GEERIDII GOCOSHADA IGU REEBTAY EE MACALLIN SACIID JAAMAC XUSEEN W/Q. MUXUDDIIN XUSEEN CIID

GEERIDII GOCOSHADA IGU REEBTAY EE
MACALLIN SACIID JAAMAC XUSEEN
By Muxyadiin Xuseen Ciid.

“Aniga iyo Jiilkaygiiba wey gabeen Soomaali” Saciid Jaamac AUN.

Dhimashadu sideedaba waa mid aan la hurayn, balse saamayn ay leedahay ayaa jirta oo qofba heer ayku simayso. Tan ayaa ku xiran ruuxda go’day iyo sida dadka ay ka baxday ugu fadhiday, hadday ahaan lahayd mid dhalasho ku xiran oo dareen gooni ah leh ama mid saaxiibtinimo ku xiran oo aan kadhicin tan dhalashada. Haddana waxaa jira mid kale oo ku imaanaysa baahida aad ogtahay qofkaas dhintay in booskiisu leeyahay oo aad mar-marba oron kartid “cid buuxin kartaa ma jirto.” Tan oo ku galinaysa dareen la mid ah tan dhalashada iyo saaxiibnimada, wallow ayba dhici karto in ay uga sii murugo badnaato, marka aad ogtahay daleesha bannaan ee aan la buuxin karin.
Sidan waxaan u leeyahay geeridii ku timid Qoraa Saciid Jaamac Xuseen (10/06/2022 AUN), qofba si bay ugu fadhiday. In badan oo Soomaaliyeed ayaa dareemayay meesha uu banneeyay, aniguna intaas ayaan qayb ka ahaa. Ma ahi nin aqoon hoose oo gundheer u lahaa, intase aan isbarannay ayuu ila wadaagay in badan oo taariikhda iyo waayihiisii nololeed ka mid ahaa. Heer uu habeen inta uu i soo wacay igu yir “Muxyadiin, waxaan kuu doortay dhowr qof oo aan buugtii iyo curisyo aan qoray faylashoodii u hibeeyay ee ii soo qor iimaylkaaga”. Taasi waxa ay muujinaysaa kalsoonida uu ii hayay iyo sida aan fikriyan iskugu dhaweyn in badan.

12 Juun 2022, Aaskii Macallin Saciid Jaamac Xuseen, aan gadaal ugu laabto barashadayadii sida ay ku billaabatay. 2008-dii ayaan xaflad loogu magacdaray “Hiilkii Afkeena Iyo Haddiyada Jabuuti” oo London lagu qabtay ku arkay. Kaddib dhowr kulan oo
kale ayaan kor ka arkay. Balse 2019-kii Somali Week Festival, ayaa waxaa isku kaaya baray
Cabdiraxmaan Abtidoon, oo Qoraa iyo madaxda AGA ka mid ah. Galabtaas aan isbaranayno waxaa weheliyay (AUN) Qoraa Maxamed Baashe X.Xasan. Waxaan kala qaadannay telefoonada, annagoo ismaqalnay dhowr jeer. Kaddib waxaa yimid Koroonihii, tanoo dadkii kala xayirtay. Muddo kaddib ayaa waxaa bilaabmay Teleconference-gii lagu wada xiriiri jiray.
Madasha Laashin, ee Dr Xuseen Wadaad, madaxda u yahay ayaa hindistay in kulamo joogto ah u qabato qorayaasha iyo buugtooda. Halkaas ayaa aniga iyo Macallin Saciid Jaamac na kulmisay mar kale, annagoo dhowr jeer doodaha ka wada qaybgalnay.
Haddaba waxaa dhacday habeen 2021-kii ka mid ah markii aan kulan Laashin noo qabatay oo aan buug ku falanqeynaynay ka baxnay, aan nusaac kaddib helo wicitaan, haddaan ka jawaabayba waa Macallin Saciid, oo i leh “Wiilow markuu kulanku dhammaaday, ayaa wax ila hadleen oo ay i leeyihiin ninkaas reerkiisa waad taqaanaaye aanba iswerreysanno.” Anna su’aal ma geline sidii ayuu hadalkii noogu furmay. Waxa uu hubiyay Ciidkii reer Gaalkacyoodka ahaa in aan ku abtirsanayo. Saan iri “Haa”, haddana waxa uu yiri “ Ninkii dhallinyarada ahaa ee Layanka iyo Muxtarimka ahaa ee SSDF, ka tirsanaa ma walaalaad tihiin? Saan iri “Cabdullaahi Xuseen, walaalaan nahay.” Suu yiri “Axmed Ismaaciil Duqsi, oo markaa Xamar tagay aan ku dagay, adeerna ii ahaa iyo Aabbaha saaxiibo ayay
ahaayeen, waxayna ka wada tirsanayaeen Xisbigii Great-ka, ee uu hoggaamin jiray jiray Xaaji Maxamed Xuseen.” Wuxuu iigu daray intaas in toddobaatameeyadii uu Mudug ka soo shaqeeyay, dadka reer Mudugna uu xilligaas aad u soo kala bartay, saaxiibo bandanna ku leeyahay.

Intaas wixii ka danbeeyay nin uu sal iyo baar u yaqaan ayaan noqday, wuxuuna igu wargashay in uu ixtiraam gooni ah oo ku salysan xiriirkii saaxiibnimo ee odayaashii ka dhaxeeyay uu noo hayo.
Waxaan dib ugu laabannay aragtidii Soomaalinimo ee odayada isku keentay iyo dagaaladii ay soo wada galeen. Tanoo markii SSDF-Itoobiya khilaafku kala dhexgalay, Cabdullaahi Xuseen Ciid, uu SNM- ku biiray. Guddoomiye Ku-xigeenkii SNM-ta xilligaasna uu ahaa Axmed Ismaaciil Dukhsi, asagoo ku soo dhaweeyay.
Waxaa xasuus mudan xilligaas uu ila hadlayo in uu xanuunsan yahay. Waxaa dhici jirtay marmar in saacad iyo labo aan wada hadalno. Waligay kama aanan maqal asaga oo xanuunka ka hadlaya. Galab ayaan go’aansaday in aan guriga ku soo booqdo. Markaas ayaan ogaaday xaaladiisa dhabta ah, waxa i fajac galiyay adkeysigiisa iyo aqbalaadda xanuunka oo aan wax saamayn ah niyaddiisa ku yeelan.
Intaas wixii ka danbeeyay xiriir joogta ah ayaan lahayn, meelo bandanna isku aragti ayaan ka ahayn.
Nin waqtiga iyo waayuhu wax bareen ayuu ahaa, aragti sarena mar walba xambaarsanaa, meelaha iyo mowjadaha jahwareerka badan ee Soomaali ku marin habowdayna iskaga durkay. Nin aad wax badan ka kororosaneysid mar walba oo aad ismaqashaan. Nin aad jeclaan lahayd in waqtigiisii dhallin-yaranimada loo cesho si hamiga iyo himilada ka guuxeysa hadda uu uga jibi gaaro. Wuxuu i yiri “Buuggaas soo qabo?”. Haddaan soo qabtay waa buuggeyga Godob Iyo Geeri, oo uu ii sheegey in uu akhriyay, haddiyad ahaanna uu ugu keenay Qoraa Cabdikariin Cabdulle (Abka), asagoo meelo iga weyddiiyay.

Si walba ha ahaatee Macllin Saciid galbey, lana godgal dadnimo iyo dareen waxtar noo ahaan lahaa haddii uu noolaan lahaa. Midda se weli aan isweyddiiyo ayaa ah “Tolow farriintii uu kaaga tagi lahaa maxay noqon lahayd?”
Waxaa dhacday 18 May 2022-dii, maalin Arbaco ahayd, oo aanan shaqo lahayn in aan hurdadii dheereystay, mar ay ku dhawayd 10.00–kii subaxnimo oo aan soo kacay ayaan arkay wicitaanka 06.38-dii subaxnimo iyo 07.20-kii subaxnimo, oo markaan uu igu soo wacay Fiidiyow. Si hal-haleel leh ayaan lamberkii Saciid u wacay, khadkase waa ka maqnaa. Waxaan dib ka ogaaday in uu koomo galay.
Maalin kaddib ayaan waxaan ismaqalnay Abwaan Cabdirashiid Cowsgurow, asaga oo igu wargashay sheeko igu abuurtay welwel inta aan hore u qabay ka badan. Abwaan Cowsgurow, waxa uu ii sheegey subaxnimadii 17-May in uu soo wacay Macallin Saciid, kuna yiri “Maanta haddaadan ii iman mar danbe in aan aanan ismaqal ayaa dhici doonto, in aan kula dardaarmaan rabaa ee isoo gaar.” Abwaan Cowsgurow ma lab-labeyn ee isla subaxiiba wuu soo gaaray, asagoo ka soo safray Leicester. Waxa uuna la qaatay waqti fiican, wallow asaga oo la fadhiya uu bilaabay in uu miyir doorsoomo. Hadalladii
qiimaha lahaa ee Abwaan Cowsgurow iiga sheegay subaxdaas in uu uga tagay ayaa waxaa ka mid ahaa midkan “Aniga iyo Jiilkaygiiba wey gabeen in ay Soomaali uga tagaan waxa ay maanta ku sugan yihiin wax ka fiican, ee dhallinyaradiina maanta ku dadaala in aad isku duubnaataan, Soomaalina mideysaan, ugana tagtaan meel ka fiican meesha aan dhignay. Ma jiro wax idin kala soocaya oo isku Dir baad tihiin.” Intaas waa qayb ka mid ah ereyada qaaliga ahaa ee inta uusan miyir doorsoomin maalintaas ka soo burqanayay.
Haddaba waxaa la ii xaqiijiyay in maalintaas uu marna miyirku u soo laabanayay, marna uu baxayay.
Subaxnimadaa xigtay ee 18 May, 06.38 daqiiqo, waa mar uu miyirkii u soo laabtay, waana marka uu isoo wacay. Haddana 07.20 daqiiqo, ayuu Fiidiyow igu soo wacay, nasiib darro waan hurday. Waxaan ka ciishooday in aan aanan maqal codka ama farriinta uu sida Cowsgurow iiga tagi lahaa! Waana markaan soo xasuustay gabeygii Cilmi Boodheri, ee tudducyadan ku jireen oo dhacdadan oo kale ka tiriyay:
Harka galay hurdadu way xuntee, hoheey maxay seexshay?
Bal in aan habaar qabo maxaa, Hodan i weydaarshay?
Hadda marka telka magaciisa iigu jira aan ku arko in aanan haleelin wicitaankiisaa ayaa mar walba iraahda: “Intii uu Abwaan Cowsgurow uga tagay ayuu kaaga tagi lahaa.” Haddana wax uun baa i leh: “Mayee wax ka dheeraad ah ayaa jiray oo saacadaas iyo marxaladda uu ku sugnaa ku qasbaysay in uu kuu sheego.” Allaase naga og xaqiiqda.
Waxa uu hadda iga mudanyahay in aan u duceeyo, Allena u weyddiiyo in uu Jannatul Fardowso ka waraabiyo. Wanaagii iyo samahii uu nooga tagayna xusno. Inta aan garowsanayn in dhallaankoodii iyo jiilalka ka danbeeyaba aysan uga tegin wixii ay mudnaayeen in ay uga tagaan ay u noqoto DHANBAAL ay wax ka qaataan, waa haddii Eebbe waafajinayo’e. Dhallinta maanta noolna meesha ay ka kacaan. Gocashada aan gocanayo: Maxuu kaaga tagi lahaa? Waxaan hadda u daystay wanaagaas
uu ka dhintay iyo dhanbaalkaas Abwaan Cabdirashiid Cowsgurow.

W/Q. Muxuddiin Xuseen Ciid (Libaaxbarkade)

SHEEKOOYIN