2aad
Muscab talo waxa uu rogrogo oo uu marba dhinac iska taago, ugu danbeyn waxa uu go’aansaday inuu ka war-doono, dadka dhan waa eegayaan ninkaan ubaxyada sida iyo guriga uu ku socdo qaar baa hoos iskala hadlaaya oo leh miskiinkaan yaa soo ajaray, qaar baa leh waa faataale oo tii quruxda badneyd ee hablaha ku dhex jirtay buu rabaa caawa inuu ganac jabsho oo habartuu iska dhisayaa.
Muscab war iyo wacaal uma hayo waxa hareerihiisa ka dhacaya hadalkii ninka ku duray ayuu liqi la’sanyahay oo waxa uu is weyddiinayaa xuural-ceyntii dunida aad ka arkootay ayaa jirkeeda iibisa oo ka mid ah Dumarka xun xun, wax dhici kara ma aha, yeelkeeda albaabka ayuu garaacay , durbadii waxaa ka furay waardiyihii, oo gartay inuu yahay ruux ku cusub xaafadda deedna waa soo dhaweeyay waxa uuna durbadiiba u aqriy
sheegay sharciga guriga oo qodobeysan.
Koow lacagta albaab furka oo $5 Doollar ah inuu sanduuqaa ku rido labo inuu fadhiga fariisto ilaa looga fasaxayo inuu Maama Baluusha uu kala kulmayo , qiimaha inuu gorgortan ka geli karin, dantiisa uu u socdo in uu si cad u sheego oo aan leexleexad laheyn.
Ka dibna waxaa loo dhiibay Album dumarka caawa shaqada iska leh ee la heli karo inuu ka sii xusho midda uu la dhaco.
Muscab waa u caddaatay warkii bannaanka loogu soo sheegay balse waxaa ka go”an inuu arko Jamiilo naftana quusiyo.
Muscab waxa uu bilaabay inuu gedgeddiyo Albumkii sawirada ahaa ee loo keenay waa uu ka dhex arki waayay dhowr mar ayuu ku laabtay ilaa ugu danbeyn uu iska laabo, markii uu saa iskugu daboolay ayey si kadis ah indhihiisa u qabteen Jalddiga Albumka waaba qofkii uu raadinayay oo si aan la suureysan karin ugu xardhan, waa uu ku indho daraandaray hoos buu ka guuxay oo yiri: Waheey weh Jamiilooy ma baddaan baan kugu sii deyn karaa, naftiisa ayuu la faqay haddana asagoo leh
Qof xumahaa u bareeray
Xilo kuu noqon maayee
Intaan xaalku xumaanin
Ka xaluulo dhankaaga.
Muscab oo weli ay nafta iyo Maankiisa ku heshiin waayeen xaqiiqada hortaala oo ah mid aan indhaha laga daboolan karin go’aankiisana yahay inuu gunta soo taabto ayaa looga yeeray xafiiska Maama Baluusha.
Durbadiiba Sawirkii buu hor dhigay asagoo leh waxaan rabaa qofkaan, deedna waxaa looga naxsaday su’aal uu ka argagaxay oo u dhigneyd sidaan Haddii muraadkagu ahaa:
Ku dhufoo ka dhaqaaq
Tani maaha Dhankaaga
Waa Dhammeys haween
Waa dheeman iyo luul
Raggu uu u dheg taago
Ishoo dhowrata mooyee
Dhan kaleeto bal fiirso.
Waxa uu yiri Muscab hagaag waa imisa qidmadeeda?
Waxaa loo sheegay in saacaddii uu ag fariisigeeda kaliya laga rabo $100.
$500 buu gacanta ka saaray ka dibna waxaa loo gudbiyay meesha ay Jamiilo ku sugneyd waa Balanbalo dhinac walba ka furan fadhi carbeed baa ku wareegsan iyo miisas gaagaaban oo horyaala , dhanna waxaa ka yaal kursi Masaaj oo koronto ku shaqeeyo kaasoo loogu talo galay martida Jamiilo in ay ku nastaan, Feynuusyo casri baa dhan walba ka shidan oo midabo gooniya bixinaaya, waxaa loogu talo galay bilicda fadhiga martida
si ay ugu daal gooyaan kistii laga xayuubsadayna looga sabarsiiyo, degdeg na ugu soo laabtaan.
Si kastaba arrinku ha ahaadee Jamiilo markii ay aragtay Muscab waa qaracantay waxa ay uga naxday inuu soo dul istaagay ayada oo aan u xog-waraminna uu ku shabadeeyo in ay ka mid tahay Dumarka jirkooda iibsada sida ay uga baratay dadka ku xeeran oo dhan.
Waa halkii maahmaahdu lahayd laba kala baridey kala war la’ isagu waxa la yaab ku ah Halka kalgacalku ka galay oo ah inuu jeclaaday Ubax kudaafad ka baxay, Halka ay iyaduna leedahay ileyn ragga nin daahir ah oo hufan ma laha yar iyo weyn waa macaamiisha Baluusha.
Muscab markii ay Indhahoodu is qabteen, durbadiiba waa u dareemay in Jamiilo yaxyax iyo xishood hareeyay , kaddib is bariidin Jamiilo iyo Muscab nin ka mid ah shaqaalaha meesha ayaa ku yiri maxaad cabeysaa? qaadka noocee jeceshahay sigaarka noocee cabtaa?
Muscab oo u jawaabaya ayaa ku yiri: Mahadsanid waxba uma baahni ee isku keen faq-daa aniga iiyo xuural caynta dunida aan ka il bogtee.
Ninkii oo dhoola caddeynaya baa ka sii dhaqaaqay ninka waxa uu aad ula yaabay Muscab iyo dadnimadiisa intaa uu xero baastaan ka adeegaayay weligii ma maqlin qof uga mahadceliya adeegiisa.
Muscab xajistay asagoo si qumaati ah uga soo horjeestay, labadaba indhaha ayey ka miririgsiinayaan, qof walba waxa uu ka fakarayaa Xubinta hadalka iyo halkii uu ka bilaabi lahaa, Caadiyan Jamiilo waa in ay soo dhaweyso martideeda kanse uga duwan nimankii ay kuhor shabkaxleyn jirtay ee been beenta lacagta looga cuni jiray ayagoo ku qanacsan arageeda iyo la joogeeda oo kaliya.
Jamiilo ayaa ku tiri: Muscaboow soo dhowoow inta aadan ogaan xaqiiqdana ha igu gowricin gabiib maran, waayo haddaan Soomaali nahay hal il baan wax ku aragnaa hal dhegna wax waan ku maqalnaa ee ma kuu xog waramaa?
Muscab inta fadhigii qaabeystay ayuu yiri: Sababta aan kuu hir fadhiyo waa in aan afkaada ka ohaado xaqiiqada dhabta ah, sidaa darteed aad baan u daneynayaa in aan afkaaga ka maqlo waxa maankaaga ka dhex guuxaaya.
Jamiilo ayaa hadalkeedii ku bilowday….