Isku Duubni W/Q ABDULLE ABDI KARIM (ABKA XAAJI)

Qiimaha walaaltinimada leedahay ninkii Madi ah ayaa og, haddaad si fiican u dhugato dhaxalsidaha walaaltinimada Soomaalida ma dhiman, ma dhumin mana dheera ee waxaa dhaxda u istaagay ma toshe, ma tashiishe, ma tacbade, iyo ma tashade uu hunguriga meel xun la galay kaasoo u adeega cadaw shisheeye oo duullaan ku ah, dalka ,Dadka iyo Diinta.
Inta badan waa Diin jirayaal iyo Diin ka jirayaal Alle iyo Rasuul (csw) ka furtay, dadkaan qaarkood waa mushaari oo bil goosadkooda meel buu u saaran yahay qaarna waa Dameeru dhaan raacday, mar walba waxa ay duraan Diinta ayagoo u soo dhex maraya video la soo jarjaray oo qof culumada ka mid ah oo magac maamuus ku leh bulshada dhaxdeeds ku been abuuranaya , beenta was u quud awliyaad ajaafeynta madaxda iyo waxgaradka waa u dabeecad safka hore ee masjidkana lagama waayo.
Waxa ay had iyo jeer ku celceliyaan Beenta iyo buunbuuninta waxa ay la tahay , sanamka qabiilka waa u gaashaan
Waxa aan saa u leeyahay qofka Soomaaliga ma u dulqaadan karo qof Soomaali ah oo Ajnabi dhibaateynayo sidaas ay tahay dhaxdeena in aan is dilno waa inoo farxad iyo bishaaro, in cadowga loo shaqeeyo waa inoo sharaf., mar a in aas jaajuusno anagoo sandareero ku hel is leh.
Sidaa darteed sow lama dhihi karo, waxaa naga buuxa anaaniyad , jahli oo weli waxa aan garan la’nahay halkii aan xabaalaha badin laheyn in aan wada noolaano oo quraafaadka diinta lagu masibiday iyo Sanamka qabiilka aan ka xorowno si aan cadowga Diinta, Dalka iyo Dadka uga difaacno.
Midma xasuusnoow cadow dibad kaaga soo duulay waxba kaama qaadi karo ee kan hoogga iyo halaagaa waa  cadowga gudaha kuu yuurara.
Waxaa xaqiiq ah walaalo is neceb waa ay xoolo yareeyaan xabaalahana waa badiyaan.
Adduunka Hoggaan xun ma jiro ee waxaa jiro shacab xun waayo hogggaanka shacabka ayuu ka yimaadaa, sidaa darteed waa in aan anaga is toosino , halkaan su’aal baa ka imaaneysa haddii qof walba Isla quman yahay saxda iyo qaladkiisuba ay sax u yihiin sidee loo saxayaa?
Haddiise sax iyo qaladba ay iskaga keen walaaqmeen sidee xal loo helayaa?
Haddaba aan sida ay ila tahay amaba ay tahay Farta ku fiiqo meel dheer uma baahna in aan xalka ka raadino oo waa la noolnahay xalka laakiin in aan garano oo isku waafaqno ayaa naga waase haddii Alle doono.
Anigu ma ogi xal kale oo Sunnada iyo kitaabka ka wanaagsan saa darteed waa in aan u laabano jidka Eebbe si wadjir ah, qof walbana uu ka shaqeeyo danta guud si uu u helo nabadgalyo iyo caddaalad.
Waa in aan dulmiga aan diidno, si wadajir ah ileen far kaliya fool ma dhaqdee ugu canbeyn
Isku duubni baa
Dadkayagoow
Duli kaga baxdaan
Deeq iyo wanaag
Dhex durduurataan
Olol daalumiyo
Duggaag lagu eryaa
Cadow lagu didshaa
Nolol daa’intiyo
Deeq iyo samaan
Dugsi Qaranimiyo
dowlad lagu hantaa
Isku duubnibaa
Dadkayagoow
Haddeynaan dareemin
Dabinkii gumeysiga
Noo daadiyoo
Aad ku daraf dhacdaan
Baladeynu duugeynay
Haddaad doorataan
Boogtaan daweynay
Dib u dhaawacdaan
Dadkayagoow
Dib u dhaawacdaan
Dirandiriyo qabiil
Haddaad u kala didaan
Diracyadeena kacay
Haddaad kala dishaan
Xooggeenna dumay
Kala daadisaan.
Hurukacaan darbeynay
Yaa u duubanaaya
Xornimadaa na deeqday
Yaa u dagaalamaaya
Calankeenna diiran
Yaa daafacaaya
Dadkayagoow
Dadkayagoow
Dadkayagoow

SHEEKOOYIN