Gorfeynta dhiganaha Dhimaal Dhaqan| W.Q. Ilhaam Buuxo

Gorfeynta dhiganaha Dhimaal Dhaqan
W.Q. Ilhaam Buuxo
“Wixii buug ku qoran iyo
Wax saxiixa lagu qiray
Ama qalinku uu dhigo
Ayaa keyd u qaraweyn!”
-Qoraa Bashiir ‘Ina Cubtan’, 2017.
Dhaqanka Soomaalida oo badanka gobannimo ku suntanaa, iyo dhimaalka maanta ku yimid ayaa uu buuggaani qodob qodob iyo eray eray u dul istaagayaa, asaga oo sharrax hagaagsan ka bixinaya halka ay maanta ceebtu kaga imaatay. Dad iscaawiya, run iyo eray cad ku suntan; kooda gefa qabsada, kan dulmanna garabsiiya; xasad lahayn, cunfi iyo cuqdadi ku jirin oo laab xaarnaan iyo tilmaamo badan oo la jeclaysto ku caan ahaa ayuu sawir ka bixinayaa, iyo waxa beriga inn beddelay ee caksigooda iyo ka hoosba ah!
Dhimaalka Dhaqan ee uu Ina Cubtan noo tirinayo waxaa ka mid ah wax uu ugu yeeray ‘Siin Sawiran’, oo dabcan aan eray-bixinteeda la dhacay, dhaqan ahaanna aan qoonsanaa. Waa in laga soo bilaabo siyaasi, illaa iyo ciyaal xaafad keenna wax bixinayaa uu kaamiradiisa wato; miskiinka la caawinayo uu sawir iyo muuqaal la daba joogo, ayada oo aan la qoon cidda ay tahay in loo caddeeyo sadaqadaa (Siinta) lala baxayo. Maxaa dullinimadaa loo badayaa kan liita ee gacanta u baahan? Sow dhaqankeenna suubban iyo diinteenna ammaananiba na ma farayaan in aynaan faan iyo sarrayn ka raadin waxa aan bixinaynno, beddelka se labadeenna gacan ee nagu yaallaa ay midiba tan kale ku inkirto in ay wax bixisay?
Qolyaha falalkaa gaystaa ha ku doodeen in qofkii la baxayay lagu qancinayo, se ma ansax baa ayaduba? Sow dhimaal dhaqan kale halkaa kuma jirto taas oo ah ‘aaminaad-darro’? Asalku sow ma ahayn in la isku kalsoonaado, oo ay aaminaadi dhex taal labo kaste oo xariiraya? Maxaa beddelay dhaqan-wanaaggaa?
Isku soo wada duub oo, Qoraaga buuggu dhaqammo aan tiris lagu keenayn ayuu buuggaan ku soo uruurinayaa, kuwaa oo ay tahay in uu qofka aakhiro iyo adduun liibaan ka rabaa ka dhowrsoonaado. In aad istirtirto, labbisato oo adiga oo akhlaaq ahaan liita bulshada soo dhex gasho, dabadeedna aad qurunkaaga sidaa ku faafiso waxaa ka qumman in aad korkaaga iyo gudahaagaba isku dheelli tirto, oo aad habdhaqankaaga hagaajiso, waana inta ay boorrinayaan Ina Cubtan iyo dhaqankeennii wanaagsanaa ee caafimaadka qabay.
Rabbi ha na asturo, qoraagana dedaalkiisa ha ka abaaliyo. Aamiin

SHEEKOOYIN