Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Filan waa Q40AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q40AAD

Sheeko dheer kaddib, Canab waxay ka codsatay saaxiibteed Filsan, warqadii ay u dhiibtay barigii ay soo ambabaxaysay ee harjadka iyo socdaalka u diyaargarowdey inay u gayso Maxamed, una sheeg  inay nabad qabto.

Hibashada kalgacalka iyo hilowga iyo Jamashada ay Canab u qabto aragtida Maxamed oo goorba goorta ay ka ay dambaysa maankeeda ku sii baahaya aadna ugu tiiraanyeysan kala fogaanshaha dhuleed iyo war la’aanta ammintaa dheer ayaa waxay tidhi:

  • Allahayow dhib badanaa 
  • Qof ka tagey dhukiisee
  • Midkiidhuuxa halistiyo 
  • Dhaayaha ku beernaa
  • Dhimayaana mooyaan
  • La dhacyaana mooyaan
  • Siddaan dhoof ugaga tagay 
  • Wax ku dhigan ka maan helin 
  • Warkiisii, Jacaylkii dhabta ahaa…..

 

  • Hurdo dhaban markaan dhigo 
  • Dheelalaabad toosee 
  • Dhadhabkiyo riyadu waa 
  • Intaya talladdu dhowdee
  • Qalbi meel ku dheehani 
  • Tollow maygu dholalaa!
  • Sidaan dhoof ugaga tagay 
  • Wax ku dhigan ka maan helin 
  • Warkiisii jacaylkii dhabta ahaa….

Intii mudda ah dareenka Maxamed waxaa si daba jooga ugu sii xoogaysanayay boholyow iyo xiiso uu uqabo aragtida Canab, laakiin ayaandarro laba qaaradood ayuu midba gees kaga noolyahay.

Maxamed mararka qaar wuxuu isweydiiyaa, waa maxay qisooyinka is xigxiga qalbigaaga ku qoofalan iyo jacaylkan jidhkaaga ku lingaxan ee haddana aadan ka lib keenayn, haddana wuxuu isku calool adkaysiiyaa in wax walba xilli iyo calaf ku socdaan.

Si walba ha ahaade miley yar kaddib, Filsan waxay telefoonka kala hadashay Maxamed, salaan kaddib waxay u sheegtay inay doonayso inay kulmaan, haddii ay suura gal tahay haddaba uu ugu yimaado guri ku yaalla gadaasha dambe ee Biibiitida Cilmi lows ee xaafadda Xaawo Taako, nasiib wanaag Maxamed wuu ka yeelay  horayna wuu u sii baxay.

Kaftan iyo sheeko gaaban kaddib, Filsan waxay Maxamed u sheegtay in ujeeddada ay ugu yeedhay ay tahay arrin kadisa, waxay tidhi: “Waxaa muddo saacad aan dhanay ka hor iisoo wacday saaxiibtay Canab oo waayadanba war iyo wacaalkeed aan waayay, waxay iga waraysatay adiga xaaladdaada, dabcan si guud ahaaneed waxaan u sheegay nabad galyo, balse waxay iga codsatay inaan si gaara kuula kulmo, arrimo badana way iska jiraan, sidaa daraadeed waxaan rabaa bal inaan is waraysano”.

Maxamed oo aad ugu faraxsan wacaalka filsan ay uga siddo Canab, ayaa ku yidhi: “Haye iyo howraarsan”, xog waraysi dhinacyo badan oy wada yeesheen kaddib, Filsan waxay Maxamed guddoonsiisay dhambaalki ay Canab u soo dhiibtay, waxa ayna ku tidhi: Nabaadiino haddee eebbe oggolaado wixii dambe soo kordha aniga kula soo socodsiin doona.

Maxamed oo foolkiisa riyaaqiyo raynrayn ka muuqato ayaa durba gurigoodi soo aaday, markuu xaafadda yimid walaashii Nasro ayuu ku yidhi koob shaaha ii keen, kaddibna si dagan oo hubsiino leh ayuu  warqada akhriskeedi ugu dhaqaaqay, waxayna u qornayd sidan.

Magacaygu waa Canab… salaan kaddib, waxaan rajaynayaa inaad caafimaad qabto, waan ka xumahay, arrimo baddan ayaan doonayay inaan kaala hadlo, dabcan waxaan jeclaa inaan si fool ka foola u kulano, balse nasiib daro waad igu gacan saydhay, dhib malahaan waxaa horay loo yidhi qof wax jecel allaa dhibay, sidaa darteed anigaa dan le oo aan daalayn.

 Waxaaan rabaa inaan kuu sheego inaan Magaalada dartaa uga tagay una badheedhay socdaal harjad iyo halis ah oo haddi aan dhimasho ka badbaado aan dhib badan mudan doono, waxaan u adkaysan waayay laba dab inaan u dhaxeeyo, jacayl aan kuu qabo oo xad dhaafa oo aadan ii ogayn isla markaana ay aragtidaydu ku dhibayso, iyo hadallada dhagxumada eed magaalada ii galisay adigoo qoys iyo xigtoba ka dhaadhiciyay inaan ku dhagray, waa ayaan darro adigoo  wax walba ogaa, sidda ay wax u dhaceena la socday inaad nacayb intaa leeg ii qaado ama aad igu eedayso waxaan jirin.

Haatan iyo dan, qof walba Eebe ayaa uurkiisa ujeeda, waxaan kaa codsanayaa inaan is cafinno  waayo si aan isku arki doono allaa og. 

Maxamed abboowe aad ayaan kuu jeclahay…….

Maxamed warqadii intuu laablaabay ayuu jeebka shaatigiisa galiyay isagoo aad u yaaban, muddo tobaneeyo il bidhiqsi ah ayuu kalligii isla tallamayay, wuxuu isweeydiiyay ma adigaa waalan mise Cadanbaa laga heesayaa, waa maxay sheekadani, qofkii shalay adigoo jecel intay nin guursatay waliba kaa qarisay ayaa haddana eed iyo dambi kuu haysata, kaaga daranee waliba ku leh magaalada dartaa ayaan uga tagay, walle nin adduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban.

Wuxuu yidhi “malaha waxay moodaysaa inay calaacal iyo calool jileec dabacsanaan  iiga helayso, harjad ma ahaane waligaa hasoo laaban haddaad doonto.

la soco qaybaha dambe..

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN