LA HEL LA WAA’ BAA KA DANBEYSA:

Wey Sixratay:
Cabdi Gaab waxa uu cidla  kaga dhaqaaqay saddex carruur ah iyo Hooyadood.
Cidna dan uma gelin maqnaanshihiisa waxaase wiish dhiillo ku yeeray, curadda Cabdi Gaab oo 8 jir ah markii ay Hooyadeey Barni u sheegtay in ay aragtay Aabbe Baabuurkiisa.
Barni  dheg uma dhigin warka gabarteeda oo waxa ay sugeysay ayaamo ka dib in Ergo Cabdi Gaab ka socoto oo iskood isku xil-saaray sidii caadada u aheyd in ay dhahaan  sheyddaanka iska naara ilmaha korsada walaalayaal.
Laba maalmood ka dib ayaa Barni Gabarteeda ku wargelisay in ay saakay Aabbe ku aragtay guriga Habo Dahabo asagoo ka soo baxayo.
Barni wax baa qoomay oo qalow ku yiri: Yaah gabarteeda been ugama baran waxa ay billowdey in ay u kuur gasho waxa ay wacday Dahabo si ay u xuuraansato saa ayadoo kaftan uga dhigeysa bay ku tiri Naa heedhe Odaygeygii baa iga dhumaye wax war ah.
Dahabo oo dhoosha ka qosleysa ayaa ku tiri Abaayooy naagtii heysan weydo waa loo heynaa ee maxaa u ilaashan weyday?
Barni kaftan bay u qaadatay balse, Dahabo waa ka dhab oo laba todobaad ee la soo dhaafay xaaska Cabdi Gaab ayey aheyd laakiin war la iskuma haayo,  isku xaafad na waa dagan yihiin.
Waxa kale oo dhab in gabarta yar aragtay Aabbaheed oo weliba kala sheekeystay arrimaha qoyska.
Hooyo Barni xuuraansigii bay labalaabtay Kutuba Rarran oo ay ku ogeyd in ay waxba seegin balse lagu furo Kaash £100  xagal salaan iyo dhowr Baati oo bac weyn ah ayey u geysay si dhabta Odaygeeda loogu keeno.
Barnise Fajac ayaa ku dhacay markii Kutubo Rarran ku tiri: War Baqiilyaheey waxaaga heyso beri hore ayaa afka Sharooto la iiga dhajiyay oo £1,000  baa  la igu aamusiyay ee London Suuq ma ahiye kobahaaga ka jafjafo meeshaan war kuuma yaalo.
Barni waagaa ku baryay, Shakigeedii baa u rumoobay, laakiin yey xoog ku leedahay waxa ay gaar ka qabatay Guriga Habo Dahabo oo ay ku tuhmeysay.
Maalin saddexaad ayey go’aansatay in ay ku dheelmato wixii ka dhacaayo ha dhaceene.
Albaabka markii ay garaacday waxa ka furtay Dahabo oo iyana rabta kanshadaan in ay ku quusiso, Bariidin ka dib Dahabo ayaa iska soo jartay baadidii miyaa halkaan kula soo gashay?
Barni filashadeeda waa dhabowday maxeyse ka qaban kartaa warkii ba waa loo caddeeyay.
Markaasey intey indhaha  horay u sii ridday  qolka fadhiga qooraansatay, qacdiiba waxa ay aragtay Odaygeeda oo qaar qaawan  oo shukumaan garbaha u saaran yahay.
Ayadoo is hiifeyso ayey tartiibkeed u soo laabatay Barni gabal baa u dumay marna ma aysan filaneyn inuu Cabdi Gaab ka maarmi karo.
Saaxiibteed Cutiyo Heegan bay u wacday ayadoo leh hogayoo ba’ay tii xumeyd ee Dahabooy ee isha cawirneyd ee foolxumada ku aroortay ayaaba odaygeygii xarreysatay , sharafeey waxaan filaa in ay sixratay doofaarta.
Cutiyo ayaa ku tiri Naa immisaan kulahaa afkaaga ka dhowr gurigeyga iiga bax nin aad cadaab adduunyo gelisay baad hadda u shallaaynee, hadda ilmaha caanahooda si meel laguugu saaro Dacweey oo dowladda u sheeg.
Maalinkii xigay warqadeeda furriinka ayaa boostada loo soo dhigay, kaddibna dagaal ayey Dahabo ku qaadday, arrinkii boolis ayuu gaaray ka dib markii ay daqar u geysatay Dahabo oo gurigeeda joogta xabsiga ayaa loo dhaadhiciyay , ilmihina Aabbahood ayaa lagu wareejiyay.
Dahabo,Cabdi iyo saddexdii cunug xaafadda waa laga raray.
Xaal mastuur iyo baryo badan ka dib Dahabo waa cafisay ilmihiina waa loo celiyay lix bil ka dib oo madax xanuun ah.
Barni ayaa waxa ay doorbidey Baraha bulshada in ay ku faafiso catoow iyo cillo dhaan taasoo ay ku canjarafeynayso ninkeedii hore, inkastoo ay sheekada u tebinayso si qalloocan, Barni marnaba qiraal kama bixin in iyadoo Baraf da’ayo oo xaalku xun yahay ay ninkeeda oo wax uu galabsadey jirin ay isku qabteen, Aroos baan aadayaa ee shaqadaada ka baaqso , markii uu ku adkaystayna lagu sanduleeyey inuu guriga iskaga baxo ama shaqada ka baaqdo oo carruurta hayo.
Cabdi Gaab, Arrinku laba daran mid dooro ayuu noqday oo ah inuu shaqada lumiyo iyo inuu reerka lumiyo, waxa uu doorbiday inuu shaqada lumiyo, waxa uu wacay Madaxii shaqada in uu xanuunsan yahay ayuu u sheegay.
Waa habeen Sabti soo gelayso isagaa lagu tashanayaa, Madixii shaqaaluhu waa xanaaqey waxa uuna dhahay warqas dhakhtar ii keen ama email iigu soo dir 24 saacadood gudahood.
Cabdigaab ma bixi karo oo carruur buu hayaa berina waa sabti maalinta ku xigtaans waa axad Dhakhtarkiiisii gaarka ahaa ma furma Emergency ama gargaarka degdega ahna waxa ay rabaan waqti dheer.
Rafaad iyo qajajac isaga oo aaan warqas sidan ayuu tegay Isniintii , Shaqadiina waa laga soo eryay.
Barni iyadaa sababta lahayd haddana Cabdigaab oo shaqadii laga eryay ayay tiri lacag halkaa dhig markuu yiri ma hayo oo dartaa iyo arooskii shaydaan baan shaqadeydii ku waayay” Iiga bax guruga ayay tiri, isaga oo ciishaysan oo boorsadiisii ugu jirto gaariga Baraf da’ayo oo qaboow la gariiraya ayaa waxa Parkingka ku dhaaftay oo aragtay qofka sigaarka iska daba shidaya Dahabo,
Cabbaar kaddib ayuu arkay dahabo adeeg jiidaysa, waa laysa salaamay, waxa uuna dhahay warqas ka caawiyey gaarigii adeega ay ku jiidaysay maadaama baraf dhacayo ayna dhici karto dhar culusna ay sidato.
Dahabo waa taqaan Cabdi gaab oo waa qaraabo kore in badana Deris bay ahaayeen,kadib ayaa lays wareystay, Dahabo shaah bay u karisey, markii Cabdi Gaab u warramay ayay tiri “ Dhegayso caawa tolnimaan kugu hoynayaa oo baabuurka u hoyan maysid, habeen dambena waa adiga iyo ragganimadaa nin aan i qabin guri kulama hoyan karo, carruurina waa ii joogtaa.
Cabdigaab baa yiri” Hadii aan caawa Sheekh noo waco oo ku mehersado ka warran?
Dahabo weligeed bay jeclayd Cabdigaab waa nin xaas walwaal ah oo masuul ah, waa nin ubadkiisa iyo ooridiisa u roonaa, hase yeeshe in uu dhib qabo waa laga wada war hayay.
Waxa ay tidhi” Hal Shuruud baan wata oo ah, Naagta waqtigaa ku soo saartay in aadan ku noqon”.
Cabdi Gaabna dhaar buu jaf siiyey, lays af garay, Dhuux iyo waxa uu wacay gacal, Sheekh Maxamedna hore ayay usoo wadeen,
Dahabona casho sharaf bay samaysay, habeenkii koowaadna meherkii baa dhacay.
Dahabo habeenkaa Dugaal iyo Daryeel bay heshay, Cabdi Gaabna Hooy iyo haweenay buu helay.
Barni marnaba Cabdi Gaab baa kaa maarma kuma seexan, Roonaantii uu u roonaa, dadnimadii iyo deeqsinimadii ayay is dhahday indho kale ma leh.
Waxase waagu ku baryey markay aragatay Cabdi Gaab oo ubadkiisiina ka war hayay Uunsigiisuna u baxayo, Dahabona shirka i saarantahay oo Gacaliye, Noloshaydii la leeyahay.
Dhacdadani waa dhacdo ka mid ah kuwa ka dhaca dalalka reer galbeedka maalin walba.
Abka Xaaji Qalin-weyne

SHEEKOOYIN