GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? Q. 15aad
W/Q.CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)
Guri iimaan iyo kalsoonaan mideysan leh:
Ku aadanki 1972di, waxaa xaafad ka mid ah xaafadaha Muqadisho is calmaday wiil iyo gabadh dhallinyar oo hal xaafad wada degan, ishoodaa is qabatay, wiilka wuxuu ka shaqeynayay dukaan camiran oo ay leeyihiin reerkooda, gabadhana waxa ay ahayd arday dhigato dusiga dhaxe sanadka u dambeeyo.
Wiilka waxaa la yiraa Cumar Xaamud, gabadhana waxaa la yiraa Caasho Yareey. Cumar, isaga waxa uu dhameystay dugsiga sare, da’diisa waa sideed iyo toban jir. Caasha, iyada waa 16 toban jir, Reerahooda ayaa isu doonay, sida ay iyagaba hoos ugu sheekeysan jireen, isagana war qabeen. Caasha reerkeeda waa bixiyeen si qurax badan, kolki gacanteeda laga soo doontay.
Cumarna waa loo aqal geeyay xaaskiisa, mudda gaaban meherki keddib. Meeshaas, waxaa ka asaasmay guri ay lamaanaha is doontay astaan uga dhigeen “Guri degan, guri iimaan ku gadaaman yahay” oo ay wada unkadeen Cumar iyo Caasha.
Mudda keddib ama laba sano iyo nus kaddib, waxa ay reerahooda iyo deriskooda iyo inta taqaan lamaanahaan bilaabeen isweydiimo ku aadan, maxaa helay lamaanahan oo ay ula imaan waayeen astaan taran oo ay uga jeedaan, ku filan laba sano ka badan in ay Caasho uur yeelato, waxna u dhasho Cumar.
Waxaa batay ku dhega hadalki, iyagana waa soo gaartay xanti laysla dhax marayay xaafadahooda, weliba iyaga reerka Cumar si toos ah ayey Cumar uga war weydiiyeen arrintaa iyo maxaa idin helay oo idiin diiday, in aad ilma isu dhashaan? Waa maxay cilada, ma adiga dhankaagaa misa iyada dhankeeda?
Cumar iyo Caasho, dheg jalaq uma siin hadaladaas tuurtuurka ah ee si dadban loogu daandaansanayay wada jirkooda iyo rabitaankooda oo uu fadhi u ahaa ku kalsoonaanta Allah, jaceyl ay isu qabeen iyo in aynan maalin walba uga duwaneyn maalinti laysu guri geeyay, maalintaas kalgaclkii ay isu qabeen oo aan nusqaamin.
Wada joogooda shan sano ayuu lugaha la galay, iyaga naf’ahaantooda waxa ay muddadaas gudaheeda sameeyeen baaritaanno caafimaad, iyaga oo taa cidna ku war gelin. Tiro iyo dhawr jeer oo ay baaritaan u tageen isbitaalka, goor walba waxaa loo soo sheegayay in uunan midkoodna qabin wax cillad ah oo ka hor-joogo inay dhalaan.
Warki iyo nux-nuxdi ku aadanaa may kala tagaan ama kala daneystaan, haddii muddo intaas la eg aynan wax isu dhalin, lacalla ay guur kale galaan, ilmana ka helaan.
Wixi ay maalmaha is-guraanba, sanadki tobanaad kolki la galay, welina aynan helin awlaad ayaa Caasho, iyada hoos isu-tiri, wiilkaan(Cumar) haddii uu naag kale ilma ka helayo, “ha ka hor istaagin”. Waxa ayna Cumar u soo jeedisay in ay u kala tagaan sidi quruxda badneyd oo ay isu doonteen bilawgoodi hore mid la mid ah. Cumar waa ka diidyay Caasho taa. Caashana waa ka diiday in ay sii wada joogaan, maadaama labada reer oo ay ka soo jeedaan ay taa iyada cuays-weyn ku saareen. Ugu dambeyn sanadki 11aad Cumar waa aqbalay kala tag, mudda dhawr bilood ah kaddib Caasha, waxaa guursaday nin laba xaasle ah, waxa ayna durbaba qaadday uur, waxa ayna sagaal bil kadib heshay heshay gabadh ay ula baxday Xamiido. Waana la sii dhaqmi-weysay ninka ay gabadha u dhashay, kolki ay aragtay in uu bakhiil gacan adag yahay, in la arkana ay aad u yareyd qof ahaantiisa, maadaama uu saddex xaasle noqday, taana ay u dheerayd in uu ahaa darawal gaari weyn ku shaqeeyo iyo in uu galo safarro aanan kala go’ lahayn. Ugu dambayntii Caasho waa la soo furay.
