxsadey islaanta halkaa fadhido iyaba waa eeddadeey labaad, eeddo Aslidii la igala dardaarnay bay isla dhasheen reerka mar horuu deyriyay ayadaan u imid ugana warramay wixii dhacay  waxa ay igu tiri Aniga qof meel loogu soo hagaago leh ma ihi haddaan run kuu sheego ,laakiin, reer aan isku fiicanahay baan kuu geynaa, iskuulkana anaa kaa dhiibaya intaasaan hadda kuu awoodaa.

Meel aan u noqdo ma aqoon  waa aqbalay deedna waa i kaxeysay oo waxa ay ii geysay Duq ayeydeey ka weyn oo kaligeed meel dagan waxa ayna ku tiri Ayeeyo gabartaan korso xoogna ha kuu noqoto.

Siba si bay dhaantaa subaxdii bay ila boodday dhar iyo buug iyo qalimaan bay ii soo iibisay ma ogo in aan B iyo T ii bilowneyn ileen cidna Iskool iyo dugsi ima geyne Duqdii waa qaracantay.

Si kastaba arrinku ha ahaadee cadaabtii iyo ciqaabkii eeddo Asli waa ka bogsaday iskool iyo Dugsi quraanba waa la i geeyay.

Anigoo bashbash iyo barwaaqo dhex galay ayaa nasiibdaro  ayaa Maamo Boolo geeriyootay , Bintoow oo dad aan ka aqaanay gacantana nagu heysay baan raadshay ayaandaro ma arkin wax warkeed sheegana maba aqaan oo aan ka warreysto xaafaddii aan ku ogaana waa ka guurtay.

Islaan ay Maamo Boolo asxaab ahaayeen baan u dan sheegtay waxa ayna igu tiri Cid baan kuu geynaa oo u baahan qof u shaqeeyo saa waxaa la ii geeyay islaan afar iskuma qaddaa heysato cunugeeda  u weyn uu 6 jir yahay oo aad mooddaba Eeddo Aslidii oo inta taagan naxariisdarada gacanta waa ka horreysaa bilihii wax bay ii tuuri jirtay oo aan aruursan jiray tartiib tartiib ay iiga jartay.

Intaa ay Jamiilo hadleyso Muscab waa laga dareemayaa inuu la damqanayo, kuma cusbo warkeeda oo kale oo asagaaba eeddo koris oo weligii Hooyadii asagoo garaad qaba na arkin oo asagoo labo jir ah bay xijaabatay.

Wuu jeclaan lahaa, inuu ka dhex galo oo noloshiisa uga sheekeeyo iyo heerarkii uu soo maray, balse hadda Jamiilo ayaa ku wadata oo ka gurayaa.

Waxa ay tiri: Jamiilo oo hadalkeedii sii wadata……..

La Soco Qeybaha xiga

SHEEKOOYIN