Gorfeynta dhiganaha “DHIMAAL DHAQAN” W.D. Cabdulqaadir Maxamed Xasan

Gorfeynta dhiganaha “DHIMAAL DHAQAN”

Waxa uu saldhig u yahay si faahfaahsanna u bidhaaminayaa qaybo ka mid ah dhaqankeennii oo uu boor fuulay kuna sigan salguur. Sida magaca buugga ku xusan waxaa ku dhex kaydsan tilmaamo wanaagsanaa oo bulshadeenu caan ku ahayd kuwaas lidkooda qofka ku suntan liidmo aysan u dhimmanayn. Qoraagu wuxuu dhiganihiisa ku xusay si xeeldheer oo farshaxanaysanna uga hadlay isbeddello baaxad leh oo ku dhacay dhaqankeennii suubbanaa oo ay ka mid yihiin:

Deeqsinnimadii lagu yaqaannay Soomaalida oo ay taswiiri daba socoto, tani waxay dhaawac ku tahay saboolkii siismada mudnaa sharciguna qeexay in saddaqadu qarinta ku wanaagsan tahay, ballanxumadu waxay gaartay in warqadaha casumaadda munaasabadaha lagu soo qoro xilli hore, hase yeeshee dhowr saacadood ka dib ay billaabato, halkaas waxaa dadka uga lumaya waqti badan oo ay wax qabsan lahaayeen, ballan baaqashada ama ka soo daahidda goobtii lagu ballamay intaas ka badan.

Dhaqamada dhimaalku ku dhacay ee uu qoraagu buugga ku xusay waxaa ka mid ah abaalcelintii iyo mahadnaqii ka dambeeyey wanaagga la isu sameeyey, beddelka arrimahaan waxa uu noqday abaaldhac iyo ogaal xumo loo beego ciddii wanaagga samaysay, dhaqamada liita ee bulshadeenna ku soo badanaya ee uu buuggu ka hadlayo ayey ka mid yihiin a danaysiga, dafiraadda iyo xilkasnimo la’aanta. Waxyaabaha beddelay dhaqankeennii wanaagsanaa ee uu dhiganaha Dhimaal Dhaqan faahfaahiyey waxaa ka mid ah isu tanaasul la’aan, dulqaadyari, dhuuniraacnimo, amarkutaagleyniyo kuwo kale oo badan oo ku soo badanaya safafka bulshadeenna.

Buugga Dhimaal Dhaqan waxa uu qoraagu ku soo uruuriyey xikmado iyo tusaalooyin arrin kasta oo dhaqan roganka uu ka hadlayo daliil cad u ah mid kastana uu tlmaamayo waxyaabaha sababa iyo daawadeeda, qoraagu waxaa uu ku dadaalay adeegsiga AfSoomaali barax la’ oo aysan dheehin afaf kale waxayna muujinaysaa hodontinnimada afkeenna hooyo iyo xeeldheerida aqoonta qoraaga buugga u leeyahay afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Aragti ahaan waxaan u soo jeedinayaa madaxda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare in buuggaani uu ka mid noqdo buugaagta lagu derso sanadka asaaska u ah marxaladda Jaamacadeed, waa hubaal in ay ardayda marxaladdaasi u noqon kara mid u furfura aqoontooda ku aaddan dhaqankeenna wanaagsan ee dhibbanaha u noqday dadkiisa oo aan waayadaan dambe si wanaagsan ula falgelin, beddelkiisna ku fooggan wax lid ku ah dhibaato adduun iyo mid aakhirana laga dhaxlayo.

Dhiganaha Dhimaal Dhaqan waa raasumaal sababi kara inaan dib u milicsanno habdhaqankii wanaagsanaa ee la doorriyey ka dibna boor qaad lagu sameeyo. Buuggu wuxuu ka mid noqon karaa buugaagta raad-raaca u noqon karaa aqoonta lagu derso sanadka ka horreeya waxbarashada Jaamacadeed ee ku soo kordhay tacliinteenna sare.

Waxa aan bogaadinayaa dedaalka wax ku oolka ah ee qoraa Bashiir M. Xersi “Ina Cubtan” oo qoray Buugaagta Hilaadin 2017 iyo Dhimaal Dhaqal 2023, ahna maansoode iyo asaasaha Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Abwaan Faarax Shuuriye.

Cabdulqaadir Maxamed Xasan

Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir

SHEEKOOYIN