Gobanimo labo maaha

Nin weliba geedkuu beertu midhihiisa gurtaa!
Guuleed si maalinle ah, buu aroornimada hore ugu kallahaa Suuqa asagoo ka soo iibsada qudaarta  noocyadeeda kala duwan.
Toddobada aroornimo gaari gacankiisa ayuu ku saara si uu biilka carruurtiisa uga soo saarto.
Guulleed waxa uu ku naafoobay qarax ka dhacay suuqa maalin maalmaha ka mid ah taasi kama hor istaagin inuu halganka nolosha sii wato, waana sababta uu gaari gacanle u noqday asagoo markii hore shaqaale dowlo ahaa.
Guulleed asagoo halgankaa ku jiro ayaa maalin maalmaha ka mid ah, waxa u timid Caaliyo oo dukaameysi iyo faajo faajo u soo kobo xiratay, Guulleed waa yaqaan Caaliyo wax badan ayey si dhow u wada shaqeeyeen weliba uu asaga masuul ka ahaa hurumarka iyo nolosha degan ay ku tamashleyneyso laakiin maanta Caaliyo dadka kama taqaan inkastoo muddo ka soo wareegtay haddana abaalkii uu u galay iyo aqoontii dhex tiilay ma aheyn mid sahalkaa lagu ilaabi karay.
Yeelkeeda Guulleed markii uu arkay in aysan wax aqoon ah u laheyn waa uu ka gaabsaday inuu isku sheego.
Guulleed subaxaan asaga ah, hal qof xataa wax kama iibsan waxa la joogaa xilligii qadada qofkii ugu horreysay ee ku soo leexato Caaliyo ayey noqotay aqoonsi la’aanta  waxaa u dheereyd in ay hanjabaad,  ilaaq ugu dartay oo ay tiri adeer beecaagu waa kulul yahay suuqana waa weyn yahay ee ma rabtaa 2 xabo qumbe ah, 8 canbe iyo 8 xabo Isbaandheys bac iigu rid 2 Doollar ku siinaa haddii kale goodbye.
Guulleed dhinacyada ayuu iska fiiriyay inta ay sheegeyso waa qiimihii uu beeraleyda uga soo iibsaday, dani waa seeto e waa uu aqbalay waayo canbaha markuu bislaado ma sii ooli karo bac ayuu ugu guray.
Caaliyo ayadoo ku faraxsan sida ay raqiista ugu heshau ayey jidka labo ka dhigtay.
Guulleed 2 dii Doollar horay ayuu uga tuuray xaaskiisa oo goorahaanba il qooraansaneysay.
Dhanka kale Caaliyo waxa ay salka la heshay maqaaxi aan meeshaba ka fogeyn oo ay ku sii balamisay asxaabteeda Timirom iyo Aay Boolo .
Cumto ceynba ceyn baa la dalbaday kolkii ay qadadii idleysteen waxa loo keenay biilkii oo ahaa 77 Doollar inta boqol iska soo jartay bay u dhiibtay adeegihii una raacisay Goo’go’a waa xagal adeegaaga wacan.
Alle gabarta deeqsinaa saacado ka hor waxa ay aheyd markii ay Xoogsade Guulleed buutka la dul martay kana soo xaabsatay nolol maalmeedkiisii (Faa’iido la’aan) iminkana $27  ayey jees jees iyo i arkooy ku dhiibtay.
Waa adduun iyo xaalkii Guulleed sannado dhowr ah iyo harjad waa u kala kacday oo hadda supermarket qudaarta jumalada kaliya lagu iibiyo ayaa u furan Beri iyo Bugux ayaa adeeg looga soo doontaa.
Dhanka kale Caaliyo  waxa ay ka mid noqotay dadka ka adeegta ee biilka ka dhacsada waxa ay Aabbe iyo Hooyo u tahay Afar isuma qaddo ah oo agoon ah, ehel iyo asxaab intii ay ladneyd bay kala dhinteen Aay Boolo ayaa marmar hal doolar iyo wax la mida u soo tuurta.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu si kedis ah u arkay Caaliyo oo danbiil Maroogsin inta buuxsatay dusha u ridatay ileen lacag xamaali ay iskaga dhiibto ma awooddo mid ka mid ah, shaqaalihiisa ayuu ka daba diray si uu soo ogaado fariisinkeeda.
Markii xogteeda loo keenay Guulleed ayuu ku amray ninkii shaqaalaha ahaa beri markii ay timaado in uu ugu yeero.
Markii ay kulmeen ayuu Guulleed ku yiri maaddaama aad muddo badan aad dukaanka ka adeeganeysey hadda ka dib fadhigaaga ayaa laguugu keenaa wixii aad rabto lafaha kaliya iska soo celi.
Caaliyo waa markii u horreysay teer iyo markii saygeeda geeriyooday ay hesho qof u naxa oo naxariista farxad bay la ooysay.
Caaliyo waxaa u bilowdet nolol cusub hawo adduun baa gashay waxa ay ka shalaaysay ayaamaheedii wacnaa sidii ay dadka ugu wiirsan jirtay.
Caaliya waxa habdhaqan u ahayd in ay dadka liita yasto oo quudhsato, waxase waqtigu waa macalline baray in qofka waayuhu foodsaaro aan lagu jeesjeesin laguna digin.Noloshu waa meerto maalin waa dhankaaga, Maalina waa asaagaa.
Maalinta ay kula jirto ahoow mid debecsan u dhimriya dadka oo aan is qaadqaadin.
Haddiise aad garan weydo sida Caaliya ayaa waayuhu kula ciirayaan hadhoowna aad shalaayto uun ku dambayn doontaa
Nin weliba geedkuu beertuu midhihiisa gurtaa, haddaad samafal badan tahay wax kuu samafala ma waayeysid, haddii aad tagrifal badan tahayna wax kugu taagsada ma waayeysid.
Abka xaaji Qalinweyne
j

SHEEKOOYIN

Talo Waayeel

DURUUF W.Q. Wiilo Daahir Xasan

BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD

CAWRALA IYO CALI-MAAX