Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q36AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been Q36aad.

Xasan ” Walaal aad baad u mahadsantahay waan ogaa in aad war sugan ii keenayso, Saaxiibkayna aniga ayaa la wadaagaaya, waaba uu iga war sugayaahe”

Khadra waxa ay gudatay howshii loo diray, warbixin Xasan ku qancay kolkay u sheegtay  ayay Xasan  nabadgelyeeysay.

Dhinaca kale Xasan hirar yaab iyo amakaaga ayaa ku soo fara baxsaday, waana xanbaareen xiskiisu arrin uu qaadi waayay ayaa looga sheekeeyay waxay  ahayd sheeko maankiisa  ka  mug waynaatay, mararka qaar wuxuu  hoos isugula faqayey: Armeey Walaashaa Khadra sheeko xariiro kuu sheegtay, mase waaba runoo dunidiibaa dhalan rogantay, oo dadkiibaa madaxii majo looga dhigey, waa maxay arrinkaan caloosha ka rarran ee dusha laga caymiyay.

Asago oo tallamaya farahana taagtaagaaya ayuu u soo galay saaxiibkiisa Axmed oo werwer iyo walaahow la deris noqdey, maalmihii la soo dhaafeyna Xasan ka war sugaayay, jaceylkii Nasrana la ildarnaa lana daalaa dhacaayay.

Axmed ma lado hurdo macaan, dhiniciisa ayaa dhulka nacay, jadiin waa ka go’ay, indhihiibaa god galay jirkiisiina wuu is dhimay, maahsanaana waa ku soo korodhay, jacaylbaa majaraha ka lumiyay, meelbaa hilaac uga baxay kolkuu dul yimidna waa ku hungoobey, gudcurka jaceylka ayuu dhex lugeeyaa,  beerkiisa waxaa gaaray sunta jaceylka, war ma helo, oo waa tii Nasro xariirka u jartay, hal yididiilo ayuu leeyahy waana in Xasan war ka keeno, waa kan Xasan  galabta halkaan hortiisa ah fadhiya, Axmed u u dhuganaaya sidii qof u sida war u sida, warku uu sidu waxa uu yahay foolkiisa ayuu Axmed ka dheehan karaa, akhrinta hadal jireedka a aad ayuu ugu fiican yahay Axmed, mase rabo in uu wax iska mala awaasho, waxa uu rabbaa in uu war sugan saaxiibkiis ka helo.

Saalaan daalan ah oo Xasan Axmed salaamay ka dib, waxaa weydiin ku bilaabay Axmed “Widaagaygiiyow maxaad ii wadaa galabta?”

Xasan: Waxaan kuu wadaa war sugan, oo ku saabsan gabadhii aad jeclayd.

Axmed: in badan ayaa kaa sugay warkaas, galabtase haddii aad sido waa sidaan rabay ee daboolka ka qaad, warkana caddie, waa tii la yiri,wax raga rag kuma sama e.

Xasan: haddaba Axmedow inta aanan waxaan wado kuu sheegin, waxaad iga ballan qaadaa, in aadan  iga diidayn talada aan kuu daba dhigi doono, kolka aan hadalka kuu idleeyo.

Laso qaybaha kale.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN