Hardanka Hobollada

 

Hardanka Hobollada

Horta dadka waxaa isugu neceb Soomaalida kuwa isku hiwaayada ah, sida Farsama yaqaaniinta, Askarta, Hobollada, Cullumada iwm.

Hadda maxaa keenay nacaybka iyo gees geliska waa inuu jiro tartan ka dhexeeya kaasoo qof weliba rabo inuu kooxdiisa ugu taageero bato uguna magac dheeraado.

Waayihii hore waxa aynu goob joog ka ahayn kooxo danleey ah oo ku diriraya arrimo siyaasadeed, xukun iyo dhaqaale sida Siyaasiyiinta, Culumadda iyo ganacsatada.

Dagaalkii waxaa ku soo biiray Hobolo iyo fannaaniin kuwaasoo kala jiidanaya bulshada dhallinyarada iyo da’ dhexaadka u badan.

Hobolku waxa uu ahaa waagii hore mid bulshadabu dhaxeeya, waayahan waxaa soo kordhay Hobolo buraanburaya oo reero u heesaya, Baraha bulshada gaar ahaan, Tiktoka, Facebookga iyo Snapka waxaa wareegaya wax aan hees ahayn oo mug iyo muc midna lahayn oo habdhac suugaaneed lahayn oo laxamo heeso hore inta lagu qaaday sawaxan muusig iyo sanqadh la saary ah.

Kaddib burburkii dalka waxaa la dhaaxal wareejiyey oo la dhalan rogay Buraanburka oo ka mid ahaa Toddobada God ee suugaanta,

Waxaanna laga dhigay suugaan aroosyada u gaar ah oo lagu faaniyo laguna buunbuuniyo Aroosyada, tani waxa ay keentay in milgihii iyo Qiimihii Baraanburka oo dhanba meesha ka baxo loona arko durbaanka Qabyaalada iyo Faquuqa.

Haddana waxaa halkii Buraanburka ku socda Heesta oo aad moodo in laga duway hilinkii lagu yaqiinay ee hasaawaha, madadaalada iyo wacyigelinta ahaa loona weeecshay faan iyo isku dir booto iyo naxli.

Hobollada Carra edeg waa tartamaan codkooda iyo heesaha nuxurka leh bay ku tartamaan abaalmarino iyo dhaqaale ku helaan.

Kuwa Somaaliduna dhaqan xuno ayay ku tartamaan iyo qabyaalad iyagoo buunbuuniyaya reero iyo magacyo beelo .

Waxaa kale oo jirta kooxo aan aqoon u lahayn Suugaanta iyo hal abuurka sidoo kale aqoon iyo ogaal ka haysan Arrimaha hobolka iyo hal abuurka oo isku caraadiya Hobollada kana dhex abuuro xasarad sida mida taagnayd maalmahan iyo bilihii la soo dhaafay.

Hobolladu ha tartamaan hana loo qabto kulamo tartan oo lagu qiimeynayo codkooda iyo heesaha ay qaadaan Mucda iyo mugga ay leeyihiin.

Hobolku maaaha mid kasta oo codbahiye helay oo soo cabbaadey ama ciyey ee kuwa heesa ayaan sheegaya, kuma jiraan kooxaha qalaadka iyo qaylodhaanta ku soo caanbaxay.

Waxa aan soo jeedinaya in Wasaaradda warfaafinta , Tiyaatarka qaranka iyo Akadamiya Afku ay soo xulaan garsoorayaal aqoon durugsan u leh hal abuurka, Codeynta ama Laxanka , Dararamta ama Muusika.

Kaddibna sannad walba la guddoonsiiyo hobolka sannadka midkii ku guuleysta heesta ugu wanaagsan, Ujeedka kuma jirto heesta ugu daawashada badan ee heesta ugu miro wanaagsan, Laxan iyo cod macaan lehna Muusik sarreeya.

Ninka gudigaasi soo saarana noqdo hobolka hormuudka iyo haldoorka sannadkaasa ilaa inta mid kale kala wareegayo.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN

Gobanimo labo maaha

Talo Waayeel

DURUUF W.Q. Wiilo Daahir Xasan

BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD