Gorfeynta Dhimaal Dhaqan| W.D. Xaawo-luul C.Qaadir ‘Ardayad’

Buugga: Dhimaal Dhaqan

Qoraa: Bashiir M. Xersi

Bogagga: 202

Madbacadda: Laashin

Marka aan eegno jaldiga buugga iyo magac-bixinta uu qoruhu doortay, waxa si cad innoogu muuqanayso hodantinimada afkeena. Taasi waxay muujinaysaa in qoraagu yahay af-aqoon sare oo si xeeldheer u adeegsaday awoodda Af-Soomaaliga.

Magaca Dhimaal Dhaqan macna ahaan sida ku qoran qaamuuska weyn ee Afsoomaaliga AHN ee Yaasiin Keenadiid macnaha erayga Dhimaal waxa uu ku macneeyay waxyeello. Waana in waxyeellooyin badan ay soo gaareen dhaqanka bulshadeenna.

Halka qoraa Bashiirna uu erayga Dhimaal ku macneeyay eray-carbeedka Nusqaan ama Nuqsaan. Oo ah yaraan, ama luminta qayb ka mid ah shay.

Waxaa cajiib ah in buugga Dhimaal Dhaqan laga heli karo farriimo dhowr ah oo lagu qurxiyay habqoraal farshaxamaysan, oo tolmoon, af-aqoon heersare ah iyo wacyi-nololeed oo dhigaalaysan, kaas oo bulshada qaybaheeda kala duwan anfacaaya. Dadka wax dhigaaliyana ay ereyo badan ka guntan karaan haddii ay buugga akhriyaan.

Buuggu waa muraayad laga dhex arki karo isbeddelka ku dhacay dhaqankeenii wanaagsanaa ee aan bulshada adduunka kale kaga soocneyn maadaama bulsha kasta ay leedahay dhaqan gaar ah, oo ay ku suntanyihiin.

Wuxuu tilmaamayaa dhibaatooyinka dhimaal dhaqaneed ee ku dhacay ummada Soomaaliyeed, kuwaas oo sababay in bulshadeennu lumiso qaybo badan oo kamid ah hab-dhaqankii wanaagsanaa ee lagu yaqaanay.

Allaylahee, dhiganuhu waa mid ay ka buuxaan farriimo wacyigelin ah, oo loo qoray hab farshaxan leh iyo af-aqoon heer sare ah. Ereyadiisa waa kuwo miisaaman, macne leh, oo akhristaha ku kordhinaya aqoon iyo fahan qotodheer. Dadka qoraalka ku hawllanna waxa ay ka dhaxli doonaan ereyo dhowr ah oo macno buuxa leh, waana muraayad laga dhex arki karo isbeddellada cusub ee ku dhacay dhaqankeennii wanaagsanaa.

Qoraa Bashiir wuxuu tilmaamayaa dhaqanno xunxun oo maanta si xawli ah ugu faafaya bulshada, isagoo ku fasiraya erayo cilmiyeed iyo tusaalooyin qotodheer. Qaar ka mid ah iyo micnahooda ayaa qaybta hoose idinkula wadaagayaa:

Danaysi

Ballanxumo

Siin Sawiran

Quuri-weyto

Xil-kasnimo darri

Xildoon

Gardiidnimo

Tanaasul la’aan

Qab-quban

Hiin raac

Dhuuniraac

Dhadhamoraac

Gurdunraac

Saboolnimo

Jirjirroolenimo

Shaqodiidnimo

Jirjirroolenimo

Xishood la’aan

Dhac iyo Boob

Dulqaadyari

Siin Sawiran:

Caado fool-xun oo bulshada ku faaftay—dadka deeq bixiya ama wax taraya ayaa isku soo sawira marka ay wax bixiyaan. Waxay ka tarjumaysaa kibir, iimaan-yaraan, iyo xishood la’aan. Qoraalku wuxuu ugu baaqayaa bulshada in sadaqada loo daayo Allah iyo wanaag, ee aysan noqon muuqaal lagu faano.

Xilkasnimo-darro:

Waa sababta ugu weyn ee hoggaanka u dhaco. Aqoondarro, ilbaxnimo yari, xishood la’aan iyo ciqaab la’aan ayaa keena in xil hayaashu aysan mas’uuliyad lahayn, halka doorashada ku salaysan “kaas baa ka liita” ay mushkiladda sii fogayso.

Quuri-weyto:

Ka mid ah waxyaabaha ugu culus ee bulshada baabba’iyay—inaan u quurin qofka hibadiisa ama hormarkiisa, balse aan hareer marno, hoos u dhigno ama carqaladeyno. Waa damiir dhaawacmay oo bulshada ka hor istaagaya inay horumar samayso.

Hiin raac:

Waa qof raaca ama hankiisu yahay inuu aragtidiisa ku doorsado dheef tan ugu yar.

Haddii marka hiinraacnimadu ay shalay ku ekeed inyar oo xil ama xooladoon ah, maanta dadkiiba wuxuu u batay guulwade aan lahayn ujeed ka fog nolol maalmeedkiisa.

Dhuuniraac:

Waa iimaanlaale aan lahayn aragtida ama dhaqanka isdeeqsiinta iyo iskufillaysiinta waxa uu haysto ama uu heli karo, ee nooli ah, oo deeq ama xoogsigiisa ku yimid.

