Barnaamijka Aqoon iyo Ogaal ee xalay oo ay taariikhdu aheyd 26/10/2025 ka dhacay Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye ayaa is arag iyo maqalka waxaa marti ku ahaa, Prof: C-Qaadir Cusmaan Afrax iyo Dr Hussein Wadaad .
Barnaamijkaan oo looga hadlayay arrimaha Bulshada waxaa xusid mudan in uu ahaa wacyi gelin heerkeedu sarreeyey,waxaana diiradda lagu saaray sidee bulsho jabtay dib loogu yagleeli lahaa, boogaha kor laga dhayayo si miyirqaba looga daweyn karaa?
Kulankaan oo ahaa kii 28AAD ee aqoon iyo ogaal ee ka baxa xarunta Faarax shuuriye faa’iidooyinka ugu waaweyn ee iiga baxay waxa ka mid ah, in silsiladaha sheydaan ee qabyaaladda uu na baday in aqoonlaawe uu aqoolka haayo loona baahan yahay in laga faramaroojiyo dadka aqoonta ehelka u ahaana loo celiyo.
Si kastaba arrinku ha ahaadee kulankaan ahaa oo mid daah furan waxa uu caddeyn u yahay in aqoonyahanada Soomaaliyeed ay u soo jeesteen in ay aqoondarrada iyo aqoolxumada jirta si wadajir ula dagaalamaan, ayagoo xog ogaal u ah halka maanta dadka Soomaaliyeed ay ka liitaan in ay tahay hankooda wada-noolaashaha oo hoos u dhacay xaqiiqdii keliya ahaan Waa u ladanahay dal iyo dibad waxaan nahay dad karti leh noloshoodana soo saarta kana dhex muuqda bulshooyinka kale ay la nool yihiin balse halka masiibada nooga dhacday ayaa ah isku duubnidii midnimo ayaa iftiin ku luntay, sidaa darteed Dr Wadaad iyo Prof C-Qaadir iyo intii ka qeyb qaadatay kulanka waxaan lala arkeyn bay arkaan waana mid u baahan bulshada in ay la aragto meel looga soo wada jeesto.
Ugu danbeyn qof walba oo naga mid ah waa uu jecelyahay in uu gobanimo ku noolaado laakiin gobanimada dhiig iyo Dhidid baa lagu beeraa ee deeq iyo deyn laguma helo.
Kulanka Aqoon iyo Ogaal waxaa aalaaba noo soo diyaariya Maamulka Xarunta Abwaan Bashiir M. Xirsi waxa
Uu indhowaalaba xoogga saarayay sidii lo heli lahaa bulsho u heelan dib u yagleelidda toosinta waxii naga hallaabay.
Haddaba maamulka waxa uu si diiran oo gacmo furan u soo dhaweynayaa cid walba oo diyaar u ah in ay kaalin mug leh ka qaadato wacyigelinta Dadweynaha Soomaaliyeed.
Waad mahadsan tihiin.
Guddoomiyaha maamulka Laashin Dr Xuseen C/lle Wadaad.
Qalin-Qore: Wakiilka Laashin Abdulle Abdi Karim (Abka Xaaji Qalin-Weyne)




