HABEEN-DHALAD =+ CAWO-DHALAD
GODADKA DAYAXA EE DUMARKA.
Habeen dhalad haddii aad maqashay waa sidan; 365-ta maalin ee sannadka dayaxu habeenka kasta waxa uu fariistaa rug ka duwan middii hore.
Godadka dayaxa waxaa loo yaqaannaa Manaasil tiradooduna waa 28 god, god kasta dayaxu waxa uu jooga Waa habeen .
Halka Qorraxdu godkiiba joogto ama fadhida 13 Maalin, sidaas waxa ay ku noqonayaan 364 habeen.
Waxaa tirada buuxiya habeenka sannadka kala bara ee loo yaqaanno Nayruushka waana habeen 183-aad marka laga soo tiriyo bisha Samalaho ee Dabshidku idibisho.
Hadda ba gododka 28-ka ah waxaa ka mid ah 4 god oo Soomaalidu aamminsan tahay gabadhii dhalatay in ay tahay caano-lagu-shub (mid il ayaan leh).
Waana Afarta god ee Daallada oo kala dhaca habeenada ama godadka 18 – 21 ee Dayaxu dago, waxaa na la kala dhahaa; Daallo cas ama Libcas, Daallo Dhawayn ama Mareega-dheer Daallalo Xooray iyo Madhan-Daallo.
Daallo cas ama Libcas gabadhii dhalata waxa la aamminsan yahay in ay noqoto mid ayaan dhalad ah, oo raggu isku laayaan quruxna aynigeed ka foostay.
Waxa ay leedahay magac gaar oo muujinaya qaabka la isugu qabsado guurkeeda ka dibna uu sababo dagaallo lagu lafi jabo magacaas oo ah TAFODHIIG. Waa gabar geel, gammaan iyo lo’ba laga bixiyo. Waa middii la lahaa;
Mar hadday geyaan tahay
N**skeedu gumuc yahay
Ragguu wada gabraartaan
Dhiig galangalceeyiyo
Lagu jaro gashaantimo
Gabar gaar noqotaye
Geel iyo gammaan iyo
Haddaan guuyo laga bixin
Miyaa guri la geeyaan?!
Gabadha dhalata godka Daallalo Xoorrey waxaa lagu aynaasaa in ay tahay mid xerada ku soo kordhisa caano iyo nabad. Inta badan godkaan waa la jecel yahay waana sababta la Soomaalidu reerka arooska ah markay u ducaynayaan u dhahaan “Wiil iyi Nabad, Gabar iyo Caano”.
Daallo Dhawayn ama Mareega-dheer waxaa dhalata qof magac dheer ninka guursadana badanaa la dhaho waa hebelkii heblaayo qabay! Reerkeeduna waa ku dhaataa dhaxal bayna u tahay lagu soo hirto. Qof sheeggan dadka aynigeeda ahna ka labootiday ayey noqotaa. Marka la guursado waxaa la raaciyaa ul u gaar ah, sababtuna waa in ay tahay qof u darban ilaalada nafteeda iyo xoolaheeda.
Madhan-Daallo gabadha waxaa la aamminsan yahay in ay noqoto mid guumaysowda oo aan xeroba loo oodin, waa midda heerinka noqota marka la guursan waayo, waana tan la dayriyo xilliyada barbaarto haasaawaha u dhukurtaan.
Haanta way ka caaggan tahay, dhallinta dabeecad gaar ah baa ka tuurtay! Habeenkaas haddii ay gabar dhalato reerka waxaa laga saaraa neef joogaa ah, waxaa na loo qalaa dadka socotadaa ah, waxaana neefkaas loo yaqaannaa CUNSUR-GUURIS, waa hab shar eris ah, alle tuugna ah, in gabadhaas ilaahay binadeeda hagaajiyo.
Raggu iyagu na waxa ay leeyihiin godad gaar ah waa se noo dambeeyaa
Hadaba hadii jeceshay Inaad ogaato Godka aad dhalatay gabadheey ma taqaan taariikhdii aad dhalatay ee xaga tirsiga miilaadiga Tusaale
DD/MM/YY Hadaad Intaa hayso Waanu kuu faaiidayn karnaaa Godkaaga iyo waliba somalidu waxay ka oddoraseen Cidii habeenka dhalata dabeecadaha iyo dhaqamada Inta badan looga soo joogay oo la ururiyay uun weeyaan.