Isku haleyn
Sulddaan ka talinayay deeggaano hodan ah , baa ku baraarugay abaaro iyo colaado xarko goystay, muddooyin badan uu dhuljiif ahaa warbixanada loo tebiyo waxa ay ahaayeen kuwo uu aad ugu bogo balse taa caksigeeda laaluushka iyo musuqa waxa uu ahaa mid gaaray heer aad u xun, madaxdii uu ikmaday iyo howlaha kala waday ayaa noqday kuwo aad u cayilay oo dhaqaalo aruursi ku tartamayay halka dadweynihii ay xoolo beeleen.
Maalin maalmaha ka mid ah buu socdaal aan loo took heyn buu u kooreystay, maamulkii iyo howl wadeenadii oo sii qaban qaabi jiray dad ay ayaga soo xusheen oo warbixadooda khilaafin waagaa ku baryay, taa waxa uga dareyd inuu dhammaantiod ka joojiyay in ay socdaalkiisa qeyb ka noqdaan, waxa uuna ku amray in aysan xog ka bixin socdaalkiisa.
Sulddaanka markii uu tuulo ku dhawaadaba ciidankiisa waa u hakiyaa oo asaga labo waardiyayaasha uu ku kalsoon yahay baa la tagta goobaha.
Waxa uu soo ogaaday in lagu hurdisiin jiray beenhawaas dadkana ay qaatu ka taagan yihiin xukumkiisa iyo inuu daalum ku kibray xoolahooda,
dib ayuu u soo laabtay deedna madaxdii buu shir degdeg u qabtay.
Markii ay soo wada xaroodeen ayuu xabsi ku wada guray hantidii ay dhaceen dib uga soo wada celiyay taasoo ka badneyd mid abaaraha kolkaa jiray looga bixi karay subaxnimadiina waxaa loo qeybiyay shacabkii deeggaanada oo idil
Todobaadkii xigay dhammaan deeggaanada oo dhan waxa lagu amray in ay fagaaraha yimaadaan.
Markii ay yimaadeen ayuu u qudbeeyay kana raali geliyay wixii dhacay, iyo in aysan dib danbe u dhici doonin sababtana uu u sheegi doono todobaadka danbe waxa kale oo dadweynaha ku amray Fuusto 100 Litres qaaddo in cid walba ay ugu yaraan hal litre oo caano ah ku shubto ama in ka badan saddexda maalin ee soo socota ee beri ka bilaananeyso waana uu ka tegay.
Kaddibna waxa uu u xilsaaray waardiye markii Saddexda maalin dhammaato afka ka xira.
Waxa la gaaray waqtigii loo madalsanaa waxa uu yiri ii keena Fuustadii caanaha aheyd waa loo keenay waxaa ku jira wax labaatan Litre dhammeyn.
Waxa uu su’aalay dadweynihii idinkoo Malaayiin qof ah sidee ku dhacday in aad 100 litre oo caano heli weydeen, bal ii sheega?
Waxa ay dhaheen Sulddaanoow ISKU HALEYN baa noogu wacanoo cid walba waxa ay is laheyd reer hebel baa idiinka dhow oo howshaas qaban doonto.
Waxa uu ku amray dhammaantood
hadda qof walba in uu gurigiisa ku laabto kana keeno waxa uu caano heli karo hal saac gudahood ayaa qof walba soo laabtay kan dhiisha wada , kan jiirgaanka wado, Bali/War meesha ka dhaweyd ayuu yiri ku shuba, galabkii baligii waa buuxsamay oo weliba buuxdhaafay.
Kolkaa buu qudbad dheer dadkii u jeediyay, waxa uu yiri: Waxa aad aheydeen kuwa aniga i eedeeya balse xaqiiqda sidaa waa ka duwan tahay, oo waxa aad aad isku duubni iyo wadajir ku heli karteen baad ka seexateen oo qofba qof kale ku haleeyay ,saacad gudaheed waxa aad ku buuxiseen Bali/War balse saddex maalmood waxa aad kari weydeen in aad heshaan 100 litre oo caano ah, sidaa darteed Dulinkii idinku dhacay idinka ayaa Mas’uuliyaddeeda lahaa balaayana af la qabto ayey leedahay ee ma laha Seyn la qabto, sidaa darteed waxa loo baahan yahay qof walba inuu xil uska saaro wada noolaashaha iyo xasiloonida Dalka , Dadka, iyo Diinta ma aha in aad sugtaan in howl adiga kuu taal aad qof u daba fariisataan.
Haddaba wixii dhacay waa dhaceen waxa aan ka soo qaadeynaa Xalay dhallay maanta wixii ka danbeeyo dadka maamulka noocyadiisa kala duwan haaya qofkii aad ku aragtaan inuu wax is daba marinayo in aad wadajir u qabataan oo nin jecleysi danbe aysan dhicin, kuwii falkaan geystay ee hadda Xabsiga ku jira Odayaasha guurtida cusub ayaa go’aan ka gaaraya haddaan ahay Sulddaanka Beesha marna ma aqbali doono in magaceyga wax lagu dulmiyo jeer ay ku tahay carruurteyda , qof sidaa yeela waa dil toogasho dadka hortooda ah.
Sulddaanka asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: Haddii caddaalad la waayo nabad la sugi maayo, waayo caddaaladda waa gundhiga nabadda , awood kasta aad leedihiin iyo si kasto oo aad u tiro badan tihiin caddaalad la’aan waa awood qof walbana waa inuu xaqiisa iyo xuquuqdiisa helaa.
Maalinkaa wixii ka danbeeyay waxa ay bulshadii ku tilaabsatay hurumar la taaban karo halkii musuqa iyo dhaca lagu baratami jiray waxaa bilowday in lagu tartamo wax soo saar tayo leh heer dibadaha loo suuq geeyo wax soo saarka dalaga iyo aaladaha cusub ilaa adduunweynaha looga yimaado si looga iibsado.
Dhammaad.