Dhadhamoraac:

Waa dullaysane dilane, oo naf iyo dadnimo siisanaya bishimo loo qooyo iyo soor uu quuto.

Gurdunraac:

Waa hanfade u heellan raacidda iyo dabagalka guux ama yabaq kasta ee ciya, wuxuu dhexda ka galaa isaga oo iska fiirin waxa jira, meesha ay ka jiraan iyo dadka horseedka u ah.

Saboolnimo:

Qof baahan wuxuu qatar ugu jiraa inuu wax badan ku baddasho inuu afka buuxsado, inta uusan caloosha buuxsan. Waxaana ceeb ah inuu qofku dadnimadiisa iyo dhaqankiisa siisto waxyaroo aan raagayn.

Shaqodiidnimo:

Inta uu shaqaysan lahaa wuxuu ka doorbidayaa inuu dhuuni ku raaco qof kale deeq siiyay, taas oo ka dhigaysa qof gadan.

Jirjirroolenimo:

Waa qof shalay wuxuu diiddanaa maanta oggol u jeed la’aan. Waana marka uu afku illoobo wuxuu shalay dhegta u sheegay, ama waa markaa aad ku dhaqanto wixii shalay aad dhaliil iyo dhaleeco u aragtay dad kalana ku haysatay.

Xishood la’aan:

Oo xilliyadaan dambe gaartay heer aan wadaaddadii xishoon. Qofka inta uu xishoodo ayuu nool yahay. Wax la haridda iyo wax iskula hariddu waxay astaan u tahay dareen nool iyo damiir damqanaya, sidaas darteed naftaada ka xishoo si aad bulshada uga xishooto.

Xildoon:

Nin xilqaad eed qaadye, ummada maanta waxa lagu ebtileeyay xil raadis, qofkasta wuxuu u raadinayaa sidii uu xil uun u qaban lahaa. Xilraadintu waxay maanta inala gashay in aan abuurnay magacyo iyo maqaamyo maran oo aan dhab ahaan u jirin, ee keliya maanka iyo maskaxda xiljaclayaasha ka muuqda.

Dhac iyo Boob:

Dhacu waa ku qaadashada xoog wax aadan lahayn, halka boobkuna yahay gurashada iyo daldalashada waxa xoogga lagu dhacay. Xayawaannada oo aadanuhu ku jiro, dhammaantood waxay ka siman yihiin ugaarsashada wax ay cunaan. Oo marka xayawaannada ay joogto ah xayawaan kale noqon karto, marka ay aadanaha joogtana wax ku jira gacanta ama moorada aadanaha iyo xayawaankii kalaba, oo lagu qaato xoog ama xeelad dhagareed.

Dulqaadyari:

Dulqaad ujeedkiisu waa u adkaysi wax kugu dhacay ama kugu soo food leh.  Maadaama culaab uu dad qaado tan ugu culus ay dhabarka lagu qaadi jiray, u adkaysiga wixii culus oo dhan ayaa loogu adeegsaday erayga “dulqaad”.

Dulqaadka dadku waa iskood kala duwan, haddana waa u muhim hagidda nolosha iyo haqaaqinta hawliheeda, maxaa yeelay sida loogu gudbo culeysyada ay noloshu keento iyo mashaakisheeda ayaa hadba loo gaaraa yool.

Han kugu jira ama himilo aad hirgelin rabto, waxay kaaga baahan yihiin dulqaad iyo dhabar-adeyg badan. Hawl af, aqoon ama agab lagu qabanayo waxay u baahan tahay dulqaad; la’aantiisa wax qabsoomi mayso. Dadku waa isku dir, balse dulqaadka ayey u kala duwan yihiin.

Dulqaadyaridu waqtigan dambe hoggaanka maamul iyo dhaqaale ahaan nagama gelin, ee meel kasta ayey ka wada muuqataa; gaar ahaan ganacsiga: maalin-tirade in aan noqono ayaan ku bilaabayaa, ama ganacsi hoose aan kugu weynayn la’aantuu keeno ayaa sabab u ah.

Ugu dambayntii, buuggu intaas wuu ka ballaaran yahay in la akhriyo oo keliya ayaanna ku baaqayaa; waa farriin wacyigelin, waano, digniin iyo baraarujin ah oo si toos ah ula hadlaysa bulshada.

Waxa uu ku boorinayaa xoojinta dhaqanka wanaagsan, xishoodka, wadajirka iyo damiirka, si loo ilaaliyo karaamada qofka iyo tan guud ee bulshada.

Buuggu waa baaq u furan jiil kasta, isaga oo ku dhiirrigelinaya ka hortagga dhaqannada xunxun ee dhaawaca ku ah ummaddeenna. Qof walbana waxa mas’uuliyad ka saaran in uu ka qayb qaato xoojinta xishoodka, damiirka, wada-shaqaynta iyo wanaagga guud.

Soo akhriya buugga, cid kasta wuu anfacayaaye. Mahadsanidiin. Ammaana Alle.

W.D. Xaawo-luul C.Qaadir ‘Ardayad’

 

SHEEKOOYIN