Cumar isagana waa guursaday, wuxuuna helay gabadh aad uga da’ yar, waxa ayna mudda yar kaddib qaadday uur, waxa ayna Cumar u dhashay gabadh uu ula baxay Caasho, balsa wuxuu Cumar ku soo baraarugay dhalidda kaddib dabeecad qalafsan oo ay la soo baxday xaaskiisa iyo in uu waayay jid dhaqan wacan ah oo ay xaaskiisa ugu wada socdaan si quman.
Waxa ay ahayd gabadh(Xaas) Cagta baranbaro looga bajiyay(yacnii socod badan), mar walba oo uu guriga yimaado way ka maqan tahay, waxa ayna ku maqan tahay deriska iyo haasaawe dumar.
Cumar waa awoodi waayay la dhaqanka xaaskiisa labaad, wuxuuna go’aansaday in uu iska siiyo madaxeeda iyo inuu cunuga ay u dhashay ku masruufo, laakin taas ma dhicin, waayo kolki uu furay waxa ay gabadhi ay u dhashay u soo dhigtay iridda reerkiisa hortooda war-gelin la’aan iyo wada tashi la’aan.
Markii ay taasi dhacday waxaa mas’uuliyadda gabadhiisa la wareegtay hooyadiis.
Cumar kolki uu iska furay xaaskiisi labaad, wuxuu mar kale Caasho ka iibiyay in ay isu soo noqdaan, Caashana waa aqbashay taa, maadaama ay hoos isugu sheegaysay in ay Cumar jeceshahay, nin ka fiicanna aynan ku arkayn ragga doondoonayay oo dhan, haddii uu mar kale soo doontay ay sidaa tahay wanaag iyo qurux, taa labadoodaba waxaa u dheeraa in reerkooda ay aad raali ugu ahaayeen in ay isu noqdaan, maadaama ay doonayeen in ay tijaabo dhalis soo galaan, haddii Allah idmana ay ilma jaceyl ku dhashay kala heli karaan.
Cumar waa guursayay Caasho mar kale, wuxuuna hoos isu lahaa iska hilmaan ka welwelka wax ma kuu dhalee Caasho, ku kalsoonow wixi Allah kuu qadiro, ku iimaanso wuxuu ilaahey ku siinayo ilmo, ama Caasha ka hel ama meel kale oo Allah kuu qoray ka hel.
Cumar iyo Caasho oo mid walba wato gabadh, ayaa mar kale isu soo noqday, halkoodi ayey ka bilaabeen wada joogoodi fiicnaa, mudda sanad ah kolki ay wada joogeen, Caasho waxa ay yeelatay uur, waxa ayna Cumar u dhashay mataano wiilal ah. Sanad kaddibna, waxaa alle siiyay mar kale gabadh.
Dadki lahaa maxay iska ak-qabanayaan, haddii aynan ilmo isu dhalayn, waqtigaa baray in aynan ilma isu dhalidda ku xirneyn rabitaanka lamaanaha iyo midnaba rabitaanka korreeyaha.
Cumar iyo Caasho way wada joogeen tan iyo inti uu Allah oofsaday Caasho. Cumarna uu u istaagay dhameytirka ka war haynta gabadhi ay Caasho ninka kale u soo dhashay iyo saddexdi carruur oo ay Caasho u dhashay iyo gabadhiisi ay u dhashay xaaskiisa labaad.
Cumar, waxa uu si wanaagsan dhexda ugu xirtay mas’uuliyadda ilmahaas, si fiican ayuuna uga soo baxay hawshaa iyada ah, inkasta anu wax aad u badan ka dambayn gacaladiisi Caasho, isagana Rabbi ayaa oofsaday.
Maanta la joogo oo geeridooda muddo laga joogo, tarankii ay ka tageen waa bullaalay oo ilmihii ay dhaleen iyo kuwi ay sii dhaleen waxa ay marayaan 52 qof.
Bulshadii ay la noolaayeen iyo kuwa manta carruutooda la noolba waxa ay uga sheekaystaan in reerkaasu ahaa metaal bulsho oo sidooda lama arag ahayd.
La soco Q.xigta
W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI)