Gabayga: Meeraysi. Curiye: Xasan Qorile

Gabayga: Meeraysi

1.⁠ ⁠Maansada rag waa wada marshaa waase kala maaane

 2.⁠ ⁠Ninba meeshow mudanka u arkow mowjad saartaaye

 3.⁠ ⁠Midnimiyo israac iyo inaan midig walaalowno

 4.⁠ ⁠Marna horumar aan tiigsannoo meel u wada duulno

 5.⁠ ⁠Muddo dheer ayaa laynku waday minaad maqlaydaane

 6.⁠ ⁠Culumadu wacdiga maysan dayn meershe diintiiye

 7.⁠ ⁠Abwaannadu murtida way tirshaan maalin soo galaye

 8.⁠ ⁠Madaxduna dhaliilu ha jirtee hadal ma daayaane

 9.⁠ ⁠Dadkaygaase moog waxan ahay maar afuufkeede

10.⁠ ⁠Markaan aan ku dayo waa intow meel daweeyaaye

11.⁠ ⁠Maandhow gabayga lays kama tirshiyo meerisyada qaare

12.⁠ ⁠Maansaba micnay leedahiyo meel ujeedaahe

13.⁠ ⁠Waa macaan mar kale waa qaraar midiba waa nuuce

14.⁠ ⁠Midba meesha loo tirinayay magac wadaagaane

15.⁠ ⁠Mirif malahan taan marinayaa mayran weeyaane

16.⁠ ⁠Waa midaanan maal iyo ku rabin magacyo maamuuse

17.⁠ ⁠Dadkaygaa ismirayaan rabaa inay midoobaane

18.⁠ ⁠Tani iyo mar hore oona jirin waa ismudayeene

19.⁠ ⁠Ilaahow ka mayr sidaad abaar roobka ugu mayrto.

20.⁠ ⁠Soomaali waxa meesha dhigay waa mag bixinteede

21.⁠ ⁠Waa marada duudduubaney midigtu dhiibtaaye

22.⁠ ⁠Waa maal la bixiyoon la siin kii mudnaasha lehe

23.⁠ ⁠Waa muran qabyaaliyo wax aan maan galba ahayne

24.⁠ ⁠Waa macangagnimo oo caqligu maafish weeyaane

25.⁠ ⁠Meeshaan anaa joogi jiray maalma ka hortoode

26.⁠ ⁠Mahan waa ayaan mari jirnaye ha isku soo marina

27.⁠ ⁠Ma mudnayn in loo jaro naf aw Eebbe maanacaye

28.⁠ ⁠War miyaadnan aayadaha iyo meersan axadiista

29.⁠ ⁠Oo miyaadnan maqal inay xisaab maalin dhici doonto?

30.⁠ ⁠Qof markow walaakiisi dilay jooga meel wacana

31.⁠ ⁠Oo malab ka cabay caano iyo sumagna loo miisay

32.⁠ ⁠Ama maalyo mooraal ku helay madaxyo ow gooyay

33.⁠ ⁠Middan haatan joogniyo aakhiroo loo martiyi doono

34.⁠ ⁠Maan arag walina maanan maqal magac Ilaaheeye

35.⁠ ⁠Adinkuna ma moogidin xisaab inaad maraysaane

36.⁠ ⁠Qof kastaa mahow maray waxow maal ka soo qaatay

37.⁠ ⁠Mar la soo hordhiginaa jirtoon muran la yeelayne

38.⁠ ⁠War miyaadnan garan waxa xun iyo wixii macaan kali ah

39.⁠ ⁠War miyaad hilmaanteen adduun maalmo weeyaane?

40.⁠ ⁠Isma maqasho moog baa tihiin meesha loo kacaye

41.⁠ ⁠Maangaabyadaa nugu batiyo meelxun joogyada e

42.⁠ ⁠Mar horay adduunyadu tagtoo gaartay meel saraye

43.⁠ ⁠Meeraysi waataad waddeen taniyo meecaade

44.⁠ ⁠Waataad in badan mowjad iyo guluf maqiiqdeene

45.⁠ ⁠Waataad masaakiinti aad maal ka boobteene

46.⁠ ⁠Waataad magaydada disheen ood bir mariseene

47.⁠ ⁠Ma rabtaan inaad horumartaan dibudhac mooyaane

48.⁠ ⁠Meelaha fog ee loo tartamay maba ujeeddaane

49.⁠ ⁠Maqla gabayga waxaan ugu celcelin muujin weeyaane

50.⁠ ⁠Shucuub iyo markii laynka dhigay qoomam kala meela

51.⁠ ⁠Ma xumayn qabiilkuye dadkaa mariyay deenbaase

52.⁠ ⁠Mahaad ula kacdeen looma rabin meeriska qur’aane

53.⁠ ⁠Magli mari walaalkaa muslina meelna kuma taale

54.⁠ ⁠Murugiyo waxaad miisateen lama maleeyaane

55.⁠ ⁠Litacaarafuu baad macnaa liyaqtul mooddeene

56.⁠ ⁠Macquul maaha meeshaa dhigteen ood marsiiseene

57.⁠ ⁠Mubaax maaha waxa aad fasheen muxarram weeyaane

58.⁠ ⁠Miisaanki waxaad saarateen waxaan macaanayne

59.⁠ ⁠Mowloow na dabaqabo dadkani waa ismariyeene

60.⁠ ⁠War ka jooga muslimkoo dishaa waa mushkilo wayne

61.⁠ ⁠War ka jooga waxaad muudsateen dhaxal masaakiine

62.⁠ ⁠War ka jooga marinkaad marteen waa mid shaydaane

63.⁠ ⁠War ka jooga maha ow tagaa meel xun weeyaane

64.⁠ ⁠War ka jooga maalkiinnii baad naar macaashteene

65.⁠ ⁠War ka jooga ma adkaysa karo ruux mar gala naare

66.⁠ ⁠War ka jooga ma ogidin naftaan meesha loo jiraye

67.⁠ ⁠War ka jooga maalmaha adduun waa la marayaaye

68.⁠ ⁠War ka jooga waxaad moog tihiin maray naqaysaaye

69.⁠ ⁠War ka jooga mar uunbay tahaba mowdku dey maahe

70.⁠ ⁠Ninkii magaca kaa duugayee maalka kaa qaatay

71.⁠ ⁠Masaaraha intow kula dhacana madaxa kaa gooyay

72.⁠ ⁠Marrastiyo carruurtana dilee mariyay meeshaada

73.⁠ ⁠Maalgelin dalkaagu ku hormaro minaad ka dhowraso

74.⁠ ⁠Waa midan dhacayn dowladuu kuu masruufaaye

75.⁠ ⁠Mushaarkow ku siinaa marbow miisandoonaaye

76.⁠ ⁠Maxabbiyo jaceyl kama ahiyo sii walaal mudane

77.⁠ ⁠Maalkaan dhexyaallay arkaan meesha taannaaye

78.⁠ ⁠Mulkigeeda bow doonayaa inow mar yeeshaaye

79.⁠ ⁠Ku mintida difaaciisu waa lagama maarmaane.

80.⁠ ⁠Adduunyada raggaa maamulee madaxda sheegaaya

81.⁠ ⁠Nimankaa madaafiicda iyo miigga duulinaya

82.⁠ ⁠Mar ayaysan jirinbaa jirtoow soo mareen taase

83.⁠ ⁠Mar ayaysan maal badan lahayn maamulna aqoone

84.⁠ ⁠Mar kalana gumaystaa hayooy magansanaayeene

85.⁠ ⁠Midnimiyo waxaa horumar hela dadan ismaagayne

86.⁠ ⁠Madmadow walaalow dhexgalay guul ma gaaraane

87.⁠ ⁠Maskaxdiinna tuujiya runtaa laga macaashaaye

88.⁠ ⁠Beentana intaad maanacdaan meel isaga ooda

89.⁠ ⁠Midigta isqabsada waxaa tihiin kalama maarmaane

90.⁠ ⁠Magansiga dadkaa ugu tagteen meelahow joogo

91.⁠ ⁠Oo aad musqulaha u dhaqdaan moora xoolaada

92.⁠ ⁠Midigtana u wada taagateen sow mar kuu sooro

93.⁠ ⁠Ogaadaay mudda dhalashadaa kula mid weeyaane

94.⁠ ⁠Ogaadaay waxaa laga askumay mani sidiinnaaye

95.⁠ ⁠Ogaadaay maqaarka cad waxow Mowle ugu deeqay

96.⁠ ⁠Madowgana u diiday ma jiraan howli waa meele

97.⁠ ⁠Adinkaa muslina ee ayagu ma laha raandhiise

98.⁠ ⁠Muruqiinna aamina xaqqaa maalin soo bixine

99.⁠ ⁠Oo mahan inaadnaan hurayn galiya maankiinna

Xasan qorile: 5/ 02. 2025

SHEEKOOYIN