Ilmadii Yaxaaska iyo Ooyintii Maska.
Labadaan noole waxa ay ka siman yihiin in aysan Citin reebin, naxdin iyo naxariis buugooda kuma qorno, waxaa la mid ah dadka qaar oo uur-mariid ah.
Aan soo qaadano qiso yar oo kooban Cunug yar oo meel ku ciyaaraya baa waxa u soo galay Mas weyn deedna ilmihii yaraa waxa uu bilaabay inuu Maskii ku ciyaaro.
Cunuga inta uu ciyaarta ku mashquulsanaa maskana waxa uu ka fakaray meeshii uu ka qaniini lahaa si markii sunta u saaqdo uu u liqo.
Nagtii uu siisay ilmihii qeylo ayuu af labadii dhawaaqay nafna lagu soo gaarin Cunuga Aabbihii oo aad uga kululaaday ayaa But qaatay oo maskii eryaday si uu u dilo.
Maskii markii uu arkay in la haayo ayuu bilaabay is bihaanbihin, asagoo leh gar baad u leedahay in aad i disho waayo waxaan dhibaayteeyay ilmahaagii si aan ula kac aheyn anigoo la cayaaraaya waayo waan jeclahay in aan dhallaanka la ciyaaro, si kastaba arrinku ha ahaadee gaf gaf lagu saxaa ayadoo la cafin karo ii koow ma aha, mar walbo ayaan maqlaa Maska dil inta uu ku dilin, madaxa jabi ha u dhowaan iyo wax la mid ah, sidaa darteed kol haddaad u soo qalab qaadatay sida aadba caado u leedihiin ha daahin madaxa iga gooy uma qalmo in aan sii noolaado.
Ninkii maska dilkiisa waa ka hakaday deedna waxa uu ku yiri in fursad lagu siiyo xaq baad u leedahay haddaan ognahay in aan ku faquuqnay waa meel ka dhac weyn ee naga raali ahoow.
Maskii oo kansho u helay ninkii odayga ahaa oo butkiisii dhigay qaniinyo ayuu ku tolay halkaas ayuu catoow iyo Calaancal galay ilaa ay nafta ka baxdo.
Haddaba waxaa jira dad uur-mariid ah oo muuq muslim leh, iyo kuwa uur ka gaalo ah oo kugu xeeran, kuwaas oo aad u taqaan Ehel iyo Asxaab.
Dadkaas waxa ay leeyihiin astaamo u gaar aysan qarsan karin waa sida Dooliga oo kale, Dooliga asagoo ku cunaya ayuu ku afuufayaa, si aadan u dareemin.
Haddaba aan tilmaan guud ku siiyo, si aad uga digtoonaato dhagartooda.
Koow: Xilyada Farxaddaada waa kula qeybsadaan waqtiyada kugu adag kuma yaqaanaan, iimahaaga iyo meesha aad u jilicsan tahay ayey aad u abaaraan, waxa ay kuu keenaan Xan ayagoo raadinaya xan in ay kaa qaadaan.
Mar walba ay ku soo xariiriyaan waa marka kaliya ay wax kaa rabaan, waxa ay kuu heystaan in ay xaq kugu leeyihiin.
Ku darsoo hal maalin haddaad maya dhahdo waxa ay ku sigtaan in ay ku dilaan ku handadaan ku rakaateeyan wixii xumo uurkooda ku jiray bay soo fatahaan qofkii daqiiqado ka hor kula qoslaayay hadda afka ayuu ka uburinayaa dadka oo dhan ayuu ku wargalinayaa in aad qof xun tahay saa darteed adigoo ku xoolo beelay intaad axmaq noqon laheyd hadda maya dheh saas ayaa kuu qeyr roon.
Ama dun xumadooda dadka qaar tijaabi oo wax weyddiiso xataa adiga oo aan baahi u qabin waxa aad weyddiisaneyso si aan ka fiirsasho laheyn bay ku dhihi doonaan adaanba hadda kuu soo socday taas oo macnaheedu yahay diidmo cad waaba qofkii kaa xishooda.
War iyo dhammaantii waxa aad ogaataa ilmada yaxaaska iyo sunta Maska kugu harreereysan in aad uga badbaadi karto in aad noqoto Fogaan arag ee aadan ku kadsoomin is bihin bihinta dhagaroowyaasha.
Waxaa jira dadka kugu xeeran qaar ku soo booqda ku soo bariidiya oo kaa war haaya, oo aad u taqan dad kuwa kugu dhow sidaa ma aha dadka qaar waxaa jira kuu soo raadiya, siriqdii ay kuu dhigeen in aad ku dhacday iyo in kale haddey ogaadaan in aad ka badbaadday dhagar kale ayey maleegaan .
Dabcan waad aragtay ama maqashay laakiin sababta ugu wacan in ay ku xaasidaan ma taqaanid. wax kale ma aha waxa ay ka xun yihiin Hurumarka aad gaartay, iyo heybadda Eebbe ku siiyay, qaabka aad u nooshahay iyo weliba reerkaaga sida uu degan yahay.
Ugu danbeyn mid weligaa maanka ku haay, Ciirtaa Dhamaa Caaydaa yaqaan, ishaada in ay koreyso waa muhiim dadka inta aad wax tari kartid in aad tarto waa waajib in aad lafahaaga badbaadsatana waa lama huraan.
Abka Xaaji Qalin-Weyne