Ha Quusan

 

Ha quusan
Jaamac Iskoris, loo garan ogyahay Gaal Faqriyay , waa nin maalinkii uu lacag heysto ku fataala maalinka uu shiidka yahayna Baad ku cuna maqaayadaha taako uma taal.
Afar nin saas uma fiirinaayo gacantana waa ka horreysaa laba hadal haddaad is dhaafsataan dhulka ayaa taal.
Gaal faqriyay asagoo dhag la qabto laheyn ayuu soo galay maqaaxiyihii uu caan ka ahaa mid ka mid ah, nin meel gees ah fadhiya keligii oo dhabanada heysta oo bakeeri mushakal (Cabitaan) uu horyaalo ayuu ka heensaday dabadeedna waa ka dhaqaaqay.
Ninkii waa ooyay ilaa uu hiqleeyo, inta ku soo laabtay ayuu ku yiri nacasyahoow ha ooynin anaa kuu iibinaaya ee waxaad rabto dalbo nin weyn oo ooynaayo uma dul qaadan karee.
Ninkii inta madax kor u soo qaaday ayuu yiri: Qof kaa doqonsan dunida ma joogo haddaad ogaan laheyd waxa aan la ooynaayo ima sii ag taagnaateen.
Suuye war bal naftaa eega ii sheeg wax macquula haddii kale adigoo jajaban baa isbitaal lagula raadi doonaa.
Waxa uu yiri Ninkii waxaa xariir jacayl naga dhaxeeyey Gabar àad u qurux badan oo kala xiran guurna waa ku balanay markii ay jaamacadda dhammeyso , reerkoodana waa igu ogaayeen, qarashka anaa dhiibi jiray, waa ay ogeyd i aan Xamaali ahay, wax dhib ahma kuma qabin waxaa ii.muuqday nolol qurux badan ubad aqoonyahano ii kaco.
Wax walba oo rajadeydii waxa ay si lama filaan ah u baddalmeen, markii ay qalin jabisay ayey si cad iigu tiri iga raali noqo islama jaan qaadi karno anigoo aqoonyahanad ahna nin tunka ku xamaala xaas uma noqon karo intaa kuma ekaan ee waxa ay tiri qarashkii aad iigu bixisay waa kuu celin doonaa.
Habeenkaa ma hurddin, subaxdiina shaqada baan ka daahay iyada oo wax digniin ah la i siin ayaa shaqadiina laga eryay.
Adduunka dhan baan ku xajiimoiday waxa aan doonay in aan guriga isku dhex dilin si warkeyga dunida u gaaro.
Halkaan ayaan imid cabitaan ayaan dalbaday waxana ku qastay Sun si aan nafta isku dhaafiyo adigoo orddaayo ayaa yimid oo suntii cabay .
Gaal faqriyay cirka iyo dhulkaa la wareegay, caac iyo cuuc uu ku waashay isbitaalka ayuu u cararay.
Ninkii adeega ka ahaa maqaayadda oo ag taagnaa sheekadana kor kala socday ayaa ninkii , ku dhahay koobkii aad sumeysay kaabo waa laguu baddalay intii aad suuliga ku maqneyd si aan kaaga badbaadino Sunta Dooliga aad ku qasatay anagana aad macaamiisha nooga xumeyn, ee Eebbe waxa uu kula doonay inuu Fursad kale ku siiyo oo aad ku cibaadeysato noloshaada ku raacato ee ha quusan ee nolosha u halgan weli waxba kuguma dhicin, waqtia kaama tegin.
Ninkii waaadaas loo soo jeediyay si kal iyo laab ah ayuu u qaatay, isla maalintaan halkii uu degaaa ayuu ka guuray  waxa uuna degay meel aad uga fog halkii hore si uu xasuusaha damqashada leh uga fogaado waana sida ay tahay meel haddaad ku jabto lama sii joogo ee waa laga diggo rogtaa.
Ninkaan oo la oran jiray Caabi Culusow dhowr sanno u horreeyay waxa uu saxday noloshiisa waxa uuna dib u bilaabay inuu Iskuul dadka waaweyn aado ilaa heer jaamacad uu kaga baxo.
Adduun waa is daba wareegi Leylo oo aheyd qofkii uu ku tiir iyo tacab beelay ee jidka kaga dhaqaaqday ayey si kedis ah ugu kulmeen goob uu Siminaar ka bixinayay Caabi.
Caabi markaan waa nin Xaas iyo Carruur leh halka leylo Shan guur ka halowday haddana ay ka quusatay aelaad ha joogtaa mid ay ku xasisho.
Mar qura ayaa dadkii siminaarka ka soo qeyb gslay ku baraarugeen Professor Caabi iyo qof dumar ah oo jilbsha ku dhegan oo ku cataabeysa fadlan i cafi waxaan ahay doqon  Codka oo qof walba oo goobta joogay maqlayay.
Caabi yaxyax baa ku dhacay kolkaas ayuu u sheegay inuu mar hore cafiyay haddase ay ayadu waajib ku tahay in ay is cafiso.
Dadkii ayaa jecleystay ay uga warramaan qisadooda waxa ay ku saabsaneyd si loogu waano qaato.
Cod baahiyaha ayaa leylo loo dhiibay waxaana hadalkeeda ugu muhiimsanaa in ay tiri Maalinkii aan Caabi si bareer ah u xumeeyay ayaa farxad iigu danbeysay gabar Soomaaliyeed kulama taliyeen gacantii gargaarto in ay goyso ha dhawaato ha dheeraato waa mid meel kuu taal.
Dhammaad
Abdulle Abdi Karim
Abka Xaaji Qalin-weyne

SHEEKOOYIN